Ciidanka
Booliska oo ku Daba jira Boqor Buur-madow iyo Boqor Raabi oo
Maalintii Sadexaad Xabsiga kujira iyadoo aan Maxkamad la geyn
Dhalinyarada Beesha Ciidagale Cambaareeyey xadhiga Boqor-raabi kula
kacay
Hareysa (TNN) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku daba jira sida
la sheegay Boqor Buur-madow oo ay damacsanyihiin inay xabsiga u
taxaabaan kadib markii ay doraad Xabsiga u taxaabeen Boqor Raabi
Yuusuf C/laahi oo ka tirsan Madax dhaqameedka Magaaladda Hargeysa,
oo xabsiga ku jira m aalintii sadexaad Maxkamad la’aan, kadib
markii uu Buur-madow cambaareeyey xadhigaasi. Sidaana waxa sheegay
warar xog-ogaal ah oo aanu xalay helnay.
Macadam sababta ay u raadinayaan Buur-madow waxaase loo aanaynayaa
hadalo cambaarayn ah oo uu maalmahan jeediyey iyo eedaymo uu u soo
jeediyey Gudoomiyaha Guurtida.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Cilmi Rooble Furre ayaa
xadhiga Boqor Raabi ku tilmaamay mid ka dhshay inuu Af-lagaadeeyay
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’, kaasi oo
uu ku Eedeeyay inuu yidhi ‘Madaxweynaha Somaliland tallo gacanta
uguma jirto’e dad kale ayaa Maamula’.
mid ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland oo ka gaabsadaay inuu
faahfaahin bixiyo oo aanu la xidhiidhnay isaga oo u fadhiya Shir ay
koox Madax dhaqameedka Somaliland kaga tashanayeen wixii ay ka yeeli
lahaayeen Xadhiga Boqorkaasi ayaa sheegay in xadhiga Boqorka loo
maray sifo sharci d arro ah danbi uu sameeyay oo ay ogyihiina
aanu, waxaanu sheegay inaan Boqorka loo keenin Waar an
qabashadiisa Sharciyaynaysa.
Boqor Raabi Yuusuf C/laahi waa Madax dhaqameed Aaraadiisu u badan
tahay inuu naqdiyo Hab dh aqameedka uu u arko inay qaldan
yihiin ee ay ku talaabsadaan Madaxda Somaliland isagoon aan ma
rna ka gaban inuu aragtidiisaas ku gudbiyo Warbaahinta Dalka.
Kadib Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow oo ka mid ah Salaadiinta
reer Somaliland ayaa ka had lay xadhiga la gula kacay Boqor
Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo uu sheegay in Xadhigaasi lagu deg-deg ay,
isla markaana waxa uu Xukuumadda ugu baaqay inay Xoriyadiisa u soo
celiyaan, waxaanu shee gay in hadalkii ka soo yeedhay Boqor
Raabi uu ahaa toosin iyo dhaliil, taasina ay arrin iska caadiya
tahay, waxaanu sidaas ku sheegay Waraysi uu siiyey Idaacada VOA-da,
isagoo arrimahaas ka hadl aayana waxa uu yidhi “Xadhiga la
gula kacay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi waxaan u arkaa in lagu deg-degay
marka la eego xagga Dhaqanka iyo Dimuquraadiyada labada, waanan ka
xumahay xadhi gaas.” Ayuu yidhi Boqor Cismaan Buur-madow
Mar la waydiiyey Boqor Cismaan Buur-madow inuu aragtii Boqor Raabi
la wadaago ayaa waxa uu yi dhi “Aragtidiisa lama wadaago oo
kamaan wada tashan, laakiin Xala waan daawaday waxaanan u
arkaayey Dhaliil iyo Toosin. Waxaan kuu sheegayaa Madaxweyneyaashii
hore markaad ka soo bilowdid Cabdiraxmaan Axmed Cali dagaal ayaa
lagu bilaabay waa la Caayey waa la Aflagaadeeyey si kasta ayaa loola
hadlay. Madaxweynihii ku xigan ee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal
dagaal ayaa lagu bilaabay oo waa la aflaadeeyey. Madaxweynihii
Daahir Rayaale Kaahin ragga Mucaaridka ahi Xaasaskiisa ayay gaadheen
markaa Nin welba Dimuquraadiyada ayaa siisay, hase yeeshee waxa ay
ahayd in hadii wax laga tirsanayo Maxkamadda la geeyo wax Waaran ah
oo loo keenayna ma ji ro.” Ayuu yidhi Boqor Cismaan. Isagoo
hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Runtii waa Masuuliyiinta intaa
waa la aflagaadeeyaa oo Aniga (Boqor Cismaan Buur-madow), ayaa la I
aflagaadeeyey oo Ma daxweyneyaasha ayaa la aflagaadee, waxaan
qabbaa in arrinkaas lagu deg-degay oo aan wadadiisii la marin.”
