Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay
jacaylkoodii?




 

Allaah ayaa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato Nabi Muxamed, intaa ka dib.

Saxabiyaal waan idiin salaamay meel kasta oo aad aduunka kaga nooshiin, wax aan halkaan idiinku s oo gudbineynaa Qiso xusid mudan oo Jacayl ah taas oo ah Qisadii Abwaankii Jacaylka Ee Cilmi  Bood hari.

iyadoo aan u qeybinnay Cutubyo badan soona koobnay Nuxurka Qisada  layaabka leh ee Cilmi iyo Hod an

Dukaankii rootiga lagu gaday ee Berbera ugu weynaa ee Cilmi uu ka  shaqeyne yey waxaa soo  gas hay gabadh qurux badan oo la odhan jirey Hodan Cabdille Walanwal. Sidii ay u socotey waxaa abw aan Soomaaliyeed ku sifeeyey sidan

 

 

Markay socodka damacdee

Deggenida tallaabada

Miisaanka lagu daray

Laafyaha la daawado

Dadku waxay yiraahdaan:

“May daarin ciiddee

Indho deeraleeyey!“
 


Gabadhu waxay ku tiri Cilmi „Subaax wanaagsan!“ Isagoo markii horeba ka helay qaab-dhismeedka qurxoon ee uu Eebbe u uumay baa haddana wuxuu ku murqaamay midabkeeda oo aad dahabi  moo deysey iyo indheheeda debecsan ee ka soo jeeda wejiga dhalaalaya wuxuu ugu jawaabay  „wanaa gsan“. Islamarkaasna wuu caashaqay


Caashaqii buu u bukay Cilmi Boodhari . „Culays wuu i saaran yahay“ buu ku yidhi saaxiibbadiis.  Mark uu muddo bil ah jacaylka dhex dabaalanayay waxaa soo batay xanuun ka dhashay rabitaan xad-dhaaf ah oo uu u qabay Hodan. Cuntadii iyo hurdadiina way ku yaraadeen. Intii uu Hodan u tegey ayaa wuxuu u sheegay in uu jecel yahay inuu guursado. Hodanna iyadoo dirifsan, si kulul bay ugu sheegtay Cilmi inaysan guurkiisa u baahnayn. Muddo kaddib Cilmi wuxuu tiriyey gabaygii ugu  horre eyey, isagoo ku muujiyey dhibaatadii la soo deristay

 

 

 

Nimanyahow, dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye

Dhulkuun baan xariiqaa siday dhiilo u timiye

Sidii qaalin dhugatoobayoo geeli laga reebay

Dhallinyaro ma raacee keligay baan dhaxanta meeraaye

Dhakhtarkaa la geeyaa qofkii dhawac weyn qaba e

Iyana waa igu dheeldheeleyaan dhamacda Daa’uude!


 

 

Cilmi wuxuu ka faquuqmay bulshadii uu dhexdeeda magaca iyo maamuuska ku lahaa, wuxuuna  noq day nin iska aammusan. Xilligaa geyiga Soomaaliyeed lagama aqoon jecel, waxaana ceeb iyo  foolx umo loo arkayey qofkii laga maqlo „Caashaq baa i haya“. Qofkaa caynkaas ah waxaa loo haysan  jir ey mid uu jiinni derderay. Sidaas darteed ayaa Cilmi loogu qaadey habar jiinniga dadka ka buubisa oo dad badan daaweysey. Kaddib markii laga quustay ayaa waxaa loo tegey wadaaddo. Inkastoo ay aad u dadaaleen, haddana ficilkoodii iyo Quraankoodii ma noqon fal uu Cilmi ku raystay. Nin wed galay looma taag helo!


Cilmi Boodhari isagoo aad u xanuunsan ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku eedeeyey dadkii garan waa yey caashaqa wuxuu yahay:

 


 


Caashaqa haween waa horuu Caaddil soo rogaye

Sayidkii Carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye

Carruurtay sideen meesha iyo Ciise Nebigiiye

Cidla‘ lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe

Waxaa qaarba cayn looga dhigay hays cajebiyeene

Soomaalidaa caado xumee iguma caydeene

Oo ima canaanteen sidaan Cuudka iibsadaye

Kuwii ii calaacalayey baan camal tusalayne...


 


Cilmi iyo saaxiibbadiisii waxay ka qayb galeen xaafaddii arooska ee ka dhacday Daaroole, waxayna kula kulmeen Hodan.

