CODKAAGA KU CIIL BAX- 23- Warbiixntii Xuuqda Aadmiga 2009 ee
Xukuumadda Riyaale
Wasaarada Khaarajiga Maraykanka oo soo saartay Warbixin daaha ka
rogtay boogaha Xuk uumadda Rayaale
Waa sanadkii labaad ee dawladda Maraykan si ba'an u durtay nidaamka
uu Madaxweyne Ri yaale dalka ku hago, iyadoo soo qaadatay
falalka ka dhanka ah xuquuqda muwaadinka. Wa xa ay taabatay xadhiga
joogta ah ee saxaafadda iyo muwaadiniinta kale een lahayn dac
wad iyo maxkamad. Waxa ay muujisay tumashada dastuurka, ooy soo
qaadatay mamnuuca mudaharaadada, idaacad xor ah oon jirin, iyo
cidhiidhiga la galiyo dhaqdhaqaaqa xisbiyada. Waxa ay iftiimisay
inayna jirin xuduud u kala yaal maxkamadaha iyo madaxtooyada. Waxa
ay farta inoo saartay in dakhliga dawladdu ku baxo hay'adaha amniga
ooyna isla markaas aha yn ciidan nidaamsan bal se ay ku
tilmaantay malitia ooy ugu wacantay darojo la'aantu.
Waxa ay soo qaadatay ooy toos u abaartay in Madaxweynahu xeelad
kasta uu ciyaaray si uu ugu sii nagaado kursiga. Waxay qaawisay
sharci darradii korodhsiimaha xilka Guurtida ee Madaxweynahu u
kordhiyey ooy u aragtay "Aan idiin qoqee idina ii qoqa"..
Waxay is-dul taagtay dhacdadii mudaharaadkii Sebtember 2009 ee
barlamanka loogu gurm aday ee muwaadiniinta lagu laayey rasaas
nool. Waxa ay xustay inaan dilalkii bolisku geyst ay hore iyo
dambeba aan midna la maxkamadeen wax war ahna laga soo saarin. Ogow
xataa shacbi iyo barlamaan midna arrintan ma dabo joogo, waxa se
dabo socda laanta xuquuqda aadmiga ee dawladda Maraykan...Muwaadin
taasi siday kuula muuqataa?
Waxa ay muujisay mas'uuliyad-darrada ka taagan Ceel-Bardaale oon xil
ayna iska saarin xu kuumaddu dilkii foosha xumaa ee is-daba
joogay iyo talaadayda nacasnimo ee kolba soo la bo-kaclaysa
iyo dhacdooyinkii ka horeeyeyba. Waa xukuumad xilkeed gabtay iyo
shacbi cad aalad waayey.
Haddaba warbixintan oon hoos idinku soo gudbin doono, waxay ku
koobnayd arrimaha xuqu uqda aadmiga oo keliya, taas marka aad
ku darto musuq-maasuqa, dhaca hantida qaran, af-xumada iyo kala
qaybinta bulshada, been iyo xaalad abuurka iwm miyeyna kuu muuqan
inaad u baahantay is-bedel dhab ah oo dhakhso ah. Nabarka dalka ku
yaalaa waa mid si degdeg ah u fidaaya, waa mid u dhow inuu
curyaamiyo.Waxa muuqata rafad iyo olool ka soo birqama aya
UDUB oo loo xaqiijiyey in xumaanteedii la arkay. Waa kiis iska waal
iyo jeedin marinka bu lshadu qabsatay laga duwaayo, ka furayso
dhegaha oo noqoo ruux ku adkeysta wadajirka bulsho iyo danta guud.
Ha noqon ninka raadkii geelisa haya ee kii dhacay marin habaabiyey.
Danta muwaadinku min Loya'caddo ilaa Ceelaayo waa sharciga oo loo
sinaado, waa hantida qaranka oo loo sinaado, waa xaqqa iyo
cadaaladda oo loo kaco, waa inagoo gacmaha is-haysana oo marinka
toosan ku soo celina nidaamka dalka lagu hago.
