Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Oo Beeniyay In Lacago Faalso ah Laga soo dejiyay Xeebta Sanaag

 



Hargeysa (TNN):-Taliyaha Ciidammadda Ilaaladda Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cis maan ayaa beeniyay in lacag Faalso ah oo Shilling Soomaaliga (Giinbaarta) laga soo dejiyay deegaanka Laasa Surad ee Gobolka Sanaag, sida uu baahiyay wargeyska Waaheen Sabtidii todobaadkan.

Taliyaha Ciidanka Ilaaladda iyo Difaaca Xeebuhu waxa uu n Xusay inay waxba ka jirin wararka sheegaya in Deegaanada Xeebaha Gobolka Sanaag ee Laasa Surad ka Mid tahay ay ka soo de geen lacago faalso ah, waxaanu tilmaamay in dhamaan jiidahaasi ay degen yihiin Ciidanka Ilaal ada Xeebaha oo heegan ugu jira wax kasta oo si Sharci darro ah dalka lagu soo Gelinayo.

“Ciidanka Ilaaladda Xeebuhu waxay ku sugan yihiin dhammaan xeebta Gobolka Sanaag, waxaa nay heegan ugu jiraan inay la diriraan kootarabaanka, budhcad badeeeda iyo wixii la mid ah, markaa waxaan bulshadda Somaliland u xaqiijinaynaa inaanay arrintaasi waxba ka jirin oo aa nay jirin wax lacag ah oo laga soo dejiyay xeebta laaso-surad oo ka mid ah Goobaha ay ciidam madda ilaaladda xeebnuhu degan yihiin,”ayuu yidhi Taliyuhu.

Admiral Axmed Aw Cismaan waxa uu intaas ku daray in Wargayska Waaheen oo warkan faaf iyay ay ku haboonayd inuu xidhiidh la sameeyo ciidanka ilaalada xeebaha ka hor inta aanu daabicin war noocan oo kale ah.
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland