Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Shalay Laba Qof Ku Dilay, Saddex Kalena Ku Dhaawacay Duleedka Gaashaamo, Lana Wareegay Dhaawacyadii Iyo Gaadhigiiba.

 



Magacyadda Mid Ka Mid Dadka Dhintay + Saddexda Dhaawaca Ah + Xaalada Deegaankaasi Oo Kacsan


Gaashaamo (TNN) – Ciidamadda dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu Bo oliska ayaa inta la ogyahay shalay laba qof ku dilay saddex kalena dhaawacyo ugu geystay d uleedka Magaaladda Gaashaamo ee gudaha kililka shanaad ee Itoobiya.

Ciidamada Liyuu booliska ayaa la xaqiijiyey inay rasaas huwiyeen gaadhi Surf ah oo Jaad ka qa aday Magaaladda Burco kuna sii jiiday Gaashaamo, halkaana ay ku naf-waayeen laba qof, kun a dhaawacmeen saddex kale.

Gaadhigan ciidamada Itoobiyaanku rasaasta khasaaraha keentay ku rideen ayaa la sheegay inuu wakhtigaa marayey inta u dhaxaysa deegaanada Xal-Xalis iyo Dhago-dheere oo aan wax badan ka durugsanayn Magaaladda Gaashaamo.

Lama oga ujeedada keentay in ciidamadda Liyuu booliska oo dadka deegaanada xuduudaha la bada dalka ku teedsan uga caban jireen ay gaadhigan rasaasta ugu rideen, balse wararka ilaa xalay deegaankaasi ka imanayey ayaa sheegay in ciidamada Liyuu boolisku ay kaxaysteen ga adhigii iyo saddexii nin ee dhaawacmay, isla-markaana aan ilaa hadda la ogeyn meel ay la tag een.

Magaaladda Burco oo ay ka soo jeedaan dadka dhintay iyo kuwo dhaawacmayba ayaa la shee gay in falkan si aad ah looga dareemay, shacabkuna ay dareen cadho leh ka muujiyeen, iyadd a oo la tilmaamay in waxgarad badan ay isla shalayba u baxeen dhanka Magaaladda Gaashaa mo oo loo qaaday maydka dadka ay laayeen ciidamada kililka Soomalida Itoobiya, si ay xaalada uga war-qabaan una baadi-doonaan dhaawacyada ay ciidamadu qaateen.

Magaalada Gaashaamo oo la tilmaamay in dad badan oo gurmad ahi buuxiyeen ayaa ilaa xalay xaaladeedu kacsanayn, iyadda oo la tilmaamay in dadka deegaankaasi ka cadhaysan yihiin ciid amada dadka rayidka ah badhna laayey badhkii ay dhaawaceena kaxaystay, waxaana deega ankaasi ka taagan xaalad deganaansho la’aaneed, iyadda oo dadka rayidka ahi doonayaan ina y dagaal la galaan ciidamada Liyuu booliska.

Dadka rayidka ah ee ciidamadda Liyuu booliska kililka shanaad ee Itoobiya dileen oo lagu shee gay inay ahaayeen laba rag ah ayaa waxa ka mid ahaa Cabdi Maamuud Ibraahim oo la sheeg ay in maydkiisa loo qaaday dhinaca Gaashaamo, saddexda qof ee falkaasi ku dhaawacmayna waxa magacyadooda lagu sheegay Cabdifataax Maxamed Warsame, Maxamed Kamaajuur iyo Ibraahim Cabdilaahi Jaamac.
 

source:waaheen