U gurmo dalkaaga oo ummaddaada kala qayb gal siday u dooran
lahaayeen xukuumad iyaga u adeegta, u shaqaysa, iyagu leeyihiin ee
ayna iyaga lahayn. Ku aarso CODKAAGA oo ku CIIL BAX. Taageer Kulmiye
isagaa kaa maydhi xumihii ku soo daashaday. U toos xaqaaga oo
gac antaada ku soo cesho xaqqa dastuurku ku siiyey inaad wax doorato,
inaad xukunka ka riddo kaad u garan weydo, ood saarto kaad rabto.
Waqti yaana kaaga lumin U-DHIS ee raac DHI SKA jira, Intaad
DHISMAHA jira duminayso hagaaji, how adeegin si dadban cimri
dhererka xukuumadda gaal iyo muslinba xumaheeda arkay. DHIS aan
asaasba loo jeexin waqtigaaga ha ku lumin. Ninka raba inuu helo URUR
u gaar ah ha taageero sifaha sharciga ah ee lagu ga adhaayo.
Waa sida QARAN garatay oo ah taageerada Kulmiye, isagaa kuu furi
xisbigaa jee bka ku sidato ee u Codee Kulmiye, hana noqon nin
si dadban ugu shaqeeya UDUB.
Warbixinta oo aslan ahaan ku dhex jirta tan Soomaliya Ingiriisina ku
qoran oon khad bluu ah ku xardhay inta Somaliland khusaysa ka akhri
halkan:
http://samotalis.blogspot.com/2010/03/somalia-and-somaliland-2009-country.html
Dhinaca af-soomaaliga waxa inaga dabooshay OGAAL oon ka soo xigtay
waana tan ee akhris wacan iyo caqli fakira.
Washington (ogaal)- Wasaaradda
Arrimaha Dibedda dalka Maraykanka, ayaa Warbixin ay s oo
saartay ku sheegtay in Madaxweyne Rayaale dhawr jeer dib u dhigay
Doorashada Ma daxtooyada, isla markaana Dawladda uu madaxda ka
yahay ay tacaddiyo kula kacdo qaybha kala duwan ee Bulshada.
Waxaanay sheegtay in aan ilaa hadda gacanta lagu soo dhigin, sh
arcigana la horkeenin Ciidamo Boolis ah oo Rasaas ku dilay dad
shacab ah iyo Malleeshiyo jid-gooyo ay galeen dad ku dilay Waddada
xidhiidhisa Borama iyo Gabiley.
Warbixin dheer oo ay soo saartay qaybta Dimuqraadiyadda, Xuquuqda
Aadamaha iyo Sha qaalaha ee Wasaaradda Arrimaha dibedda
Maraykanku, lagagana hadlayay xaaladda nolo leed, siyaasadeed,
xorriyadeed iyo dimuqraadiyadeed ee guud ahaan dalkii laysku odhan
jir ay Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne
Rayaale geysatay tacaddi yo ka dhan ah Shacabka, Saxaafadda,
Ururada Xuquuqda Aadamaha iyo Siyaasiyiinta qaarkood.
Warbixintan oo aad u dheer, isla markaana qayb ka mid ah Wargeyska
Ogaal idiin soo turju may, ayaa lagaga hadlay dhacdooyinka
siyaasadeed iyo nololeed ee Somaliland, Puntland iyo Koonfurta
Soomaaliya. Waxaana lagu sheegay in tacaddiyo badan ay geysteen
Maamul-gobolleedka Puntland iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Warbixintaas oo lagu baahiyay barta Shabakadda Internet-ka ay ku
leedahay Wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanka, ayaa lagu sheegay
in Xukuumaddu ay geystay tacaddiyo bani-aadamnimo. "Bishii July
Warbixin ay soo saareen Ururada aan dawliga ahayn ee Caal
amiga ah iyo kuwa Xuquuqda Aadamaha, ayaa lagu sheegay in Maamulka
Somaliland uu geystay xad-gudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha, isla
markaana dhaliyay qalalaase halis ah oo doorasho." Ayaa lagu yidhi
Warbixintaas.
