Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa Oo Xabsiga U Taxaabay Saddex Suxufi

 

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xalay illaa saaka xabsiga u taxaabay saddex Suxufi oo ka tirsan idaacada madaxa banaan ee Radio Horyaal, kuwaasi oo aan faah-faahin laga bixin asbaabaha loo xidhay Weriyeyaashaas.


Ciidanka Boolisku waxay xalay magaalada Hargeysa ku xidheen Liibaan Maaweel Shirre iyo Cabdi Abokor Siciid, halka ay maantana xidheen Weriye Axmed Saleebaan Dhuxul oo isna ka tirsan Weriyeyaasha waaweyn ee idaacada madaxa banaan ee Radio Horyaal.


Xadhiga Suxufiyiintan oo aan loo marin dariiqii sharciga ahaa oo aanay amarka xadhigooda xalaalaynin Maxkamadaha dalku, waxa cambaareeyay Ururada Saxaafada Somaliland oo dawlada u soo jeediyay inay xoriyadoodii u soo celiyaan Suxufiyiintaasi.


Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa caawa cambaareeyay xadhiga saddexdaas suxufi oo uu ku tilmamay xadhig xaq darro ah.



 


Ramaasnews