Madaxweynaha waanu isku fiicanahay Tallooyinkana waanu siinaa,
arrintan iyo arrimaha kalena wa anu ula tagaynaa, waxaanan
leeyahay xoriyadiisa haloo soo celiyo oo isagoo dibadaj ooga jooga
dacwadiisa Maxkamadda hala geeyo. Madaxweynaha anagaa dooranay waa
Madaxweynahayagii, Odayaashiisii ayaanu nahay oo Tallo iyo Toosin
ayaan ku leenahay.” Ayuu yidhi Boqor Cismaan Buur-,madow
Dhinaca kale, Baaq Lagaga soo Horjeedo Xadhiga Boqor Raabi Yuusuf
C.Laahi ayey Soo Saareen Dh alinyarada Beesha Cidagale kaasoo
u qornaa sedan:
Waxaanu si cad uga soo horjeednaa xadhiga boqor raabi yuusuf oo aan
loo adeegsan wax sharci ah maxkamadna aanay soo saarin waaran iyo
wax saman ah loona adeegsan xadhigaa wax cadayn ah ama wax buuran oo
la taaban karo kaliya ay tahay madax weyne uu wax ka sheegay
madaxwaynu hu kama duwana madaxwaynayaashii hore ee dalku soo maray
ee wax laga sheegi jiray , waxaynu si cad u ognahay inuu
madaxwaynuhu markuu ahaa mucaaradka inuu si cad wax uga sheegi jiray
madaxwaynihii hore ee daahir riyaale kaahin isla markaana wax aan u
qalmin waajibaadkiisaa iyo karaamadiisa ay asxabta mucaaradku kula
kici jireen gaar ahaan xisbiga kulmiye oo uu hormuud u ahaan jiray
madaxwaynaha imika talada haya axmed maxamed maxamuud (siilanyo).
Hadaba hadii ninkii kursiga gaadhaaba aanu cay waayeynin waxaanu
leenahay kama duwana cayda siiranyo madaxwaynayaashii hore caydoodii
mar haday sidaa tahay waxaanu leenahay madaxwey ne siiranyo
haka dhigin umada reer soomaaliland umad layli dhaansatay sidoo kale
yey soo bixin xantii reerku ee ahayd fudaydka ,marhadaad umad
madaxwayne u tahay waxa la doonayaa inaad wax badan ka tanaasusho .
Waakii lahaa gabayaagi waynaa ee sayid maxamed cabdila xasan (Gaf
iyo laaxin googaale waa gun iyo caadkeede ) wu fahmaya ninkii
indheer garato ahi hadalkaa iyo dulucduu daaran yahay.
Sidaa daraadeed waxaanu madaxweyne kuleenahay hadii la is ficishado
nusqaan iyo mandaro ka timaada mooyee sharafi ka dhalan mayso
wanaagna laga gaadhi mayo xadhiga boqorka ee ogow siday umadi kuu
soo dooratay aya loo soo dortay boqorka , milgahaa aanu ku siinay
hadii lagaa waayo waxanu odhan sidii caadada ahayd habarjeclooy waa
kaa muuse .
Hadaba baaqan waaxanu ku cadaynaynaa inaanu si cad uga soo horjeedno
xadhiga boqor raabi yu usuf hadii aan si dagdag ah loo soo
daynin waxanu u sheegayna xukuumada in wixii dhaca iyadu ma
suul ka tahay, sababtoo ah waakii lahaa gabayaagii saahid qamaan (Masaw
aabahay iyo sidaan ma gan ka soo gaadhay , rag waxan kumaamuli
aqaan ama ku maamuusi .masa inaanu nahay oo tolnimo meerto noo
tahaye . masalaha ninkaan ii dhigayn midigta siinmaayo . ninkii
aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho . sidaa daraadeed waxaanu si
degdeg ah u rajaynaynaa inuu ku deeqo baaqayagaasi .
Source:Waaheen
|