Ciidanka Bileyska Oo Xoog Ku Galay Xarunta Kulm iye Ee Magaalada Burco Iyo Badha saabka Togdheer Oo Si Indho La’aan Ah U Dafiray

 

Ciidamka Bileyska gobolka Togdheer oo watay ugu yaraan siddeed gaadhi ayaa gudaha u galay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ku leeyahay magaalada Burco, halkaas oo ay xilligaas masuuliyiinta KULMIYE ee gobolkaasi ay suxufiyiin ka socday warbaahinta dalka shir jaraa’id ugu qabanayeen, waxaanay ciidamadiisa markii ay halkaas galeen hadidaad iyo gacan-ka-hadal sababay nabarro ugu geysteen qaar ka tirsan suxufiyiintii iyo dadkii kale ee xafiiska joogay.

Ciidamadan Bileyska ee galay xafiiska Burco ee xisbiga KULMIYE ayaa waxaa horkacayey ninka taliye ku-xigeenka Qaybta Bileyska gobolka Togdheer Mr Cabdi Xandule oo isagu ah ku-simaha taliyaha kadib markii doraad xilka laga qaaday taliyihii Qaybta Bileyska Gobolka Togdheer Mr Guutale, waxaanay ciidamadaasi xarunta gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE haysteen muddo dhawr iyo labaatan daqiiqadood ah.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Axmed Aadan Yuusuf oo isagu shirkaas jaraa’id Haatuf uga qayb-galay, ciidamada Bileyska ee galay xarunta xisbiga KULMIYE ee Burco ayaa ka sokow hab-dhaqankoodii weerarka ay ku soo qaadeen masuuliyiinta iyo xafiiska gobolkaas ee xisbiga KULMIYE, waxay sidoo kale hab-dhaqan ka baxsan ka Bileysnimo iyo sharciga dalka u yaalaba ku kala kaceen weriyeyaashii iyo dadkii taageerayaasha ahaa ee kale ee ku sugnaa xafiiskaas, iyadoo ay ciidankaasi waxyeelo u geysteen isla markaana gacan-saar kula kaceen masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee gobolka iyo suxufiyiintii goobta joogayba. Hase yeeshee ciidankaas Bileyska ayaa halkaas ka tegay kadib markii ay dadweyne farabadan oo magaalada Burco isaga yimid ay ku soo xoomeenta xarunta xisbiga KULMIYE ee bileysku qabsaday, kuwaas oo iyaguna dhinacooda isku-weer ka qabtay ciidankaas weerarka ah, taasina ay keentay inay ciidamadaasi ka baxaan halkaas, kadib markii ay cago-jugleyn iyo camaajurooyin badan ay u geysteen dadkii xafiiskaas ku sugnaa.

Sidee wax u dhaceen?

Weriyaha Haatuf Axmed Aadan Yuusuf oo ka warbixinay qaabkii weerarka Bileysku ugu soo qaadeen xafiiska KULMIYE ee magaalada Burco iyo sidii ay ula macaamileen masuuliyiintii xisbigaas iyo suxufiyiintii shirka jaraa’id ka qayb-gashayba, ayaa waxa uu yidhi: “Anagu waxa aanu ku jiray xarunta xisbiga KULMIYE gudihiisa halkaas oo ay shir jaraa'id ku qabanayeen gudaha xafiiskooda iyada oo aanay xitaa dibadda ciddi ka joogin marka laga reebo wax aan 10 qof ka badnayn oo iyagu dibadda marmarayay, mikarafoono ama codbaahiyeyaal iyo wax loogu talagalay in dad dibad jooga lagula hadalaana may oolin halkaas. Masuuliyiinta KULMIYE ee gobolku intii aanay bilaabin shirkoodii jaraa’id ayaa taliye ku xigeenka qaybta Bileyska Togdheer, Mr. Cabdi Xandule oo wata gaadhi yar oo nooca Grandaha la yidhaahdo ah, isla markaana telefoonka gacanta ku hadlaya soo hormaray xafiiska KULMIYE ee Burco, Mr. Xandule gaadhigiisii kama soo degin cidna waxba ma weydiin ee wuu iska dhaafay xafiiska. Intaas kadib waxaa hoolkii xafiiska naloogu qaybiyey intayadii warbaahinta ka socotay war-saxaafadeed ka kooban laba bog oo ay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee gobolku kaga hadlayo arrimo nabadgelyo-darro oo ay sheegeen inay maleegayaan maamulka dawladda ee gobolka Togdheer, Iyadoo ay masuuliyiintaasi halkaas ka jeedinayaan hadal kooban oo ay ku ladhayeen war-saxaafadeedkooda, gebo-gebana hadalkoodu ku dhowyahay ayaa mar keliya waxay dhegahayagu maqleen qoryo badan oo la cabaynayo, kuwaas oo si argagax leh oo is-daba-joog ah loo cabanayey, kadibna isla daqiiqadaa gudaheedii ayaa daaqadihii iyo albaabadii xafiisku nalagu soo duqeeyay, iyagoo u garaacayey si xoog ah oo baqdin gelin ah, waxaanay si xamaasadaysan ugu qaylinayeen ‘joojiyo iyo ha dhaqaaqina’. Qofkasta oo goobta joogay layaab bay ku noqotay dhacdadan argagaxa leh ee mar keliya nalagu ekeeyay.

Ciidankan oo u muuqday kuwo ku soo talo-galay inay dadka meeshaas ku sugan waxyeeleeyaan, ayaa nasiib-wanaag markii ay halkaas soo galeen ciidankii ay u kala qaybsameen laba, qolo weerar iyo gacan-ka-hadal degdeg ah wada iyo qaar dib u joogsada.

Dabadeed xubno ka tirsan Golaha degaanka Burco oo halkaas ku sugnaa ayaa xafiiska dibadiisa u baxay oo ninka Taliye-ku-xigeenka ah ee watay ciidanka u sheegay in waxa uun wadaa tahay sharci-darro uu ka badheedhsan yahay, sidaas darteed ay mubaax u tahay inuu wuxuu doonayo sameeyo, wixii halkaas ka dhacana uu isagu dusha ku qaadan doono, balse Mr. Xandule ayaan u muuqan nin waxaasi u muuqdaan.

Markay arrintu halkaas maraysay ayaa qaar ka mid ah Weriyeyaashii goobta ku sugnaa oo aan anigu ka mid ahaa isku daynay inaanu meesha ka baxno si aan nalooga burburin qalabka aanu sidanay, hase yeeshee kooxdayadii isku dayday inay baxdo ayey qaar ciidankaas Bileyska ka mid ahi waxay nalagula kaceen hadigaad iyo gacan-saar iyadoo ay qaarkayo nabarro soo gaadhsiiyeen.

Intaasi markii ay dhacday ayaa waxaa xarunta xafiiska KULMIYE ee Bileysku nagu qabsaday waxa mar keliya ku soo xoomay oo ciidankii isku-weerka naga hayey isku xeeray boqolaal dadweyne ah oo ay weerarka iyo buuqa ciidankaasi soo kiciyeen, taasina waxay u muuqatay mid fashilisay qorshihii ay ciidankaasi markii hore ku soo talo-galeen, waxaanay halkaas ka dareereen iyadoo ay dadweynihii goobtaas ku soo ururay ku foodhyayaan, manay jirin wax intaas dhaafsan oo ay masuuliyiintii iyo dadkii halkaas joogay ay u sheegeen iyo cid ay qabteen toona.”

Taliye ku-xigeenka Qaybta Bileyska Togdheer ee ciidankan horkacayay ayaan intii uu halkaas joogay marnaba u sheegin masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer, ujeedada ay weerarka ugu soo qaadeen iyo wixii ay u socdeen toona. Hase yeeshee masuuliyiinta KULMIYE, ayaa markii ay Bileysku halkaas ka baxeen warbaahinta la hadlay isla markaana cambaareeyay weerarka foosha xun ee masuuliyiinta maamulka gobolka ee xukuumadda Riyaale ku soo qaadeen xarunta xisbigooda.

“Ummadda iyo caalamkuba way arkaan sharci darrada iyo sida wax u socdaan, siddeed tikniko ah ayaa xukuumadda wakhtigeedii dhammaaday soo galisay xafiiskayaga gudihiisa oo aanu shir jaraa'id ku qabanaynay. Anagu nabadda waanu ilaalinaynaa cid walibana way aragtaa. Mar hadday sidaa yihiin waxaanu leenahay waxa aad doontaan sameeya oo walaaqda waa laga wada xisaabtami doonaaye. Ninka shacabka laynaya ee u cago-juglaynaya waa la arkaa oo il-dheer ayaa loo leeyahay ee adeer si fudud godob aan waxba kaaga dan ahayn ha u qaadan.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE, Sahal Aadan Maxamed oo falkaas kadib la hadlayey warbaahinta.

Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan oo isna ka mid ahaa masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee ka hadlay halkaas, kadib falkaas ciidanku kula kacay xafiiskooda Burco ayaa yidhi "Ummadda iyo caalamkuba way arkaan sida ay wax u wado xukuumadda wakhtigeedii dhammaaday ee Daahir Rayaale Kaahin iyaga waanu aragnaa ee akhyaarta wax kala garanaysa, culimaa’udiinka, golaha Wakiilada oo ah golaha qudha ee maanta sharci doorasho ku jooga iyo caalamkaba waxaanu leenahay waar arrintaa wax ka qabta oo cidda khaladka wada tallaabo ka qaada. Rayaale iyo ragga wada xaaladahan waxa aan leeyahay waar arrintan Rag badan ayaa eeday, Siyaad Barre-ba halkan waxa uu keenay 100 Kaare oo waxba u qaban waayay ee hays macaashiin ee cagaha dhulka u dhigga."

Dalmar Saalax Diriye oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka digay inay ciddi ku fekerto inay xoog iyo cago-jugleyn ummad ku haysan karto, waxaanu xusay in ninkasta oo taas isku dayaana uu ku daali doono, isla markaana ay digtaytar kasta taariikhdu ka daba timaado.

Mr. Dalmar waxa kale oo uu sheegay inaanay dheg u dhigayn waxan ay xukuumaddu wado balse ay hawlahooda si sharci ah u wadan doonaan oo aanay nin iyo cago-juglayn toona ka baqayn.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Xil. Siciid Xasan Nuur iyo Xil. Jaamac Xaaji Axmed oo ka mid ah Xildhibaanada golaha degaanka Burco, waxaanay masuuliyiintaasi eedo kulul u soo jeediyay xukuumadda Rayaale oo ay ku tilmaameen inay wado qas marag-ma-doon ah oo ay dadka ku kicinayso, waxaanay Xildhibaanadaasi sheegeen inay dhacda kata la qorayo, lalana socdo cid walba oo dhib geysata, iyadoo bay yidhaahdeen ay iman doonto wakhti qof walba lagu qaadi doono dambiyadan uu ummadda ka gelayo.

Si kasta ha ahaateen dhacdadan ayaa si weyn looga dareemay magaalada Burco, waxaanay dadweynaha halkaas ku dhaqan ku abuurtay naxdin iyo baqe ay wadnaha farta kaga hayaan in falalka noocan ah ee ay masuuliyiinta xukuumadda Riyaale iyo ciidamada ay adeegsanayeen qaadayaan ay waxyeelo ku keento nabadgelyada iyo xasiloonida magaalada iyo dalka oo ka jirta, waxaanay dadka reer Burco maalintii shalay oo ay goobaha layskugu yimaado ee magaalada Burco sheekadani ahayd ta ugu weyn ee lagu hadal-hayey, dareenkooda si xoog leh uga muuqday cadho, iyagoo ay intooda badani garowsadeen in tallaabooyinka xukuumaddu qaadaysaa yihiin kuwo waxyeeli kara nabadgelyadooda.

Sidoo kale, waxaa si weyn u shaac-baxay dareen ah in xil-ka-qaadistii Taliyihii Qaybta Bileyska Togdheer ay sabab u ahayd, qaabkii masuulnimo ee uu uga hortegay inay isku-dhacaan Ciidamada Bileyska iyo Dadweynihii reer Burco ee 6-dii April isugu soo baxay xuskii maalintii Aasaaska SNM ee lagu qabtay xarunta xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Burco, iyadoo uu Taliye Guutaale ka hawl-galay inaanay shacabku u arag ciidamada kuwo cadow ku ah, isla markaana aanay Bileysku kula kicin dadka cago-jugley iyo handadaad ah.

Dhinaca kale, Badhasaabka gobolka Togdheer, Jaamac Cabdillaahi Biin ayaa mar uu xalay la hadlayay idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga si indho la’aan ah u dafiray, isagoo beeniyay dhacdadaas gebi ahaanteed, taas oo yaab ku noqotay dadweynihii goob-joog ka ahaa falkan ay bileysku ku galeen xarunta xisbiga KULMIYE ee Burco.

 



Haatuf