Ciyaartoyga Cuslaaday ee Gabiley iyo Jabuuti oo Ma anta Ciyaar xiiso Badan ku dhexmartay Gobolka Gabiley

 


Gabiley (Longlivesomalilad News) Ciyaar aad xiiso badan ayaa maanta Gabiley ku dhexmartay Labada kooxood ee Cuslaaday ee Gabiley iyo Jabuuti,

Daawashada ciyaarata waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta Gobolka, dhalinyar(rag iyo haween) iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ciyaartaasi oo ay shalay usafteen kooxaha wada ciyaarayay ciyaartoyo waawayn oo ay ka mid yihii badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley C/risaaq sh.aadan cali iyo Dhalinyarada Cuslaatay oo aad ufara badnayd.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso galisay dhammaanba ka soo qayb galayaashii waxa ay labada kooxoodba halkaasi ku soo bandhigeen hab-ciyaareed uu heerkeedu aad u sareeya, waxaanay xusuusiyeen dadkii daawanayay ciyaarihii wakhtiyadii hore lagu ciyaari jiray garoomada dalka.

Ciyaartaasi oo koob maamuus ah loogu qabtay kooxa cuslaaday ayaa waxaa ay ugu danbayntii guushu kuraacaday 4-3 Dhalinyrada cuslaatay ee reer Jabuuti.

Waxaana isla goobtaasi lagu gudoonsiiyay koobkii ay ku guulaysteen iyada oo labada kooxoodba qiiro galiyeen dhalinyardii daawanaysay, qaabka iyo habdhaqanka ciyaartaasi.




Nimcaan Dheeg
Longlivesomaliland News Desk
nimcaan@longlivesomliland.com
Gabiley Somaliland