Ciidamadda Qaranka Somaliland Oo Dhirbaaxo Kulul Huwiyay
Maleeshiyadda Khaatumo Seeg, Qabsadayna In Ka Badan 50 Maxbuus Iyo
Shan Gaadhi.

Dagaalkan oo ah mid xoogan ayaa bilowday waxyar kadib wakhtigii
salaadda subax ........
Buuhoodlle (TNN)-Wararka laga helayo Magaaladda Buuhoodlle ayaa
sheegay in Ciidamadda Qar anka Somaliland, ay ku guulaysteen in ay
gacanta ku dhigaan gabi ahaanba amaanka iyo maamu lka Magaaladaasi,
ka dib markii goor hore oo saaka ah uu dagaal ka qarxay duleedka
degmada B uuhoodle gaar ahaan deegaanka Sool-joogto dagaalkaas oo u
dhexeeya ciidamada Qaranka Som aliland iyo Maleeshiyadda Khatuumo
Seeg.
Dagaalkan oo ah mid xoogan ayaa bilowday waxyar kadib wakhtigii
salaadda subax, waxaana we erarka soo qaaday ciidamada Maamulka
Khaatumo Seeg oo iyagu markii horeba ku sugnaa meel aan Sool-joogto
sidaas uga sii fogeyn, isla markaana u dhaxeysa deegaanka Buuhoodlle
iyo Meeg aaglle.
wararku waxa ay sheegayaan in ciidanka Somaliland ay gacanta ku
dhigeen Shan gaadhi, halka 5-ta gaadhi, uu mid ka mid ahi uu yahay
mid markii horre laga qabsaday Ciidanka Somaliland, isla markaana ay
iminka dib u soo ceshadeen ciidanaka qaranka somaliland oo ay
gacanta ku hayaan, sidaasan waxa shabakadda Timacade News u
xaqiijiyay sarkaal sarre oo ka tirsan ciidanka somalila nd oo ka
gaabsaday in la shaaciyo magiciisa.
in ka badan 65 Maxbuus ayaa uu sheegay sarkaalku in gacanta lagu
hayo, waxana uu intaas ku daray in dhamaan lagu soo bandhigay
maxaabiistan isla mar ahaantaasna loo soo gudbiyay deeg aanka
maygaaglle.
Dhanka kale dad ku sugan magaaladda Buuhoodlle ayaa shabakadda
Timacade News u xaqiijiyay in ciidanka qaranka Somaliland ay
wakhtigan ku sugan yihiin gudaha magaaladda Buuhoodlle, waxa na ay
intaasi ku dareen in la bacsaday oo la jabiyay jabahadda taagta
daran ee taabacsan khaat umo seeg.
Diryanka maadaafiicda iyo dhawaqa rasaasta ayaa wali waxa laga sii
maqlayaa gudaha magaalad da Buuhoodlle.
Halka uu saaka dagaalku ka qarxay oo loo yaqaan Tuuladda Sool-joogto
waxay 30km Galbeed kag a beegan tahay degmada Buuhoodle waana markii
lixaad ee halkaas uu ka dhaco dagaal u dhexe eya ciidamada taabacsan
maamulkii dhowaan Taleex looga dhawaaqay ee Khaatumo Seeg iyo Ciid
anka Qaranka Somaliland .
Timacade News Desk
|