CODKAAGA
KU CIIL BAX- 9
WARBIXINTA XUQUUQDA AADMIGA EE DAWLADDA MARYAKAN EE SOMALILAND
Haddba anigoo dabasocoda maqaalkii hore ee. CODKAAGA KU CIIL BAX -8
: XUQUUQDA MUWAADINKA. Waxa aan manta idiin soo koobi doonaa
warbixinta Dawladda Maraykan oo afka Ingiriiska ku qoran aadna u
qotodheer. Warbixinta oo ah tu ay dal kasta oo dunida ah ku qiimeey
aan, waxay saldhig u tahay oo laga dareemaa cilaaqadka ay la
leedahay iyo halka Maraykan ka joogo dalkaas. Haddaba sida ay u
qorantay warbixintu waa mid magaca guud ee Soomaliya ku salaysan,
iyadoo taabanaysa Somaliya iyo Somalilandba, oon la kala soocin.
Waxaan idiin soo qaatay qaybaha ay si gaar ah iyadoo warbinta guud
ka tirsan uga taabatay Soomaliland. Waxayna kuligeed ku fadhidaa
xuquuqda muwaadinka ee dawladdu ku tumatay, ha noqoto mid xoriyad
fikir ah, mid xisbi ah, mid warbaahin ah, mid banaanbax ah.
Sidoo kale waxay durtay murankii kal hore iyo dib-u-dhaca doorasho
oo salka ku haya kordhintii sida sharci darrada ah Madaxweyne ugu
kordhiyey Guurtida, iyo sida Guurtidu ugu kordhisay ooy u aragto...
AAN KUU XOQEE II XOQ... Hadda waa dhacdooyinkii 2008, kumana jiraan
kuwa manta taagan ee milixda ku sii daray nabarkii ilaa kal hore
qoomanaa... Aan toos idiinku dhaafo warbixinta Wasaaradda Arrimaha
Debedda ee Maraykan iyo aragtidooda Soomaliland:
Freedom of Speech and Press
Xorriyad qawlka iyo xorriyadda jaraa’idka
Dastuurka Somaliland waxuu balanqaaday xoriyadda qawlka iyo qoraalka,
hase yeeshee waxaa jira in marar badan, hididaad, xadhig, xabsi ayaa
lala beegsadaa suxufiyiinta gobal kasta. Hay’adda Freedom House iyo
Reporters Without Borders waxay marwalba ka qoreen ku tagrifalka
xorriyadda afka iyo qoraalkaba.
Inkasta oo ay jiraan ugu yaraan lix jariidadood oo xor ah, waxa
iyana jira laba wargeys oo toddobaadle ah kuna soo baxa afka
Ingiriiska iyo jariidad maalinle ah oo dawladdu leedahay, TV
dawladdu leedahay iyo laba shacbigu leeyahay, Haddana iyadoo
dastuurku si dhab ah u damaanad qaadaayo madaxbanaanida warbaahinta.
Dawladda Soomaliland waxay si joogta ah u diiday in la sameeyo
idaacad xor ah. Idaacadda keliya ee jirtaa waa mid FM ah oo dawladdu
leedahay oo Hargeysa ka dhisan. Maqalkeeduna dhaafin duleedka
Hargeysa.
September 17, Abdiqani Ismail Goh ayaa lagu xidhay Laascaanood
kolkii sida la sheegay uu dacweeyeey madaxa Somali Red Crescent (SRC)
ee Laas canood Dakir Ali Nur isgoo ka booday warbixin lagu qoray
mareegaha Internetka kuna saabsan sida loo qaybiyey raashin ay
gacanta ku haysay SRC. Waxaa Goh la sii daayey September 22 ayadoon
la maxkamadeen tafaasiilna laga bixin.
