Ciidamada Booliska Somaliland Oo Mar Kaliya Rasaas Ay Fureen Ku Dhaawacay 6-Qof Oo Isku Qoys Ah

 

Lix qof oo isku qoys ah ayaa ciidamada Booliska Somaliland Magaalada Hargeysa rasaas ku dhaawaceen, kadib markii khilaaf dhul ah oo laba qoys isku qabsadeen Xaafada Sheekh Nuur ee Hargeysa.

Dhacdadan aan la jeclaysan ee ay ciidamada Boolisku ku dhaawaceen lixdan qof ayaa Af kala qaad iyo anfariir ku noqotay dadweynihii halkaasi ka ag dhawaa. Aabaha qoyskan oo la yidhaahdo Good Cabdi oo Weriye ka tirsanaa Wargeyska Haatuf uu xalay ku booqday Cisbitaaka guud ee Magaalada Hargeysa oo lagu daweynayey dhaawicii dadkaasi ayaa waxa uu aabahaasi u sheegay weriyaha in shan nin oo Askar ah oo ay wateen qoys ay meel wado ah isku haystaan uu amarka siiyey taliyaha Saldhiga Doloodho.

Dadkan rasaasta lagu dhaawacay ee lixda qof ka koobnaa ayaa waxay kala ahaayeen Maxamed Good Cabdi, Muxumed Aadan Cabdile, Raaxo Cismaan Yuusuf, Sidiiq Baashe Ibraahim, Gaasira Aadan Cabdule iyo Aamina muxumed Cabdule, dadkaas oo ay rasaastu meelo kala duwan kaga dhacday.

Dadkan dhaawaca ah ayaa waxa ugu daran gabadh shan caruur ah dhashay oo ay Xabadi kaga dhacday beerka magaceedana la yidhaahdo Raaxo Cismaan Yuusuf.

Aabo Good Cabdi isaga oo arrinta ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa jirta meel aanu degenahay , oo gebi ahaan wadooyinku ka xayiran yihiin oo xaafada Sheekh Nuur wadooyinkeeda oo dhami way xidhan yihiin. Meeshaas oo la yidhi labadiina xaafadood midkiina waxba kama dhisi kartaan, ayaa ninkii waaxda [Degmada] haystay oo shalay fasax-qaatay uu ku xigeenkiisi iyo laba masuul oo kale warqad foojari ah u sameeyeen. Markaas abaaro saaka 6:00-dii [shalay] ayaanu kana u soo baxnay dhowr iyo sodon shaqaale ah [Kuuli iyo Wastaad] oo meeshi dhisaya, dabadeedtana waxaan ku idhi waar meeshani way xayiran tahay ee u kaadiya oo waxba ha ka dhisina, dabadeedtana waxay igu yidhaahdo warqad fasax ah ayaanu haysanaa oo na loogu soo fasaxay. Dabadeetana waxaan ku idhi wadada iyo Gurigu waa kala laba. Wadeynu isku haysanaayee intay dawladu inoo bixinayso u kaadiya, waanu diiday ninkii meesha dhisanayey oo inta uu cararay ayuu shan Askari soo kaxeystay. Markay Askartii ka soo degtay gaadhi uu watay waxay yidhaahdeen [Askartii] yaa dacwad ka qaba meeshan la dhisayo?, aniga ayaa ka qaba ayaan yidhi [Good] jaarna waanu nahay oo wadooyinka ayuunba naga dhaxeeya ee wax dhul ah iskumaanu haysanin.”

Isaga oo hadalkiisa si watana wax uu intaa raaciyey “Waxayna igu yidhaahdeen waraaq ayaanu wadanaa, ana waxaan ku idhi waraaqdan aad wadataan maaha mid Sax ah ee waa foojari, ayaan u heystaa, jaarna waynu nahoo, jaar xumadu ma fiicnee, haddii ay warqadu sax tahay imikaba aad dhisatid’e waaxda ina gee ha inoo soo kala cadeysee, shaqaalahana, dabadeed inta uu nin askari ayaa inta uu sidaa ii riixay oo uu qadaadka I qabtay ayuu yidhi taas ayaa sharci ah oo lagu dhisayayaa, dabadeed odaygii dhisayey meesha oo sagaashan jir ah oo aabahay leeka ee aan lahaa wadada ha innaga ooddin ayaa inta uu Hangool la soo ooday qoorta igaga dhuftay iyada oo ay shantii Askari weli taagan yihiin, intaa kadibna Askartii Rasaas ayey ooda nagaga qaadeen anniga oo weli baryaya oo sida wanaagsan ula hadlaya.”ayuu yidhi Aabo Good Cabdi

Mar Aabo good la weydiiyey cida amarka soo siisay inay rasaasta,waxa uu yidhi “Waxa soo siiyey Taliyaha Saldhiga Daloodho Bedel Jaamac Diihaal, markay dhibtaasi dhacdayna waxaanu ku mashquulay gurashada dadkan dhaaca ah oo ka koobanaa sideed qof . Waxa imika ugu daran gabadh shan caruura oo Agoon ah haysata oo la yidhaahdo Raaxo Cismaan Yuuusf oo ay xabadu kaga dhacday Beerka, waxa kalena may samaynin ee Askarigii oo rasaastii nagu ridaya ayeyku tidhi waar ka daa Gacantu ku go’adee raasaasta, iyadana waa la huwiyey rasaastii. Sidii ayanu dhakhtarka ugu mashquulsanayn oo aanu xaafadii kaga nimi caruur yar yar afar ruux oo xaafada ahna way qabteen oo ay xidheen.”

Si kastaba ha ahaate, ciidamada booliska ayaa caadeystay rasaas aanay ugu aabo yeelin huwiyaan dadweynaha ku dhaqan Somaliland, taas oo aany cidina waxba ka soo qaadin, waxaana laga dareemi karaa masuul darada Ciidamada amaanka.


 


Hadhwanagnews