 



Alla hoobey hobaaligayeey sidirigam hoobalow heeleey

Gaadama galooleeyeey sidirigam hoobalow heeleey

Gidiggeedba Soomaaliya sidirigam hoobalow heeleey

Geyigaan ku nool ahayeey sidirigam hoobalow heeleey

Gabdhaha waad u sidataayeey sidirigam hoobalow heeleey…


 


Kaddib markii la wada ciyaarey oo la wada heesey ayay Cilmi suurtoggal u noqotay inuu gooni ula  s heekeysto Hodan. Wuxuu u sheegey inuu danaynayo inay noqdaan laba qof oo haasawe wadaag  a h, maadaama uu iyada aad dooneyo, hablaha oodhanna uu ka calmaday. Hodan waxay ugu jawaab tay in ay la nooshahay islaan eeddadeed ah oo aan marnaba ka aqbalayn nin iyo sheekadiis tooona. Islamarkaasna waxay dhegaha Cilmi si dadban ugu riddey inay jeceshahay in mustaqbalka  guurkee du uu talo ahaan qoyskooda ka go‘o


Cilmi Boodhari wuxuu yimid gurigii Hodan isagoo u tiriyey gabay uu ku ammaanay quruxdeeda:

 



…Naasahan sidii hooto waran horay u soo taagan

Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadasan mooyaane

Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey

Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya

Ilko aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin

Sankaagaa hanaakiyo qorshaha hadiyad loo siiyey

Dhabannada hareeraha wacan wejiga halac nuuraaya

Suniyaha habkooda wacan hadal dhamayn waaye

Luquntaa habkii geri lahaa hadal wax dhaafsiiyey

Timaha hoos garbaha uga degoo sinaha haabhaabtay

Heega iyo laafyaha gacmahan hibada loo siiyey

Dhexdan aan hareeraha u fidin horayna soo taagmin

Hannaan quruxsan waa taa indhuhu ka haqab beeleene!

 

Dhowr oday oo ay Cilmi is xigeen ayaa macsuumay odayaal dhinaca Hodan ah. Hase yeeshee markii dantii ay iska lahaayeen iska wareysteen arrinkii hanaqaad ma noqon, maxaa yeelay odaydii  gabad ha la weyddiistay yarad ka kooban xoolo aan xerada Cilmi iyo xerada xigaalkii ku jirin bay ku  xidhee n. Dhowr bilood kaddib bay hablo reer Berbera ah oo aad uga xumaaday xaaladda Cilmi wwaxay u soo jeediyeen inuu tan ugu qurux badan ka doorto oo iska illaawo Hodan. Cilmina wuxuu hablihii u tiriyey gabaygan:

 



…Hablahayow, halkii qoomanayd baad i qabateene

Qalbigaan bugsiinaayey baad qac iga siisaane

Bal qiyaasa waa taan qandhaday qamarey awgiine

Qarqarada jidhkaygiyo gacmuhu wayqadh-qarayane

Qalbiguu wax iga yeelayaa naaska qaawaniye

Qosolka yaryari waa waxaad nagu qaldaysaane

Inaan Eebbahay idin qatalin qariya laabtiina!



 

Cilmi abtiyaashiisii iyo adeerradiisii waxay isku deyeen in ay ka leexiyaan Hodan, ayna u toosiyasan gabadh kale oo fiican oo deggen Oodweyne. Hase yeeshee wuxuu raggii la talineyey ka dul mariyey gabay oo ku yidhi:



…Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eedey

Amadariyo Oodweyne way Omos badnaayeene

Aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene

Abaaraa ku doogoobi la ereyo daydiiye!..


 


Gabadh ay Hodan deris ahaayeen baa waxay u sheegtay Cilmi inuu yimaaddo gurigeeda oo ay  Hod an ku martiqaadday.Cilmi aad buu u farxay, laakiin intii uu sugeyey waqtigii uu la kulmi lahaa Hodan waa uu lulmooday. Ninkii seexdaa sicii dibi dhal! Cilmi markii uu gartay wixii dhacay dhulka ayaa la wareegay. Niyad-jab baa kor iyo kal saaqay. Ciil buu cunihiisu buuxsamay. Indho buurbuuran mooye far-dhaqaaqdaa laga waayay. Wixii maalintaa ka dambeeyey Cilmi wuxuu isu arkay nin nasiib xun oo gabadhuu calmaday hanan waayay.

