Ciidanka Booliska Tog-Dheer oo hawl galeedyo nabadda lagu sugayo ka
fuliyey magaalada Burco
Burco (TNN)-Magaalada Burco ee
Xarunta Gobolka Togdheer waxa saaka illa xalay hawl galo ay
cii danka Bileyska Gobolku sameeyeen lagu qabqabtay 8 Nin oo lagu
tuhusanyahay inay xidhiidh la lee yihiin kooxaha konfurta
somaliya ka dagaalama ee AL-SHABAB, 8da nin oo hadda ku jira xabsiga
dhexe ee magaalada Burco ayaa la sheegay in Baadhitaanka ka dib la
sheegi doono wixii lagu helay arrikoodana ay hadda gacanta ku hayaan
CID du.
Mamulka Gobolka Togdheer oo saaka shir jaraaid oo sadex Geesood ah
ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey Tirada la qabtay ee
ciidanka Bileysku gacanta ku hayaan, waxaana Guddomiyaha Go
bolka Yasin Muxumed Cabdi uu ka warbixiyey hawlaha ay ciidanka
Bileysku wadaan oo uu sheegay inay ay bilaabeen kadib markii dhowaan
2 jawaan oo ay ka buuxan walxaha qarxa laga helay meel ka mid ah
koonayasha Magaalada Burco oo lagu aasay, waxaanu sheegay in
bileysku iyagoo arrim ahaas daba jooga ay soo qabteen 8da nin
ee saaka illa xalay la qabtay.
Guddomiyaha gobolka oo saxafaddu
wax ka waydiisay Goorta ay caddayn doonan danbiga nimank an
iyo in la marin doono jidka saxda ah maxkamad la hor keeni dono iyo
inkale waxa uu ku jawaab ay Guddomiyuhu "hawshoodi waxa hadda
gacanta ku haya CID da, haddii danbi lagu helona maxka madda
ayaa la hor geyn doona oo wixii sharciya ayaa la marin doonaa, sida
ugu dhakhsaha badda nna arrinkooda waa loo dhammaynayaa" ayu
Guddomiyuhu.
Kooxahan saaka illa xalay laga qabtay magaalada Burco oo sida
badhasaabku sheegay isugu jiray kuwo somaliland u dhashay iyo konfur
ka yimi oogobo ganacsi ku leh magaalada Burco ayaa qab qabshadooda
si weyn looga dareemay Gebi ahaanba magaalada Burco, waxaana aagagii
laga qab qabtay kooxahaasi saaka ay dadka oo dhami is
weydiinayeen qabqabashada raggaasi lagu tuhmay inay gobolka iyo
dalka ka wadeen kharbudaad dhinaca nabadgelyada ah.
Hadaba shirkan jaraaid ee Guddomiyuhu saxaafadda u qabtay ayaa wuxu
dhinaca kale kaga hadlay kulan ballaadhan oo uu la yeeshay inta
badan Hay’adaha ama NGO yada Local ka ah ee ka hawlgala Gobolka,
waxaanu uu ku sheegay kulankoodasi inay kaga wada hadleen ka qayb
qaadashada maal inta ololaha nadaafadda Somaliland oo
madaxweynuhu ku dhawaaqay shalay, taas oo ku beegan 5ta Sebtember oo
ah maalinta Berri ah, waxaanu sheegay Guddomiyuhu inay ay isla
afgarteen dh ammanba NGO yada ay kulmeen ka wada shaqynta
nadaafadda Deeganka, waxaana uu sheegay Guddomiyuhu in berri
dhammaan ay fasax yihiin shaqaalaha iyo goobaha shaqada ee Dawladdu,
loona wada guntanayo shicib iyo dawladba sidii olole ballaadhan
loogu qaadi lahaa nadaafadda Go bolka, waxanu sheegay in
Guddiga Hogaaminaysa hawsha berri ah ee ololaha loogu qaadayo
nada afadda uu Guddomiye u yahay Duqa Degmada Burco Maxamud Axmed
Xasan Dhegolaab.
Dhinaca kale waxa uu Guddomiyaha Gobolku raashin mucaawanooyin ah oo
wasaaradda Diinta iyo awqaaftu ay soo gaadhsiisay maamulka Gobolka
ku wareejiyey Cisbitaalka Guud iyo Cisbitalka dad ka waalan ee
Maandhaye iyo weliba jeelka weyn ee Burco, waxaana lagu wareejiyey
laba gaadhi oo xamuul ah 3daasimeelood, iyadoo ay kala ahaayeen 1740
Kiish oo isugu jira Bariis,Daqiiq iyo So nkor, 154 kartoon oo
caano ah, 138 kartoon oo saliid ah, iyo 600 kartoon oo basto ah,
waxa uu Guddomiyhu ku wareejiyey dhammaan ba raashinkaas mid walba
Maamulkiisi iyo masuuliyiintisa, isagoo sheegay Badhasaabku in ay
yihiin raashin mucaawano ah oo wasaaradda Diinta iyo awqa ftu
ay soo gaadhsiisay.
Magaalada Burco oo ku jirta
damaashadka iyo u diyaar garowga ciidul fidriga ay inaga xigaan
dho wrka maalmood ayaa sas ka qaaday saaka hawlgalada Bileyska ee
lagu soo qabqabtay ragga la tuhunsanyahay, iyadoo dhinaca kale ay
ololaha nadaafadda ee berrri laga fulinayo Gobolka oo ma
daxweynuhu ku dhawaaqay aad ugu riyaaqeen shacabka Burco, oo an hore
u lahayn maalin olole nadaafadeed oo qoondaysan, dhinaca kale waxa
iyaguna wasaaradda diinta iyo awqaafta aad ugu mahadnaqay
maamulayaasha iyo madaxda Cisbitaalada maandhaye iyo cisbitaalka
Guud iyo weliba taliyaha ciidnka asluubta ee Gobolka ahna madaxa
jeelka weyn ee Burco, waxaanay sheegeen in wakhtigii loo baahna ay
wasaaraddu ku soo beegtay mucaawanadeeda.
Ugu danbayntii Badhasaabka Gobolka ay warbaahinta Baaq uga diray
dhammanba shacabka Gobol ka iyo kuwa somaliland oo dhannba,
isla markaasna ku baraarujiyey inay feejignaadan feejigona u
yeeshaan cid kasta oo ay ka shakiyaan, waaxanu ku ammaanay dadaalka
ay marwalba shacabku ugu jiraan ilaalinta amnigooda, isagoo sheegay
in wada shaqayntu wa xbadan oo faaido ah leeda hay in sidaas
mar walba loo wada shaqeeyaana ay aad u wanaagsantahay si loo wada
badbaado
Muuse Saleebaan Maxamed (Muuse Xasaasi)
Timacade News Desk
Burco Somaliland
|