Ciidanka Booliska ee madaarka Berbera ayaa ku guuldaraystay Ogaanshaha wasiirkii Arimaha dibada Somaliya oo ku Sugnaa madaarkaasi

 


 

Berbera (TNN)- Ciidanka Booliska ee madaarka Berbera ayaa ku guuldaraystay inay qabtaan Wasiir ka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar, oo Isniintii ku sii hakaday Madaarka Berbera ka dib markii diyaaradii siday ay taransit ku sii martay magaaladaasi. Maxamed Cabdillaahi Oomaar, waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka u dhashay Somaliland ee xilalka wasiirnimo ka haya dawlada ku meelgaadhka ah ee dalka Soomaaliya, taasoo ay hore xukuumada Somaliland iyo  goleya asheeduba uga soo saareen go’aan qofka Somaliland u dhashay ee dawladaas ka qaybgala ka  dhig aya qof ku kacay khiyaamoqaran isla markaana ka soo horjeestay madaxbanaanida Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dawladda itaalka daran ee Soomaaliya wuxuu u sii jeeday magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, waxaanu ka soo kicitimay dalka Imaaraadka Carabta. Dad xilligaasi goobjoog ahaa oo ku sugnaa madaarka ayaa sheegay inuu diyaarada ka soo degay oo uu qadar ku sugnaa gudaha madaarka Berbera, halkaasi oo uu ka sii iibsaday sharaab iyo cuntooyinka fudud, ka dibna wuxuu si deg-deg ah ugu noqday diyaaradii Africa Airways ee uu la socday. Ciidanka Booliska ee Madaarka Berbera, ayaa la sheegay inay ogaadeen xilli dambe oo diyaaraddu ay isku diyaarinay say inay duusho isla markaana ay wada fuuleen rakaabkii raacayey oo dhami, taasina waa talaabo muujinaysa feejignaan la’aanta Ciidamada amaanka ee ka hawlgala madaarka Berbera.

Ma aha markii ugu horeysay ee masuul ka tirsan dawlada Sheekh Shariif diyaarad ku soo maro  garo omada Somaliland, hase ahaatee xiligii dawladii hore ayay dhawr jeer oo kala duwan diyaarado la s oo fadhiisteen saraakiil ka tirsan dawlada ku meel gaadhka ah ee dalkaasi Soomaaliya

Wargeska Dawan