Maalin maalmaha ka mid ahayd ayay rag ka mid ahaa Cilmi qoyskiisii go‘aan ku gaareen in Cilmi laga qaado Berbera ee uu ku xanuunsaday, lana geeyo magaalada Burco si uu waabayda jacalka uga  s oo dawoobo.Cilmi inkastoo ka cudurdaartay safarka, haddana waa uu yeelay. Burco Cilmi waxaa ku soo dhowweeyey dhallinyaro mqashiisnayd inuu dibindaabyo caasahaq oo dareenkiisa ku baahday in muddo ah dhinaca dhulka ugu hayey. Muddo kaddib Cilmi wuxuu bilaabay inuu sheekaysto oo  kaf tamo. Laakiin mararka uu Hodan soo xasuusto ayuu tash qabsan jirey.


Kaddib markii ay muddo sannad ah in ku dhow ku noolaa Burco ayaa waxaa la weyddiiyey Cilmi  had dii uu ka raystay cudurkii jecaylka ee hayay. Isagoo su‘aashaa ka jawaabeya wuxuu yidhi: “Waxna igagama dhicin halkan oo sidaydii baan ahay. Sidii ayaan weli u bukaa, sidii baan Hodan u jeclahay!“ Gabaygii uu markaas tiriyery waxaa ka mid ahayd tixda soo socota:

Hilaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediye!



Intii uu Cilmi Burco ku sugnaa ayaa maalin dhallinyaro qado sharaf u sameeyeen, waxayna  weyddii yeen nuu sifeeyo muuqaalka Hodan iyo heerka ay hadda ka joogto qalbigiisa.Cilmi intuu go‘iisii  shaa lka ahaa madaxa hoos uga dhigay oo hagaag u fadhiistay buu gabay mariyey isagoo leh:

 



…Ilko saqaf la moodiyo wejiga lagu saruureeyey

Timaha, madoobee, subkane saaran garabkeeda

Indhaha, sanka iyo afka sida sabiibkeeda

Suniyaal madoobey qalbigu saakin kaa noqoye!…

 

Maalintii dambe ayuu Cilmi ka carraabay Burco, isagoo u soo hayaamay. Markiiba uu yimid ayaa  wu xuu ku degdegay inuu arko Hodan. Hadalkiisii wuxuu ku bilaabay salaan iyo wareysi guud, kuna  xeji yey bal inay la socoto dhibaatada uu darteed u qabo iyo weliba sida ay aragto haddii ay si wadajir ah u furtaan haasaawe ay ku gaadhaan wada-noolaansho dhab ah oo labadooda dhex mara. Laakiin warkii Cilmi Hodan way la yaabtay. Intay indhaheedii waaweynaa Cilmi kor ugu fiirisey bay tidhi: “Weligay kan oo kale ma arag. Waar maxaad sheegayso waxba ka garan maynee ninyohow maxaad u jeeddaa?“


Waqtigaas Soomaalidu waxay caashaqaa u arkayeen wax laga fiican tyahay oo mudan in laga  dho wrsado. Hase yeeshee markii Cilmi la weyddiin jirey Hodan iyo halkii ay kala mareyeen waxna ma uu qasan jirin. Gabay uu tiriyey kaddib markii uu la sheekeystay gabadhii uu jeclaa wuxuu ku yidhi:


Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaye

Hadday hawl yaraan idinla tahay aniga way hooge

Iyadoon xabaal laygu hamsiin waanan ka hadhayne

Hamada been ah mar baan is idhi: “Haabo gacanteeda!“…

Dhinaca Hodan iyadu way ka dheregsanayd Cilmi inuu dhowr goor isagoo saaxiibbadii wata sheeko iyo haasaawe ugu yimid. Xigtada Hodanna ninka gabadhooda marba gabay meel uga tirineya way ka cadhaysnaayeen oo dhaar xagaf ka siiyeen inay dilaan.



Xaaladdu markay meel xun gaadhay baa odayaal soo jeediyey, reerkiisuna isku raacay in Cilmi loo tukubiyo xagga iyo Saylac. Markii gaadhigii la saary uu dhaqaaqay Cilmi wuxuu ku heesey:

Abuteeristi waa gooni maree, cishqi keenaya
Badoow waaridkii naaree serigii doo mareenaya!



