CODKAAGA KU CIIDAMI-4: WAA DHARAARTII MUWAADINKA




Waa dharaartii balanka, waa ayaan shacbigu midida daabkeeda hayo, waa maalintaad masiirka iyo mustaqbalka Soomaliland ee siyaasadeed aad ka go’aan gaadhi lahayd. Waa maalin codka muwaadinku siman yahay, aqoonyahan iyo qof aan wax qorin, rag iyo dumar, waayeel iyo dhalinyaro, maal-qabeen iyo danyare, reer magaal iyo reer miyi. Sidoo kale waxa sharaxan rag iyo dumar isagu jira dhalinyaro iyo waayeel, khibrad iyo aqoonna aad u kala durugsan. Wey u siman yihiin oo sharcibaa u fasaxay tartanka iyo doorashada.
Ugu horreyn aan sida ugu hawl yar idiinku iftiimiyo habka xildhibaanada loo dooranaayo ee ay ku soo baxayaan.

XISBIGA BOQOLKIIBA 20 HELA CODKU, WAXUU HELAYAA ISLA BOQOLKIIBA 20 TIRADA XILDHIBAANADA.


Waxa la tirinayaa degmo kasta cododka xisbi/ urur waliba ka helay. Waxa la helayaa isugeynta xisbi/urur waxaana loo qaybinayaa tirada guud ee degmada ka cod bixisay waxaana lagu dhufanayaa 100. Waxa la helayaa boqolkiiba inta uu xisbigu/ururku ka helay tirada guud ee degmada.


Matal xisbi/urur ayaa Hargeysa ka helay 20% ( Boqolkiiba 20) tirada guud ee codka degmada. Waxuuna helayaa isla 20% tirada guud ee xildhibaanada. Sidaas darteed waxuu helayaa 5 xildhibaan oo ah 20% xildhibaanada sida uu codka degmadan u helay 20%. Shanta xildhibaan waxay noqonayaan shanta isla xisbiga/ururka ugu codka badan.
Qaabkani waa isla qaabkii loo kala saaray xildhibaanada golaha wakiilada.

Taladu waxay ka go’daa codbixiyaha ooy tahay inuu qiimeeyo oo uu si wacan uga baaraandego aqoonta, khibradda iyo akhlaaqda cidda uu dooranaayo. Waa shaqaale uu diranaayo. Sidaas awgeed waxa loo bahan yahay inaad ciddaad hawsha u diranayso oo dhan walba ka eegto.

Waxaynu ognahay in haddaad direwal rabto inaad shaqaaleysiiso amba dabaakh inaad u dooreyso cidda xirfaddaas taqaan, derewal leysan leh oo khibrad iyo tijaabo galay, iyo dabaakh la tijaabiyey. U dhiibimeysid baabuurkaaga ruux aan wadida aqoon u lahayn. Miyeyna ka miisaan weynayn inaad degaankaaga u gacan geliso ruux aan xilkaad u dhiibeyso aqoonteed lahayn, khibrad lahayn, akhlaaqdeed lahayn. Ka digtoonow oo yeyna qoys iyo qabiil ku indho tirin. Ka jog oo ha noqon ruux dhandhan-raac ah. Ha noqon ruux mustaqbalka ubadkiisa jaad iyo sacab-laab siista.

Tu kale oo ka culus ayaa u baahan inaad diiradda saarto. Waa aayaha siyaasadeed ee tobanka sano ee soo socda. Waxa codkaagu raad ku yeelan doonaa seddexda xisbi qaran ee keli ku noqonaaya siyaasadda dalkeena muddo 10 sano ah. Waa waqti dheer oo aad u durugsan. Ha eegin keliya tartanka gudaha ee xildhibaanada. Barbar dhig xisbiga oo u fiirso khibradda iyo waayaha xisbiyada iyo ururada.

Waxa hubaal ah in xisbiga KULMIYE yahay kan keliya ee tijaabo kasta ka soo baxay mid guul-darro iyo mid guul ah, mid mucaarid iyo mid muxaafid. Waxaynu ognay in labadii xisbi ee kale midna meesha ka baxay waa UDUB’e, kan kalena waa UCID oo u xuub-siibatay New UCID. Taasi waxay ka dhigeysaa KULMIYE xisbiga keliye ee horumar siyaasadeed gaadhay, dhaliyeyna dimuquraadiyad heerka ugu sareeya, waa guusha iyagoo mucaarid Afrikaan ah ku guuleysta doorashada Madaxtooyada. Waxa xigtay inay iyagoo labada xisbi mucaarid UDUB iyo UCID diidan yihiin si badheedh ah uu u furay tartanka Ururrada ee hadda socda. Dan xisbi ugumey jirin laakiin waxay u liqeen danta guud iyo oofinta balan-qaadkii ay ummadda u galeen. Waana mid muwaadin kaga baahan inaad qiimeyso.

Ku dar waxqabadka labada sano iyo badhka ee xukuumadda dhexe gaadhay iyadoo ayna gacanta ugu jirin golayaasha deegaanku. Haddaba maxaad fileysaa kolka aad u codeyso KULMIYE eed codkaaga ku ciidamiso, sow ma aha hubaal in wax qabadka xukuumadda dhexe iyo tan deegaanku is caawinmaayaan. Sow xoojinmeyso awoodda xukuumaddeena oo maraysa xili xasaasi ah oo loo baahan yahay in ay shacbigu muujiyaan kalsooni buuxda ooy hoggaanka dalka ku qabaan. Ha iloobin inay furantay wada-hadalkii Soomaliya oo ay tahay inaad miisaankeeda siiso. Bulshada caalamka u muuji kalsoonida aynu ku qabno xukuumadeena, si gorgortankeenu u noqdo mid waafi ah.

Dooro aqoonta, wax qabadka, midnimada, iska jir ururo cimri gaaban oo magacooda aynu bilo haynay. Ururo aan lahayn xidid iyo cudud dhexe. Magaalo kasta iyo degmo kasta u door maayarka ugu habboon. Waa xil weyn oo u baahan aqoon iyo khibrad. Ha ilduufin ee dhab u dhugo taariikh nololeedka murashaxiinta. Cidda xilka u qalanta waad ogaan haddaad waqti yar siiso inaad qiimeyso tartamayaasha. Waxa kuu caddaan ciddaad mustaqbalka ubadkaaga u dhiiban karto.

U codee aqoonta, u code khibradda, u codee cidda la tijaabiyey. Ha ku khamaarin masiirka ummadda toban sano oo soo socda. Waa muddo dheer ee yeelo caqliga iyo degnaanshaha aad wanaagga ka soocdo xumaanta. Ruux aadan bakhaarkaaga, amba maqaaxidaada aadan ku aaminteen how gacan gelin masiira ummadda.


Waa codeenta oo nabad iyo degnaansho inoogu dhacda, waa iyadoo cidda hesha loo haneeyo, kan dhacana la yidhaa mar kale iyo mustaqbal wacan. Waano dabadeed, waa adi iyo damiirkaa.

CODKAAGA KU CIIDAMI

 



Axmed Xasan Carwo

samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/