Freedom of Peaceful Assembly and Association
Xorriyadda Banaanbax Nabadgelyo iyo Urur Samaynta
Warbixintu waxay soo qaadatay sida dastuurku u banaynaayo
mudaharaadka iyo isa-soo baxa , iyo sida ay dawladdu u hortaagantay
xaqaas dastuuriga ah. Waxayna xustay sida ciidamada loogu adegsado
in xoog lagu baajiyo mudaharaadada, taas oo dil iyo dhawacba keentay.
Waxay matal u soo qaadatay banaanbaixii April 27ooy ku dhinteen
seddex qof iyo July 18, ooy ku dhinteen laba rayid ah dhaawac ilaa 7
qof ah, kolkii rasaas lagaga hortagay dhalinyaro mudaharaadaysay
Freedom of Association
Xoriyadda Urur samaynta
Sidoo kale ayuu dastuurka Soomaliland ballanqaadayaa urur samynta
iyo is-abaabulka siyaasadeed. Taas oo jirta ayaa July 2007 waxa
xabsiga la dhigay seddex siyaasi oo doonaayey inay urur siyaasi
sameeyaan. Waxa la soo daayey December 2007. Waxa Mad. Riyaale
sheegay inuu cafis rasmi ah u fidiyey, inkasta ooy ka qayb qaateen
diiwaangelinta, lagama tirtirin dembigii hore ee lagu oogay ,
taasina waxay tuurtay xaqooda siyaasadeed, iyagoon sinnaba siyaasdda
uga qayb qaadan doonin oon xisbina isu soo sharixi karin. Waana mid
lid ku ah dastuurka.
Prison and Detention Center Conditions
Xabsiyadda iyo xaalkooda
Xaaladda xabsiyadu waa qaar adag oo xataa khatar ku ah nafta
maxaabiista. Jeelka Hargeysa oo loo dhisay inuu qaado ugu badnaan
150 qof, ayaa lagu xareeyaa ilaa 700. Cidhiidhi, xaalad xun oo
fayo-dhowr , daryeel caafimaad oon jirin, cunto la’aan iyo xumaanba,
biyo yaraan iyo xaalad aad u daran dhinaca musqusha iyo maydhashada.
Xanuunada TBga, HIVAIDS iyo oof-wareeenku aad ayey ugu baahsan
yihiin. Waxa u raacda hab-dhaqan xun ooy kala kulmaan askarta iyo
shaqaalaha xabsiyada. Meelo badan waxa raashinka maxaabiistu ka
hilaan ehelkooda iyo ururo samofal ah, ee ma siiso xukuumaddu.
Dhinaca ciidamada.
Soomalilaand waxay ku bixisaa miisaaniyadda boqolkiiba 60 waxay ku
bixiyaan ciidanka (Militia) iyo booliiska. Inta badan gabood-falka
ay ku kacaan booliska iyo ciidanku ma noqdaan qaar la baadho lana
xukumo. Waxayna ka dhigtay qaar sharciga ka sareeya . Bolisku waxay
guud ahaan ku fashilmeen inay baajiyaan amba ay si nidaamsan uga
jawaabaan qaska marar badan ka dhacay bulshada.
GARSOORKA IYO MAXKAMADAHA
Dastuurka Somaliland waxuu damaanad qaadayaa madaxbanaanida
Garsoorka, dhab ahaan se ma aha mid wax ka jiraan. Inkasata oo
dastuurku mabda’ ahaan ku salaysan yahay mabaa’dida
dimuquraadiyadda, haddana waxa lagu shaqeeya qawaaniin duug ah oo
mararka qaar si toos ah uga soo horjeeda dimuquraadiyadda.
Waxa jira maxkamado shaqeeya bal se waxa ka jira aqoon darro
qotodheer dinaca xukaamta iyo gaabis dhinaca documentiga sharciga si
loo helo nidaam garsoor oo caadil ah. Waxa xukaam ka ah boliis aan
tababarnayn iyo shaqaale aan aqoon sharci lahayn. Waxa raacda
farogelin ka timaada maamulka oo marar badan isticmaala xukunka
degdega ah (Public Order Law), taas oo lagu xidho muwaadiniinta
iyagoon maxkamad marin
Hay’adaha xuquuqul insaanku waxay ku eedaynayaan in xukuumaddu ay
farogelin ku hayso hawl maalmoodkooda iyo inay ka dhex abuurto
khilaaf gudahooda ah.