Intii uu Cilmi Saylac joogay dadyow ay qaraabo ahaayeen wxay kula taliyeen inuu ka hadho jacaylkii u socon waayay, waxayna u ballan qaadeen in ay u guuriyaan gabadh allaale gabadhii kale ee uu ka doorto hablaha sokeeye iyo shisheeyaba, meeshay doonto ha joogte. Laakiin Cilmi wuxuu sheegey inuusan Hodan ka maarmi karin, gabadh kalena uusan doonayn

Maalin ayuu ku lugeeyey xeebta ilaa uu ka helay taag yar oo dhulka xoogaa kor uga go‘an. Intii uu soo tafay buu wuxuu arkay dabaylo hayaan ah oo u socda dhinaca Berbera. Markay mid mooyee  in tii kale dhaaftay buu tii ugu dambeysey guddoonsaday inuu farriin gabay ah Hodan ugu soo dhi ibo:

 


Dabaylyahay adaa duulayoon orodka daynayne

Adigaa dul mari meel haday dogobo yaalliine

Adigaan darqii xun iyo daah ku celinayne

Adigaan darboobayn naf waa lala dalumaaye…
 


Maalin kale Cilmi waxaa lagu martiqaaday aroos si heer sare ah loo soo agaasimay. Goobtii aroosku uu ka dhacayay waxaa laga mariyey laba gabay oo mid uu tiriyey Cabdi Gahaydh, middii kalana Cige Baraar. Dabadeedna ninkii la odhan jirey Ducaale wuxuu Cilmi ka codsaday inuu soo daayo gabay uu Hodantii uu jeclaaday ku ammaanayo.Cilmi wuxuu yidhi:


Maryama Xaashii iyo tuu Gahaydh madal ka sheegaayo

Iyo mudantiduu Cige Baraar meel fog kaaga booday

Muran ma leh Ducaalow inay muunad dheer tahaye

Maankaba ka jaray naago kale muhindis-koodiiye

Hadduu Qaaddi ii meheriyoo midigta ii saaro

Ku maqsuuday oo dunidu way maalintaa qudhahe!…
 


Maalintii danbe ayay Cilmi soo booqdeen dhowr dhallinyaro ah oo gabdho iyo wiilal ka kooban. Markii cabbaar la sheekeysaneyey bay gabadh intii hore aammusnayd waxay Cilmi weyddiisey bal inuu  jac aylkii xanuunka badnaa ka raystay iyo in kale. Isagoo su‘aashaas ka jawaabaya wuxuu yidhi:

 


Kolba aniga oo sahashaday oo sooriyaha aaday

Ayuun baa Siraad midab-wanaag lay sawirayaaye

Sadrigay ka daabacan tahee uma sarkhameene

Sidii saacadii bay qalbiga iigu socotaaye

Habaynkii markaan seexdo way ila safaadaaye

Salaaddaa hore iga tagtaa Siigo noqotaaye!
 

Markii uu Cilmi in door ah ku dhex sugnaa Saylac waxaa u yimid nin ka soo socdaalay Berbera oo  gu ddoonsiiyey warqad uu ka siday saaxiibbadii Tabbaase iyo Muuse “Carab”. Waxay la socodsiiyeen Cilmi in gabadhii uu jeclaa uu nin soo dooney, waalidkeedna ay siiyeen, waxayna u soo jeediyeen  in uu Hodan laabtiisa ka xorreeyo, uuna gabadh kale helo.


Markiiba uu soo gabaggabeeyey fahamka nuxurka warkaas xun intuu fardhexada qaniinay buu cirka iyo dhulka meesha ay iska galaaan ku dhaygagay. Naxdin daraaddeed bay madaxa Saani ka kacday. Dhulkii baa la dheeliyey. Wadnahaa gariiray.Cilmi habaynkaas hurdo ma ledin. Wuxuuna ahaa  habee nkaasi kii ugu dhibaatada badnaa intii uu Ilaahay uumay. Subixii danbe ayuu gaadhi Berbera u jeeda gundhada jaray. Saaxiibbadii ayaa Cilmi oo aan saddex beri hurdo arag la kulmay, waxayna korkiisa ka dheehdeen dhibaatada uu warkii ay u direen u geystay.


Kolkay in door ah Berbera iyo fagaarihii waaya-waayo dhex meeraysanayeen ayuu nin u sheegay in Hodan iyo ninkii soo dooney laysu meheriyey, isaguna uu falkaas goobjoog ka ahaa. Warkaas Cilmi naxdin buu beerkii la qadhqadhay. Meel uu joogo buu garan waayay. Wareer wareer kale ayuu u dhiibay. Wuxuu sameeyo ayuu garan kari waayay. Muddo kaddib buu Cilmi wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:


…Haddaan madal ka sheegayo oo midho ka mansoodo

Martuba waa ka dhici lahayd hablaha muxibo awgeede

Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda

Miyi waxaan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka

Meereysigeedii waxaan ula madoobaaday

Nin kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye

Dadkii baa masoobo ninkii magac lahaa eedye

Muruq kuma kaxaysane rag buu magansanaayaaye…

 