Mudaharaadyadii dhacay iyo jawaabtii Xukuumadda:
Mar Waribixintu ka hadlaysay Mudaharaadyo sanadkii tegay ka dhacay
Somaliland iyo sida Xukuumaddu ula dhaqantay dibed-baxayaasha iyo
sidoo khilaafka Deegaanka Ceel-berdaale, ayaa waxay tidhi, "Ciidamada
Somaliland oo si adag loo adeegsaday, ayaa keenay dhimas hada
dad Mudaharaadayaal ah sanadkii tegay. Bishii April shan qof ayaa ku
dhintay khilaaf ka dhashay Dhul-beereedka Ceel-Berdaale ee Gabiley.
In ka badan 100 Madax-dhaqameed ayaa tegay Kala-baydh, iyaga oo
adeegsaday habka dhexdhexaadin-dhaqameedka. Dhacdo la xidhiidhay
taas oo dhacday 11 July, ayaa ahayd Malleeshiyo aan la aqoonsan oo
Gaadhi ay ku joojiyeen Jidka u dhaxeeya Borama iyo Gabiley ku
qafaashay 10 qof oo afar ka mid ah ay gawraceen. Maamulka Somaliland
cidna uma xidhin dilkaas, Madax-dhaqameedka ayaana laga sugayay inay
soo qabtaan oo ay u gacan-galiyaan dadka waxan fuliyay Booliska. Ma
jiraan wax tallaabo ah o laga qaaday dadkii dilalka geystay."
Waxaana Warbixintan lagu sheegay in Miindooyinka Dhulka ku aasani ay
sababeen dhimashooyin kala duwan.
Sidoo kale, waxa Warbixintan lagu sheegay in Dawladda Somaliland iyo
ta ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya aanay wax tallaabo ah ka qaadin
dad ay sheegeen inay geystaan jidh-dil, kufsi iyo tallaabooyin kale
oo bani'aadamnimada ka dhan ah sanadkii 2007 ilaa 2008. Waxaanay
sheegeen in Barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP uu
tababaro u fidiyay Ilaalada Xabsiyada Somaliland qaarkood, isla
markaana ay guddi madax bannaan u dirtay Xabsiyada, si xaaladdooda
loo indho-indheeyo. Hase ahaatee, waxay sheegtay Warb ixintu
in Xukuumadda Somaliland aanay baadhitaan ku samayn tallaabooyin ay
qaadeen Boo liska iyo Malleeshiyada Jidka Borama iyo Gabiley
dadka ku laysay. "Meel-ka-dhacyada Soma liland ee ay geystaan
Booliska iyo Malleeshiyada in yar oo ka mid ah ayaa baadhitaan lagu
sameeyay, Ciidamada Booliskuna way ku guul-darraysteen inay
difaacaan amaba ka jawaa baan xad-gudubyada shacabka lagula
kacay." Ayaa lagu yidhi Warbixintaas.
Xadhigga Wadaaddada iyo Suxufiyiinta:
Waxyaabaha kale ee Warbixintani xustay waxa ka mid ah xadhigyo
lagula kacay Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland iyo
Maamul-gobolleedka Puntland, halka sida Warbixintu sheegtay aanay
Dawladda Shariifku sanadkii tegay xidhin wax Suxufi ah.
Xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay Warbixinta inay xidhay
sanadkii tegay Wadaa ddo kala duwan oo ka hadlay xaaladda
dalka iyo Doorashooyinka baaqday. "Bishii April 4 Ciidamada Booliska
Somaliland waxay xidheen laba ka mid ah Iimaamyada Masaajiddada
Hargeysa oo kala ah; Sh. Axmed Dayib Aadan iyo Sh. Cabdilaahi
Maxamed. Ciidamadu waxay Sh. Axmed xidheen subax hore, ka dib markii
uu Khudbaddii Salaad Jimce kaga hadlay Door ashooyinka.
