Cismaan
Hindi oo ku Eedeeyay KULMIYE in qaar ka mid ah Hogaankiisu lagu
tuhun san yahay Al- Shabaab
Tuesday, 24 November 2009
Hargeysa (Timacade News)- Gudoomiyaha Ololaha Door ashada ee
Xisbiga UDUB , Mudane, Cismaan Cabdillaahi Cigaal, "Cismaan Hindi",
ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta ka jawaab kaga bixiyay
hadalo ka soo yeed hay hogaanka xisbiga KULMIYE, waxana uu ku
eedeeyay Xisbiga KULMIYE in qaar ka mid ah hogaankiisa loo tuhusan
yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan “Wax kasta oo ku madax
maraa ha ahaato jacayl , nacayb, cadho, farxad, siyaasad iwm waxay
kaa talaabiyaan xuduu daha caadiga ah, waxaana ay dadkaasi ama
qofkaasi ku dhaqmaan waxyaabo sida badan aanay bulshada caadiga ahi
ku dhaqaaqin.
Haddaba Xisbiga KULMIYE tan iyo intii uu ku hungoobay doorashadii
Madaxtooyada ee sanadkii 2003-dii waxa ka soo if baxayay dhaqamo aan
caadi ahayn mar allaale markay soo dhawaato wakhtigii la qaban lahaa
doorashada Maaxtooyada, sida iyag oo yidhaa “maalin loogu dari
mayo Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa. Ajanabi dhex noo noqda
mooyee cid kale kuma kalsoonaan karno, doorasho haday qabsoomi waydo
Rayaale xilka ha ku wareejiyo Gudoomiyayaasha labada gole si ay
doorasho u gaadhsiiyaan dalka, mar haday doorasho qabsoomi wayday
waxaanu dhisaynaa xuk uumad hogaamin doonta dalka” iyo
mahadhooyin kaloo fara badan ayaa ka soo yee dhay xisbiga
KULMIYE iyo waayeelkiisa oo sida hadaladooda ka muuqata ay iskaba
ilaaween jiritaankii dawladnimo dastuurkii iyo dhamaan shuurcdii
kale ee dalka.
Horta xisbiga KULMIYE ragga hormooda u ah waa koox ku can baxay ku
jiqsiida, lag una tilmaamo inay ahaayeen kooxdii wakhtigii halganka
lagu jiray laga dhaqaajin kari waayay taasoo sababtay in dhinaca
maamulka iyo hogaaminta xoogaga hubaysanba ku soo galeen dalka si
habqan ah oo kala daadsan.
Arrimahaa iska hor imaadka ahaa waxay ka dhasheen ka dib markay
kooxdaasi hoo sta ka xariiqeen inaan guul iyo dhismo maamul
midna lagu tallaabsan ilaa iyo inta uu gabi ahaanba xukunku
gacantooda soo galayo siduu doono ha ku yimaadee, taasi we li ilaa
maanta ayay sidii u taagan tahay oo halkoodii ay ka sii wadaan laga
soo bilaa bo xukuumadii marxuum C/raxmaan Axmed Cali “Tuur”
tii Marxuum Cigaal iyo tan Ma anta dhisan ee uu hogaanka u
hayo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo isagu doo rasho xor
iyo xalaal ah ku yimid, haatan xaaladda ay wadaan kooxda horseedka
ka ah xisbiga KULMIYE way ka soo gudbeen dabarkii dhexdeena eek u
jiqsii ahaa, wa xaana la marayaa heer caalamka ay gaadhsiiyaan
in Somaliland xukuumadda hadda ka jirtaa aanay u qalmin in la
ictiraafo, iyagoo u sawira inay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka
mid yihiin ta saxaafadeed, xuquuqda haweenka ee dhinaca shaqada, ta
bulshada kale oo ay ku sheegaan in loo gaysto tacadiyo badan sida
dad xabsiga la iskaga guro xukun la’aan iyo nidaamka dimuqraadiyada
oo aanay ku dhaqmin xukuu mada Rayaale iwm.
Bal hadaba markay sidaa qoraal iyo afba ugu gudbiyaan maxay
doonayaan iyagu hadday berri xukunka qabtaan?
