Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco oo lasoo Gaadhsiiyey dhawacii Weerarkii xalay ka dhacay Degmada Oog oo ka tirsan Gobolka Saraar

 

Burco (TNN)-Sida ay tibaaxayaan warar aan ka helayno ilo madaxbanaan oo ku sugan degmada Oog ayaa waxa xalay abaara12kii Habeenimo weerar gaadmo ah lagu soo qaaday qaar ka  tirsan ciidamada amaanka oo ku sugnaa mid ka mida kaantaroolada laga soo galo degmadani weerark ani oo ay soo qaadeen niman aan ilaa hada la xaqiijin cid ay yihiin balse lagu tuhunsan yahay Maleeshiyada SSC ee xaruntoodu tahay Magaalada Buuhoodle.


Weerarkani ayaa waxa ku geeriyooday hal askari halka laba kale oo dhawacana isla xalayto  la soo gaadhsiiyey cisbitaalka guud ee Magaalada Burco,Waxayna wararku intaasi ku darayaan in ay jiraan tiro kale oo la afduubay isla markaana la sheegay in ay ula kaceen dhinaca Jabhada  SSC ee dagaalka kula jirta Somaliland.

Mar uu Agaasimaha cisbitaalka Guud ee magaalada Burco Dr.Iid Maxamed Cali uga warbixiyey  w arbaahinta xaalada caafimaad ee labadani nin ee dhaawaca ah ayuu sheegay in ay  wanaagsan yihiin haatan isla markaana lagu daaweynayo cisbitalka.

Ilaa hada majirto wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee dagaalamay. Inta la ogyahay wa a markii u horeysay ee weerar noocani oo kale ahi uu ka dhaco degmada Oog ee Gobolka Saraar.
Hadaba Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa si weyn looga dareemay xaalada ka soo cusboonaatay Gobolka Saraar,waxaana saaka cisbitaalka guud lagu arkayey dadweyne fara badan oo dhooban barxada cisbitaalka ,iyadoo sidoo kalena goobaha dadku isugu yimaadaan la gu lafo gurayey cida ka danbaysa halka ay ku danbayn doonto iyo talaabada xukuumada ee ku aaddan arintani ka soo cusbonatay Saraar
 




Muuse Xasaasi

Xafiiska Wararka ee Tmacade News
Burco / Somaliland