"C/laahi Cirro Wax Badan Odhan-maayo Balse Waanu Wada Joognaa Hargeysa"

Muuse Biixi Cabdi

 

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa si ba'an u naqdiyey qaabka baahinta warbaahinta dawllada, islamarkaana waxa uu ku eedeeyey UDUB in ay u adeegsadeen qaab hore loogu isticmaalo Idaacado ka jiri jiray dalalka Ruwanda iyo Serbia.

Muddo kordhinta ka hor waxa jiray olole laxaadleh oo Xisbiyada KULMIYE iyo UDUB mid kastaa dhankiisa kaga dedaalayey in la meel-mariyo mudo kordhinta iyo in la diido. Sidaa darteed Muuse Biixi waxa la weydiiyey sababta ay u diideen muddo kordhintu markii ay soo baxday. waxana uu sheegay in KULMIYE ahaan ay ogol-yihiin wixii sharciga iyo dastuurka dalku qabo, waxana uu ku celiyey in qaabka muddo kordhinta Lixda bilood ah ee dhawaan loo jadiidiyey loo maray ahayd mid ka baxsan sharciyadii dalka.

 "Golayaasha sharci dejintu waa dastuuri waana hay'addaha dalka ugu sareeya, waxaana ka sareeya oo kaliya Dastuurka. Shardigii kordhintu hadday dalka ka jirto oo ah in nabadgelyo darro jito, waanu ogolaaneynaa nabad-galyo darana dalka kama jirto..annagu gardiid ma nihin, bal gartaas cid waliba ha qaado."

Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka KULMIYE oo u waramay shalay TV-ga madaxa-banaan ee Space-channal iyo Shabakada wararka ee Somalilandfure, waxaana uu intaa ku daray oo uu sheegay in haddii uu dastuurka waafaq-san-yahay in ay taageeri lahaayeen. "Dastuurku maaha waxaan jecelahay, waa sharci sharcigaas haddii muddo kordhintu waafaqsantahay, xaalada dastuurku jideeyey in lagu kordhiyo lama diidayo, laakiin sharcigii ma waafaqsana, sidaa darteed ma aqoonsaneyno."

"in sharciyadii ka dhamaatey, oo uu yahay Madaxweyne aan sife sharci daro ah ku fadhiya. annaga oo qudha maahee, caalamka oo dhan ayaa og." Ayuu raaciyey


Mujaahid Muuse, mar uu ka hadleyey xaalada dalka waxa uu tilmaamey in aan dalka wax nabad-gelyo darro ahi ka jirin, isla markaana roobabkii da'een. Waxana haddalkiisii ka mid ahaa, "Dalku wuu nabdoon-yahay, roobab baa ka da'ay, busaarad xumina waa jirtaa nin iyo waagii"


Mar uu ka hadlayay warbaahinta ku hadasha Afka xukuumada Riyaale, waxana haddalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi. "Qoladda UDUB, saxaafadooda waxay u isticmaaleen, sidii tii Ruwaanda iyo Seerbiya…" ayuu yidhi, waxana uu ku doodey in markaa ka dib ay isku dayeen inay shacbiga u bandhigaan mawqifkooda, isaga oo arrintaa la hadlayana waxa uu yidhi. "Waxaanu damacney inaanu dadkayaga la haddalo,. Waxa dhacdey in la yidhaahdo ma hadli kartaan ,waxay isticmaaleen ciidankii qaranka ee ummadda u dhexeeyay waxay gaadhay heer ay rasaas ku furan taageerayaashadii ilaa gudoomiyihii xisbiga"


Waxaa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka KULMIYE inay isku dayeen in arrimahan laga wadda hadlo oo waan-waan lagu dhameeyo, taasoo uu sheegay in ay ilaa hadda taagan-yihiin balse ay kala yihiin. "waxaan filayaa inay noo arkaan rag ka baqaya oo ka cararay laakiin baqdin ma'aha ee wax ka weyn baanu ilaalinaynaa oo tacab badani nagaga soo baxay kuwa aanu ka cararaynaa ma'aha kuwo tacab ka galay dalkan waxayna ahaayeen basaasiintii NSS-ta ahaa ee dalkan laga xoreeyay. Kibirka nimankaa UDUB, waad la yaabeysaa.waxay gaadhsiiyeen meelo lama taabtaan ah ciidamadan naloo adeegsaday iyo rasaastan nalala dhacayna garteedu Somaliland bay u taalaa,in badab baa la yidhi KULMIYE nabad gelyo daruu wadaa,"Ayuu yidhi Muuse Biixi.