Ujeedooyinka uu ka leeyahay xisbiga KULMIYE
arrimahaasi waxa ka mid ah:-
In beesha caalamka loo tuso in Somaliland ay ka jirto fadqalalo
siyaasadeed
In Soma liland laga cunaqabateeyo
xagga kaalmooyinka , isla markaana la ragaadiyo ixtiraafkii qolqolka
soo gaadhay
In dalalka aynu dariska nahay loo muujiyo in Somaliland tahay meel
aan xasilooni ka jirin
In kooxaha xagjirka ah ee AL Shabaab ka mid yihiin loo muujiyo in
Somaliland aanu ka jirin maamul adag, sidaas darteedna ay ka
faa’iidaystaan iyadoo la tuhunsan yahay in xubno ka mid ah xisbiga
KULMIYE gacan saar la leeyihiin kooxda Al-shabaab iyo xisbul islaam
arrimaha aan soo xusnay oo dhan waxa ka markhaati kacaya
maqaalad da xidhiidhka ah ee ku soo baxayay wargeysyada dalka ee ay
xisbiyada Mucaaridku, gaar ahaan xisbiga KULMIYE ku cadeeyay inaan
ixtiraaf iyo kaalmo dhaqaale midkoo dna la helayn ilaa iyo
inta xukunka laga wareejinayo xukuumadda hada jirta ee Mad
axweyne Rayaale hogaamiyo, waxaana ugu danbeeyay maqaalkii dusha
sare la dhi gay eek u soo baxay wargeyska Saxansaxo
cadadkiisii 784 ee 21 Nov. 2009.
Geesta kale, horumar kasta oo ay dawlada Madaxweyne Rayaale hore u
qaado , iy agu xummad ayay ka qaadaan, tusaale ahaan
furitaankii xoolaha ee dalka Sacuudi
Arabia oo uu sabab u yahay Maxjarka
xoolaha ee laga sameeyay Berbera waa tii la ogaa wixii qaylo iyo
kacdoon ahaa ee ay ka abuureen bulshada dhexdeeda
xisbiga KULMIYE, iyadoo maanta markay
runta iyo xaqiiqada dabooli kari waayeen ay hada na iyagoo
libta u diidan Madaxweynaha iyo xukuumadiisa ay u
nisbeeyeen guushaasi Sheekh Shariif oo
laga yaabo inaanu maxjarkaba wax fikrada ka haysan.
Diiwaan gelintii doorashada Madaxtooyada oo kulmiye doonayay in
caalamka uu u t uso in dalku kala googa’an yahay , ayaa markii
xukuumaddu ku bixisay dhaqaalihii ay diideen inay ku bixiyaan sool
iyo sanaag dalalkii deeq bixiyayaashu , ayaa markiiba madaxda
xisbiga KULMIYE ku dhawaaqeen inaanay caruurtooda u dirayn gobollada
Bari ee Sool iyo Sanaag, taasoo inoo muujinaysa inay kula socdeen
kuwii ka soo horj eeday in dalka oo dhan ay ka dhacdo diiwaan
gelintu.
Hadaan ka hadalno doorashada soo socota, waa ilaahay mahadii oo
komishankii qar anka ee doorashooyinka waa la dhamaystiray ,
iyadoo ay heshiis ku yihiin saddexda xisbi qaran , waana la
dhaariyay, intaa wixii ka danbeeya sida xeerka doorashooy inku
dhigayo Komishanka ayaa leh awooda ku dhawaaqista wakhtiga
doorashada iyo maamulkeedaba cid kaloo la wadaagi kartaana ma jirto,
hadana iyadoo arrimuhu sid aa u kala qeexan yihiin ayaa habeen
iyo maalinba uu Xisbiga KULMIYE u sii qiil samay nayaa,
abuurtisa ka muranka natiijada doorashada, isagoo ay kaga dhegtay
doora sho xor iyo xalaal iyo inaan xukuumadu carqaladayn qabsoomida
doorashada.
Haddaba su’aashu waxay tahay yaan doorasho xor iyo xalaal ah rabin
ma KULMIYE, mise UDUB? Jawaabta meel dheer laga dooni mayo oo
siidhiwalaha loo xulay inuu tar tanka doorashada qabashadeeda
iyo xalaalnimadeeda ka garsooro ee ay u doorteen saddexda xisbi
qaran, ayaa sheegi doona ee xisbiga KULMIYE sidaa ma aaminsan
ya hay mise wuu ka noqonayaa aqbalaadii dhismaha Komishanka? Hadduu
aaminsan ya hay wakhtigeeda ha sugo, kalsoonidii uu komishanka
doorashada siiyay hana iimaa nsado wixii ka soo baxa,
Xukuumaduna iyadoo xisbul xaakimkii ah waxba uma haysee nabista iyo
jahawareerka uu ku beerayo shacbiga ha ka daayo Xisbiga KULMIYE, si
doo kalena ha u tudho dalkiisa iyo dadkiisa oo hayska dhaafo
weedhaha dhaawac aya mustaqbalka iyo masiirka ummada ee ah
“Ictiraaf iyo dhaaale midna la heli mayo ilaa la bedelo maamulka
Rayaale”.
Source:sn
|