CIIDAMADA S/LAND OO LA WAREEGAY TUULOOYINKA CADAADA IYO HIGLADA KUNA SUGAN DULEEDKA TUKARAQ

 

 

Waxaa saaka dagaal dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugnaa aaga Higlada iyo Cadaada dagaalkaas oo ahaa dagaal si wayn looga dareemay gudaha magaalada Laascaanood iyo hareereheeda iyadoo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan oo aan ilaa hadda si rasmi ah looga war hayn khasaaraha uu keenay ayaa waxa ay saraakiisha Somaliland ee ku sugan aagga hore ee dagaalku ka socdo ay noo xaqiijiyeen inuu jiro dagaal ayna ciidamada Somaliland la wareegeen labada Tuulo ee Higlada iyo Cadaada ah kuwaas oo u dhaxeeya Gambadhe iyo Tukaraq.



Dagaalkan oo aan war faahfaahsan laga hayn kuna bilaabmay si kadis ah ayaa dadka baabuurleyda ah ee mara wadada udhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ay xaqiijiyeen inuu jiro dagaal wayn oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Puntland ayna ciidamada Somaliland kusoo dhaafeen duleedka Tukaraq.



Sidoo kale saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen inay dhankooda qabsadeen laba baabuur oo Tikniko ah ayna soo qabteen hal gaadhi oo ah nooca Market 2 loo yaqaan kaas oo ay dad shacab ahi lahaayeen laguna haystay Tuulada Higlada iyagoo intaasi ku daray inay hadda si guud aagaasi gacanta ugu hayaan sidoo kalena ay jirto maxaabiis laga qabsaday dhanka Puntland.



Dhanka kale ilaa hadda waxaan wax war ah kasoo saarin dagaalkan ka dhacay jiidda hore ee Tukaraq oo maamulka Puntland ay halkaasi ay ka joogeen ciidamada Puntalnd iyadoo ay sidoo kale aysan ilaa hadda ka hadlin khasaaraha dagaalka ka dhacay aagaasi iyadoo mar aan xidhiidh dhanka Telephone-ka ah oo aanu la samaynay dad ku sugan Higlad ay noo xaqiijiyeen inay dhaafeen ciidamada Somaliland ayna hadda u baqooleen dhanka Tukaraq.



Isku soo wada duuboo dagaalkan saaka ka dhacay duleedka Tukaraq oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay dadka shacabka ahi si wayn isha ugu ahyaan ee ku nool magaalada Laascaanood marba wixii kasoo kordha iyadoo ay hadda xidhan tahay wadada u dhaxaysa Garowe iyo Laascaanood ayna ciidamada fara badan kusii qulqulayaan agaasi.


 


Afnugaal