CODKAAGA KU CIIDAMI-3; QUDBADAAN AWDAL KA JEEDIYEY

 



 


Goobtu waa Baki, waa Arbaca 21/11/2012 saacaddu waxay u janjeedhsantay 3 dii galabnim o.Dadku waxay diyaargaroobeen iyagoo u soo baxay dhoolatuskii KULMIYE ee u dambeeyey, subax hore, haddana daal iyo hiifta haysa waxay ku iloobeen soo dhoweynta madaxdooda. Waa dad qiimeeya oo maamuusa intay xilka u dhiibteen. Taas macnaheedu ma aha qaladka ayey ku raacaan amba ka aamusaan. Waxay dhaliisha iyo tabashada ku sheegaan garnaqsi cad oo fool ka fool ah.

Haddaba salaan dabadeed waxaan u ambabaxay hadal qiimeyn iyo qadarin ah iyo weedho tusaalayn ah anigoo dib u milicsaday taariikhda Soomaliland oo ay reer Awdal hormoodnima dooda ku hantiyeen bilad dahab ah iyo dhigaal ma goorta ah.

“....... Awdal waa gobal aqoon iyo ilbaxnimo dheer dhaxlay, taas oo ay ka marag kacayso taa riikhda Soomaliland halka ay kaga jiraan. Waa gobalkii u guntaday ee maal iyo maskaxba u huray inuu damiyo colaadii doqoniimo ee dhexmartay beelihii SNM. Waxay Awdal fidisay goga shii nabadda ooy maal, nool iyo moodba ay ku bixisay ooyna dhidibada u aastay qaranimada Soomaliland 1993dii kolkii cahdiga beelaha Soomaliland u dhan yihiin min Ceelaayo ilaa Looya caddo, min Boohodle ilaa Berbera, Hargeysa iyo Hadaaftimo,Badhan iyo Boorame, Burco ilaa Baki, lagu sexeexay dhismaha Qaranka iyo Dawladda Soomaliland. Waa mid ay magaca iyo maamuuskeeda Awdal ku keliyeysatay, waana mid taariikhda loogu qoray khad dahab ah.

...Waxay Awdal mar kale nasiib u yeelatay inay tahay Gobalka keliya ee ilaa 1993kii oo ku dhow 20 sano haysa hoggaanka dalkeena ugu sareeya ooy intaas ku jireen rag Awdal ka soo jeedaa Madaxtooyada. Weli ilaa xiligaas Hargeysa iyo weliba gobalkeeda weyn ee Maroodijeex marna fursad uma helin ay ku hantaan kuraastaas dalka ugu sareysa. Waxa iyana xusid mudan in Awdal ay mar kale heshay magac iyo maamuus ma guurta ah. Waa gobalka uu u dhashay Madaxweynihii ugu horeeyey ee doorasho xor ah lagu doorto.
Ilaa xiligaas Awdal waxay ahayd gobal muxaafid ah oo u hiiliya dawladda iyo Madaxtooyada mar walba hoyga u noqotay nin reer Awdal ah. Waana mid ay nasiib iyo caqli wacani keentay. Waa arrin caadi ah in Siyaasigu jecel yahay inuu taageero ka helo gobalka uu ka soo jeedo dunidoo dhan. Umana cuntanto guul uu meel kale ka helo, hadduu ku guul-daraysto gobalkiisa. Maanta Madaxweyne Xigeen Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici waa kan waana hoggaamiye reer Awdal ah, waxaan filayaa sida caadada idiin ahayd inaydun u hiilin doontaan, ood magaciisa kor u qaadi doontaan, ood ka dhigi doontaan KULMIYE xisbi Awdal kow fog ka ah oon la soo eegan. Taas oo kale ayaa laga filayaa Gobalka Togdheer ee Madaxweynahu ka soo jeedo. Waa xil labadeena gobal u gaar ah, leydinkana filaayo inaydun cod culus oo Madxtooyada ka farxiya leydinka helo.

Maanta waxa la galayaa doorasho aan ku koobnayn golaha deegaanka. Waa mid culays weyn leh. Waxa doorashada degaanka la socda in doorashadan lagu soo saaro seddex xisbi qaran oo muddo 10 sano ah dalkan ku keliyeysanaaya siyaasadiisa. Arrintani waxay u baahantay in la eego culayskeeda. Waxa furmay wada-hadal lala galaayo Soomaliya. Taasi waxay waajib ka dhigaysaa in la helo xukuumad xoog leh oo wadata awoodda dadweynaha. Waxa loo baahan yahay iyadoo Madaxweyne Xigeenku idiinka warami doono wax-qabadka xukuumadda iyo barnaamajkeeda, in la helo Golayaasha deegaanka ee la jaan qaadi lahaa, iyo kuwii ku taageeri lahaa ictiraaf doonka iyo in la helo mawqif adag oo mideysan oo lala tago madasha wada-hadalka.

Maanta waxa tartamaaya dhab ahaan hal xisbi iyo lix urur. Seddexdii xisbi, ayaandarro UDUB wey socotay, UCIDna waxay noqotay laba urur New UCID iyo Wadani. Waxa manta aynu haynaa KULMIYE oo xisbi qaran ah ooy hoggaanka u hayaan rag taariikhda dalkan qiimo weyn ku leh, una soo joogay marxalado macaan iyo qadhaadhba leh. Waa xisbi tuula kasta iyo magaalo kasta ku leh cid ku abtirsata. Waa xisbi fac weyn oon u baahnayn tijaabo. Ma tahay inagoo marxaladdan maraynaa xasaasiga ah inaynu masiirkeena u dhiibno ururo qof qof laga garanaayo oo muddo bilo ah jiray, magacyo aynu maqalnay dhowr bilood. Ma filaay o in caqliga fayoobi arrintan iloobi doono, kolka uu codeynaayo.

Waxaan idin leeyahay qiimeeya culayska ay doorashadani leedahay, ka fakira xiligan aynu marayno iyo baahida loo qabo in la helo wadajir maamul iyo xoojinta xukuumadda dhexe. Ka ilaali inaynu galno marxalad muran oo golayaasha deegaanka ka dhasha kolka ururada dhowaan dhalatka ahi si tafaariiq ah ay xildhibaanada u helaan. Sii cod weyn oo KULMIYE ku hoggaamiyo Awdal. Taasi waa mid gobalada kalena aan ka filaayo sidaas oo kale. Aragtida fogee oo eeg tobanka sano ee soo socda xisbiga aad masiirka ummadda u dhiibanayso, ha ku koobnaan xildhibaan, qoys iyo qabiil....Awdal ha noolaato, Soomaliland ha noolaato..”

Waa inoo mar kale iyo idinkoo CODKIINA KU CIIDAMIYA, kuna doorta cidda horumar bulsho, dhaqaale iyo dhaqan idiin keeni karta. Ka kor siyaasadda ma-dhaleyska ah een daaradda dhaafsanayn. Dhugo meel dheer, fogee hiigsigaaga, u hiili mustaqbalka dadkaaga iyo dalkaaga.

 


Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
 


Axmed Xasan Carwo

samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com