ARRIMAHA SIYAASADDA
2006dii Mad. Riyaale waxuu dib u dhigay doorashada Guriga Guurtida
waxuu u kordhiyey mudadii xilka ay hayeen muddo afar sano ah oo
kale. Sanadkan (2008) 10 April ayaa haddana dib loo dhigay
doorashooyinka Golayaasha Degaanada iyo Madaxtooyada , kuwaas oo
kala dhici lahaa July iyo August, markan waxa muddo kordhinta samyey
Golaha Guurtida ee hore Madaxweynahu muddada u kordhiyey. Guurtidu
waxay muddada xilka ugu kordhisay Madaxweynaha muddo hal sano ah.
Culays iyo farogelin kaga timid bulshada caalamka dabadeed, waxay
danwadaagayashu (Stakeholders), isla garteen jadwalka doorashooyinka
iyo kan diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, taas oo muwaadiniinta
Soomaliland ku heliyaan ID. Dhammaadkii sanadka(2008) waxaa si wacan
gobolada badankood ku soo dhammaaday diiwaangelinta. Waxaana leysla
gartay in doorashada madaxweynahu ku dhacdo 6 April 2009. Ka dibna
ay xigto ta Dawladaha Hoose.
December 2007 Waxa la sii daayey seddex siyaasi oo kala ah Mohamed
Abdi Gaboose, Mohamed Hashi Elmi, iyo Jamal Aideed Ibrahim kolkay
xabsiga ku jireen muddo seddex bilood ah, laguna eedeeyey inay
abuureen urur aan sharci ahayn iyo inay abaabuleen nabad darro. Ilaa
hadda looma soo celin xaqooda siyaasadeed. Waxay ku guuleysteen inay
is-diiwaangeliyaan, bal se looma oggola inay is sharaxaan.
Waxa warbixintu xustay Sanaag Bari iyo Sool ooy ku tilmaantay meel
laba maamul isku haystaan, iyo maxaabiis ay Soomaliland sii daysay.
Laascaanood oo xarunta gobalka ihi waxay gacanta ugu jirtaa
Soomaliland, waxaa jira sida Hay’adaha samafalku sheegeen in ay
jiraan ilaa 900 qoys oo ka soo qaxay.
Musuq-maasuqa iyo fur-fur la’aan
Government Corruption and Transparency
Musuqu wuu dhammeeyey laan kasta iyo goob kasta oo dawladda ah, mana
jiro sharci xakameeya shaqaalaha ku shaqaysta aafadan hortaagan
horu-kaca dhaqaale iyo bulsho meel kasta oo dalka ah. Waxaaba loo
arkaa inaan sharciba qaban cidda ku kacda musuqqa. Warbixinta World
Bank ee 2008, waxay si cad u tilmaameen sida musuqu ugu fiday
nidaamka dawladeed iyo sida uu u ragaadiyey dhaqaalaha, horumarka
bulsho iyo sharciba.
Ma jiro sharci waajibinaayaa in wax-qabadka dawladeed ahaado mid ku
fadhiya sir la,aan iyo furfurnaan, dadweynaha loo soo bandhigo wax
kasta oo magacooda lagu fuliyo, iyo in si caam ah loo helo
warbixinta qayb kasta oo dawladeed. Waana mid ka maqan dalka, kana
dhigtay la-xisaabtanka dimuquraadiyaddu u baahantay mid aan
suurtagal ahayn.
Waxaa warbiixntu taabatay sida ay u cabanayaan ururada aan dawliga
ahayn oo xukuumadda ku eedeeya farogelin arrimahooda gudaha sida
doorashada hoggaankooda iyo inay isku-dir iyo iska- horkeen ka dhex
abuurto ururada iyo maamulkooda.