Maamulka Somaliland wax tafaasiil ah kamay bixin sababta xadhigga,
balse waxay Wadaaddada sii daysay 6 April iyada oo aan Maxkamad la
geynin." Waxaanay intaa raacisay Warbixintu oo ay tidhi, "Bishii
April 14-keedii Ciidamada Booliska Somaliland waxay xidheen Boqor
Saleebaan Xasan oo ka qayb galay isu-soo-bax ay soo abaabuleen
Mucaa radku oo dhacay maalintii maalintaas ka horraysay. Sidoo kale,
bishii August 20-keedii Guddoomiyayayaasha Degmada Borama ee
Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, ayaa la xidhay markii lagu eedeeyay inay
fulinayeen falal nabadgelyada ka dhan ah."
Madax-bannaanida Garsoorka iyo Saxaafadda:
Warbixintan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanku
waxa kale oo lagu sheegay in waaxda Garsoorka ee Somaliland aanay
madax-bannaanayn, islamarkaana Xuku umaddu adeegsato Xeerar ka
horjeeda Dastuurka. "Dastuurka Somaliland wuxuu dhigayaa Garsoor
madax-bannaan, hase ahaatee, Garsoorku uma madax-bannaana hawlahooda.
Dastuurka Somaliland wuxuu ku qotomaa mabaadii'da Dimuqraadiyadda,
laakiin maamulku w uxuu joogteeyay adeegsiga shuruuc ka hor
imanaysa Dastuurka, kuwaas oo qaarkood ka horjeedaan mabaadii'da
Dimuqraadiyadda. Maxkamado shaqeeyaa way ka jiraan Somaliland,
inkastoo ay jiraan Garsoorayaal aan tababarnayn..Ururada Caalamiga
ah ayaa soo tebiyay in Masuuliyiinta qaarkood ay farogeliyaan
arrimaha Sharciga iyo in sharciga guud ee Soma liland had iyo
jeer loo isticmaalo xadhigga iyo xabbisidda dadka, iyaga oo aan
Maxkamad la horgeyn." Ayaa ka mid ahaa warbixintani waxyaabihii ay
xambaarsanayd.
Waxa kale oo Warbixintan lagu sheegay in Madax-dhaqameedka
Somaliland ay door ku lee yihiin dhexdhexaadinta iyo xallinta
khilaafaadka, mar arrintaa lagag hadlayayna waxay wa rbixintu
tidhi, "Sanadkii tegay Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa dhex galay
khilaafaadkii Siyaasadeed ee u dhaceeyay Dawladda iyo Axsaabta
Mucaaradka ah. Qabaa'ilka iyo Jilibya da hoose ee Qabiiladu
waxay adeegsadaan Cadaalad-dhaqameed."
Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa Warbixintu tilmaantay in ay ka
horjeeddo lahaa nshaha iyo furashada Idaacadaha Madaxa bannaan.
"Somaliland waxa ka soo baxa toddoba Wargeys oo madax bannaan oo si
maalinle ah uga soo baxa Hargeysa oo kala ah; Geeska Afrika, Ogaal,
Jamhuuriya, Haatuf, Waaheen, Saxansaxo iyo Maalmaha. Sidoo kale waxa
jira Wargeys Dawladdu leedahay ee Maandeeq iyo laba Wargeys oo kale
toddobaadkii mar Ing iriisi ku soo baxa; Somaliland Times iyo
The Republican. Waxa kale oo jira saddex Telefishan, HCTV, SLSC iyo
mid ay Dawladdu leedahay SLNTV. Inkastoo Dastuurka Somalialnd
ogolaanayo madax-bannaanida Saxaafadda, haddana Dawladda Somalialnd
waxay mamnuucday furash ada Idaacadaha madaxa bannaan ee
mawjadaha FM..Warbaahinta madaxa bannaana waxa soo waajahay
tacaddiyo kaga yimi dhinaca Dawladda Somaliland, gaar ahaan waqtigii
mudd ayntii hore ee Doorashada." Ayaa ka mid ahaa Warbixintaas.
