Ciidamada Bileyska Oo Si Gaar Ah Baadhis Ugu Sameeyay Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Wajaale

 


“Waxay Nagu Yidhaahdeen Ma Shir KULMIYE Ah Baad Qabanaysaan” Mid Ka Mid Ah Dadweynaha Wajaale

Qaar ka mid ah dadweyaha degaanka wajaale ayaa sheegay inay habeen hore xaafadahooda ay baadheen Bileysku, kuwaas oo sheegay inay shaki iyo naxdin ku abuurtay markii kooxo iskugu jira dharcad iyo bileys ay guryaha magaalada ay baadhitaano ku sameeyeen, iyaga oo sheegay inaanay ilaa hadda aanay garanayn waxa ay Bileysku ka baadhayaan guryaha loo diray, balse dadka qaar ku tuhunsan yihiin inay ka dambeeyaan maamulka degmadu.

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ay Bileysku guryahooda garaaceen habeen hore ayaa sheegay in la weydiiyey su,aalo ku saabsan miyay jiraan guryo meelahan ah oo ay shirar lagu qabanayey lagu taageerayo Kulmiye .

Mid ka mid ah dadka degaanka wajaale ee ay Bileysku habeen hore albaabka gurigiisa ku garaaceen oo magaciisa ku sheegay Mustafe Sheekh Abiibakar ayaa Haatuf u xaqiijiyey talaabada ay Bileysku ku tageen gurigiisa iyo guryo kale oo magaalada ka mid ah ayaa waxa uu yidhi“ waxa la yimid xalay (habeen hore) gurigayga anigoo ka maqan, waxaana la iwaydiiyey aniga, laakiin maan joogin, waxaanse saaka (shalay) ka warhelay in la baadhay guryo kale oo badan oo dhawr iyo afartan qoys ka kooban, kuwaas oo ay Bileysku guryahooda ugu tageen ”ayuu yidhi Mustafe Sheekh Abiibakor .

Waxa kale oo uu intaas ku daray hadalkiisa “ma garanayo sababta la noogu yimid, waxayna arrintani keentay shaki iyo dareen ah in dadka qaar uun ay arintani saamaysay, maadaama aanay ahayn wax dadku ay ka siman yihiin” ayuu yidhi Mustafe Sheekh.

Mar aanu waydiinay waxa laga rabo ee lagaga shakiyey inay jiraan iyo in kale, waxa uu yidhi “Walaal ma jiro, kamana war hayno, waxaanay lahaayeen ma shir kulmiye ayaad wadaan iyo wax noocaas, cid wadana iyo cid qaban qaabinaysana ma ogi”

Nin kale oo oo ka mid ah dadka degan Wajaale oo ka cudur daartay inaan magaciisa la sheegin oo aanu la xidhiidhnay ayaa isna yidhi “Aniga xalay ( habeen hore ) ayaa gurigayga laygu yimid wakhti ku beegan 12:00kii, waxaana laygu garaacay albaabka guriga, waxaana la I weydiiyey dhawr qof, aniguna waxaan ku idhi ma joogaan, wayna iga tageen, laakiin anigu ma arkayn waxay yihiin iyo waxay sitaan toona”.

Dhinaca kale Taliyaha Bileyska Degmada Wajaale, Axmed Cabdi (Axmed Dacawo) oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay xalay si aanu wax uga ogaano waxyaabahan ay ay dadka deegaanku ka cabanayaan ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo arintan, balse waxa uu si kooban u yidhi “Adeer waxba kama jiraan, magaaladuna way nabdoon tahay, arrimahaasina wax ka jiraa ma jiro.”

Waxa kale oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino guddoomiyaha degmada Wajaale, balse nooma ay suurtogelin, waanu xidhnaa telefoonkiisa gacantu.

Si kastaba ha ahaatee, dadka degan magaalada Wajaale ee habeen hore guryahooda la baadhay ayaa sheegay in aanay garanayn ilaa hadda sababta guryahooda loogu yimid iyo waxa laga doonayo midna, hase yeeshee waxay dadka qaarkood tibaaxeen in dadka guryahooda Bileysku aytageen ay yihiin dadka lagu tuhmayo inay taageeraan axsaabta mucaaridka, kuwaas oo Bileyska kala kuma hanjabaad iyo caga juglayn, isla markaana waxay dadkaasi ku tilmaameen inay arimahani yihiin cabudhin ay maamulka degmada Wajaale doonayaan inay dadka ku kala qaybiyaan.

Taliyaha Bileyska degmada Wajaale ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay mid dadweynaha degeegaankaasi ay aad uga cawdaan, isla markaa ay sheegeen inaanu cidnaba ka amar qaadan, waxaana dhawaan si weyn loogu eedeeyey inuu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe uu kula kacay falal hanjabaad iyo aflagaadooyin isugu jira xilligaas oo Guddoomiyuhu uu socdaal ku tegay degmada Wajaale.



Haatuf