CIID MUBAARAK. KU CIIDA CAAFIMAAD, BADHAADHE IYO NABAD


 

 

Munaasabadda Ciidul Adxa 1442 oo ku beegan berrito 20/07/2021 Waxaan hanbalyo iyo bogaadin la wadaagaya  bulshoweynta islaamka gaar ahaan reer somaliland xukuumad iyo shacbiba iyo soomaali dhammaanteed . Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa shaqaale weynha Baanka Dhexe ee Somaliland, iyo shaqaale weynha qaranka Somaliland, madaxda ay hormoodka u yihiin Madaxweynha iyo Ku Xigeenka, Shir Guddoonka Baarlamanka, Xubnaha Baarlamanka, Golaha Fulinta iyo Golayaasha Degmooyinka, Ciidamada Qalabka sida, shacbi weynha qurbojoog iyo dal joogba.

Alle heynga yeelo kuwa uu naarta ka xoreeyo munaasabadda ciidda, inta xajidey ha ka ajiibo, inagana heynoo dambi dhaafo.

Waa maalin miiskiinka la xusuusto, ehel iyo qaaribna qalbiga loo furo, la siyaarto meytida iyo walkidka nool. Alle meytideen ha u naxariisto, qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare.

Ciid Mubarak, ku ciida caafimaad, badhaadhe iyo nabad, Alle heynagu simo nabad iyo naruuro sanadkan sanadkiisa iyo qaar kaloo badan. Amiin.

 

 

Axmed Xasan Carwo

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe

Ee Somaliland.