Waxaanay magacowday Suxu fiyiin kala duwan oo ka hawl-gala
Warbaahinta Madaxa bannaan oo xabsiyada loo taxaabay iyo taariikhda
la xidhay. Sidoo kalena, waxay Warbixintani soo qaadday in
Somaliland uu ahaa dal madax bannaan muddo kooban oo xorriyaddiisa
ka qaatay Ingiriiska, ka hor intii aanu la midoobin Soomaaliya.
Baaqashada Doorashooyinka iyo doorka M/weyne Rayaale:
Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweyne Rayaale dib u dhigay
Doorashada Madaxtooy ada afar jeer. "Madaxwenaha Somaliland
Daahir Rayaale Kaahin oo la doortay bishii April 2003, wuxuu qaaday
tallaabooyin kala duwan oo uu dib-ugu-dhigay Doorashada markii
afraad, si uu xilka u sii hayo. Bilowgii 2006 Rayaale wuxuu bilaabay
tallaabo ay Golaha aan la dooran ee Guurtidu ugu kordhiyeen muddada
xil-haynta. Bishii April 2008, Guurtidu waxay dib u dhigtay
Doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka, waxaanay
mudda dii u kordhiyeen Madaxweyne Rayaale oo ay sanad ugu dareen. Ka
dib markii la galay dhe xdhexaadin lagu guulaystay oo Caalamku
waday, waxa Xisbiyadu ku heshiiyeen in April 2009 ay dhacdo
Doorashadu, ka dib marka la qabto Diiwaangelinta. Laakiin, bishii
March 3-deedii ayaa Guddida Doorashada Qaranku ay ku dhawaaqeen in
Doorashadu qabsoomayso 31 May, hase ahaatee, 28 March ayay Guurtidu
u codaysay in dib lood dhigo Doorashada oo Rayaale xilka hayo ilaa
27 September. Waxa kor u kacday xaraaraddii Siyaasadda, bishii
August 29-keedii ayay Ciidamada Boolisku xidheen Dhismaha
Baarlamaanka. Intii u dhaxaysay March ilaa September ayay Xisbiyada
Mucaaradku ka mudaharaadeen muddo-kordhinta, waxaana Miiska Golaha
Wakiilada la soo dhigay Mooshin xilka-xayuubin Madaxweyne ah." ayaa
lagu yidhi, waxaanay si qoto dheer uga warbixisay in waqtigaa
Xabsiyada loo taxaabay dad tiro badan oo 44 qof kor u dhaafay.
Waxaanay xustay in 25 September Golaha Guurtidu ansi xiyeen
heshiis 6 qodob ah oo ay gaadheen Axsaabtu, dhexdhexaadina ka
ahaayeen Beesha Caalamku. "…Waxa lagu heshiiyay in Madaxweyne
Rayaale xilku ka dhammaanayo bil ka dib marka Doorashadu qabsoonto."
Ayaa lgu yidhi Warbixintaas.
Gebogebadiina, Warbixintani waxay sheegtay xadhiggii Madaxdii
Urur-Siyaasadeedkii Qaran, waxaana lagu soo gebogebeeyay
Warbixintaas oo lagu yidhi, "Dhammaadkii sanadkii tegay saddexda
hoggaamiye Siyaasi (Madaxda Qaran) waa loo ogolaaday inay is-diiwaangeliyaan,
laakiin waa loo diiday inay ka qayb-galaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed
cusub oo ay sameeya an."
Waa akhris wacan iyo fikir suuban.
Tan iyo qormo kale, ammaano Alle.
Hu biir SAMOTALIS
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=nf
|