Waxa kale oo ay xustay inay af-ahaan jiraan Ururada Sahaqaalaha
SOLTUO oo la sameeyey 2004, laguna sheego inuu ka kooban yahay
26,000 xubnood , ooy ku jiraan 21 Urur Shaqqle mihniyeed. SOLTUO
waxay sheegataa madaxbanaani iyo dimuquraadiyadda, bal se ma jiraan
wax dhaqdhaqaaq ah ooy sameysay.
Warbixinta oo aad u dheer ciddii doonaysa inay akhrisato waxay ka
helaysaa halkan iyadoo ku qoran af-ingiriis: 2008 Human Rights
Reports: Somalia and Somaliland....Part A, 2008 Human Rights
Reports: Somalia and Somaliland…Part B, 2008 Human Rights Reports:
Somalia and Somaliland…Part C Turjumadda kuma dhama waxii
Soomaliland laga qoray, waxaan se u arkaa intani inta ugu muhiimsan.
Waxaana kuu cad sida xukuumaddu ay u dilayso sumcadda dalka
Soomaliland ooy ku riixayso inay ku biiriso dalalka keliteliska iyo
cadaalad darrada ku sifooba. Kuwaasna dabcan waa qaar ka dheer inay
xaydaanka bulshada caalamka ku biiraan.
Waxaad ogaataa haddaan dan dhaqaale laga helayn dal, tan keliya ee
lagu qiimeeyaa waa kaalinta dalkaasi kaga jiro xuquuqda dadkiisa.
Waxa dhammaaday xiligii shuuciyadda iyo reer Galbeed u kala dheereen
jireen ictiraafka dalalka oon loo eegi jirin nidaamka ka taliya.
Haddaba weynu ognay inaan Soomaliland dhaqaale loo xiganayn, ee ay
tahay inaynu iibino nidaam dawladeed oo ku dhisan hab-maamul-wanaag.
Maanta xukuumadeenu waa u cadow nidaamkaas. Muwaadin waxa kula
gudboon inaad u darbanaato sidii aad codkaaga ku ridi lahayd
taliskan nabarka ku noqday himmilada shacbiga halganka dheer soo
galay. Waxa se ka horreysa sidii aad u oggolaysiin lahayd in
doorasho xor ah oo xalaal ah xilligeeda lagu qabto.
U KAC XAQAAGA MUWAADIN OO NOQO RUUX U HALGAMA INUU HELO FURSAD AAD
SILSILADDA NIDAAM-XUMMO EE DALKA KU HABSADAY KA FURTO. FURSAD AAD
CODKAAGA KU CIIL BAX. OO FURSAD AAD XAQQA UGU HIILISO, FURSAD AAD
MUSUQQA KU DABAR JARTO, FIKRAD KIBIRKA MADAXMARAY HOGGAANKA DALKA
SUULISO….WAA XAQQAAGA MUWAADIN XISBI KASTA OOD TAHAY.
WAA ASTAANTA WADANNIMO AHOW UDUB, UCID AMBA KULMIYE…XAQAAGA U TOOS,
U HALGAM IDINKOO GACMAHA IS-HAYSTA. HA KU NOQON DALKAAGA MARTI…HOW
DHAQMIN SIDAAD TAHAY AJANEBI…YAAN CIDI KAA XIGTEYSAN…LOYACADDA ILAA
CEELAAYO WAA DALKAAGA MUWAADIN…
MEEL AAD JOOGTANA WAAD U SIMAN TIHIIN…REER GAAR UMA LEH…GOBAL MA
LEH…DEMANA MA LEH…WADAJIR AAN UGU GURMANO XAQQA..SI AAN U GAADHNO
HORUMAR BULSHO, DHAQAN IYO DHAQAALE. XAQIIJI XAQQA CODBIXINTA SI AAD
CODKAAGA UGU CIIL BAXDO…
Gargaar Soomalilaand
Ahmed Arwo
Cardiff,UK
Samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com
|