Dabadeedna Cilmi wuxuu noqday qof murugo iyo tiiraanyo weheshada, welwel iyo walbahaarna  ade egsada. Fekerka iyo maahsanaantuna waxay ahaayeen kuwo uu ku caweeyo. Wareerka iyo  xanuu nka waxaa u dheeraa hurdola’aan iyo cuntola’aan. Wxuu noqday qof xanuunsan. Si kasta oo loo  do oney in la daweeyo ama lagu qanciyo inuu ka haro Hodan iyo jacaylkeeda waa lagu guuldarraystay.



Cilmi qaraabadiisii waxay arkeen inuu ka sii darayay. Si ay u badbaadiyaan ayaa waxay ku  tashade en in Cilmi loo guuriyo. Cilmi wuu aqbalay guddoonkii laysku wada raacay. Laakiin intii aan golihii laga kicin ayaa wuxuu tiriyey gabay uu ku yidhi:

 


Intaan adiga kugu gooni ahaa geed haddaan la hadlo

Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene

Gaalladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene

Gardarriyaa, maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?

 

Maalin ka mid ah kuwii Cilmi ugu dhibaatada badnaa waxaa loo sheegay in Hodan iyo ninkii soo  doo ney ay is aroosayaan. Wakaas Cilmi dhayal iyo dheel-dheel buu u qaatay. Waxaa ku sii batay wel w elkii iyo walaahowgii uu awalba la murugsanaa, waxaana weerar ku soo qaaday tiiraanyo   xanuun keedu si daran qalbigiisa u lulay. Wuxuu wareerkii ku sii batay markii ay hugunkii iyo mashxaraddii arooska loogu dabbaaldegey iyo heesihii cayaaraha hiddaha iyo dhaqanku ay dhegihiisa si toos ah ugu soo dheceen.


Muddo yar kaddib Cilmi Boodhari guurtidii waxay u dooneen gabadh carab ahayd oo la ohan jirey  Fa akhir. Arooskii Cilmi waa la qalqalay, guri baa la dadbay oo la qurxiyey, xoolaa loo gawracay, dhallin yaraa u cayaartay. Carab oo cadceedda u ekayd oo qiimaheeda iyo qaayaheeda la yaabay baa aqal loogu dalaq siiyey. Hase yeeshee Cilmi kama uu reysan cudurkii hayay. Hodan mooyee hadal kale  w aa laga waayay. Damaciisu gabadhii oorida u noqotay waa uu dhaafay. Taasina waxay keentay in Faakhir laga furay. Wixii intaa ka dambeeyey Cilmi jirradii ayaa kuu sii batay. Hurdadii ayuu  gebi’ah aanba ka haajirey, cuntadiina way ka degi weydey, hadalkiiba wuu yaraaday. Maalinba maalinta ka dambeysa wuu ka sii dareyey ilaa uu socodkii gabay.


Maalin ka mid ah maalmihii uu Cilmi sariirta saarnaa ayaa wuxuu ka maqlay saaxiibbadii in Hodan iyo ninkeedii ay u guureen magaalo kale. Isagoo ay tiiraanyo xoog lihi ka muuqaato ayuu soo kuududsaday oo tiriyey gabay uu ku yihi:



…Walaalooyinoow, waxaan ka biqi inaan ku waashaaye

Hadda inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye

Wiirsiga ragga iyo waxaan ka tegi wadhida naagaaye

Waddankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye

Wuxuu Eebbahay ii wiciyo waa’ san bal aan dhowro!

 

 


Nin wedkii galay looma taag helo, baa la yidhi. Cilmi ehelladiisii wax kasta oo  da awo u noqon kara  way isku deyeen. Meel kasta way u cid direen. Fal kasta oo daawo laga raadiyo way tijaabiyeen. Nasiibdarrase, Cilmi xaaladdiisii waxay  ga adhay meel aan ka soo noqosho lahayn. Xataa in la  geddi yo mooyee wuu is  ro gi kari waayay. Miyirkiisaa ka tegey. Naftii baa qaarka dambe ka soo  xawaa raysay. Goor waagu uusan si fiican u beryin buu ka guurey adduunyadii uu  tod doba iyo soddon sano ku noolaa e iyadoo u macaan uu jacaylku khadhaadiyey.


Alle ayaa Mahadle

 

 

 

 

Mohamed Hassan Xaleef
xaleev@hotmail.com