Muuse Biixi gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye mar uu ka had layay inay xisbi ahaan diyaar u yihiin doorasho wuxuu yidhi "Doorasho diyaar baanu u nahay laakiin meel nin diyaarsaday in lagula ciyaaro anagu ku ciyaarimayno balse waxaanu leenahay waar kubada dhexdaa inoo dhiga aynu hareeraha ka wada joogno markaa ka dibna aynu ku tartano"

Mar gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE ka hadlayay dacaay ado iyo borobogaande lagu hurinayo colaad ka dhex dhacda beelaha Somaliland wuxuu yidhi "Abaabul dagaal ayay Xukuumaddu bilowdey odayaal ayey soo fadhiisisaa TV_Geeda. 50 sanaddood wixii dalkan soo marey ee xumaan iyo dhibaato ahaa ee dadkani soo dhaafey ayey soo fadhaa, waxayna gaadhey in ciidamadii qaranka ee dalka u dhexeeyey ay rasaas nagu ridaan wax walba waa ay nagula keceen."


"In aanu baqano oo ka cararno anagaa dan moodnay waayo waxay  doonay aan inaanu isa soo taagno oo is dilno markaa waa inaanu ka warwareegno oo nidhaahno waaryaadha na daayaay nabad manta dalka taala ma rabno in wax la yelo ummadan dalka leh ee ganacsiga ku leh baa arkaysa in nala leeyahay waan ku xidhi oo xabad nalagula soo cararo oo nalagu ridayo,waad ogtihiin in Faysal Cali Wabaare Wajaale uu tagay oo xabad lagu soo riday anaga waad ka war qabtaan in ilaa gudoomiyihii xabad lagu riday oo maalintii dambena inan yar naloo soo diray oo isu soo baxayagii uu xabad ka riday waa la ogyahay markaa anagu waxaanu leenahay waar sidaa ka daayaay nabad nala qabtaay waxaanuna leenahay waar ninkani wuu waashay oo waad aragtaan inuu na leeyahay waan ku xidhi waan ku dili mar walba oo aanu ku nidhaahno umada wax u qabo buu na odhanayaa"Ayuu yidhi Muuse Biixi mar uu ka hadlayay dhacdooyin doora oo axsaabta mucaaradka ah kaga timi xukuumada oo adeegsanaysa ciidamada bileyska.

Muuse Biixi mar uu ka hadlayay sida xisbi ahaan u arkaana dhexdhexaadintii urur-siyaasadeedka UDHIS ee dhinaca xukuumadu ku gacan seydhay wuxuu yidhi "Anagu mar walba waxaanu leenahay cid walba oo dhexdhexaadin ka gelaysa in la wada hadlo diyaar baanu u nahay"


Mar la weydiiyay sida uu u arko hadal uu xalay warbaahinta ka jeediyay wasiirka daakhiliga C/llaahi Ciro oo uu ku sheegay inaanay mar dambe xukuumad ahaan u dulqaadan doonin isu soo baxyada xisbiga KULMIYE, wuxuu yidhi Muuse "Horta anigu wax badan odhan maayo ninkaa {C/laahi Cirro} isaga waanu wada joognaa Hargeysa,xukuumada oo ka tirsan yahayna maba aqoonsani sharciyadeeda markaa cid iga hor joogsan karta isu soo baxyo hadaan qasdiyo inaan isugu imaado ma jirto"

 

 

 


SomalilandFuture