Cigaal Airport Hargeysa oo Noqday….

 


Tan iyo intii ay dawladan uu hogaamiyo Axmed-Siiraanyo dalka majaraha u qabatay waxa aynu arkaynaa talaabooyin shacabku liqi kari waayay.Waxa aynu xasuusanahay qaabkii uu Axmed-siiraanyo ula dhaqmi jiray madaxweynahii ka horeeyay markuu Gudoomiyaha ka ahaa xisbigii be rigaa mucaaridka ahaa ee Kulmiye.Waxa weedhaha ma hadhaankaa ee uu ku hadli jiray ka mid ahaa “Haday dhaafto 4ta April uma aqoonsani dawlada Riyaale mid sharci ku fadhida!” Waxa kale oo ka mid ahaa khudbadahiisii “Hantida ummada si gaar ah ayaa loogu tagri falaa,waxq abadkana looma sinna!” Maxaa hadaba maanta oo uu madaxweyne dalka kuna fadhiistay
kursigii uu saarku u hayay bedelay sawirkii uu shacabka tusay!

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed-siiraanyo qaab dhaqankiisa maamul maaha mid innagu cusub,waxa aynu ku baranay markuu ahaa wasiirka dhaqaalaha ee Siyaad Barre,markuu ahaa gudoomiyaha ururkii xaq u dirirka ee SNM, markuu ahaa wasiirka maaliyada ee marxuum Cigaal balse ayaan darrada dalka ka jirtaa waxa ay tahay inaan shacabku dib u jaleecin waxii tegay ama aanu qiimaynba cidda uu shacabku doonayo inuu hogaanka qabto! Waxa keli ah ee shacabku madaxda u soo xushaa waa qabyaalada oo dhuuxa u gashay wax wal oo ay doonayaan inay qabsadaan! Haba ahaato dhaqan ummadani muddo dheer ku soo caano maashaye madaxdu waxay u kala baxaan qaar daneeya dalka iyo dadka,iskuna daya inay xoog
saaraan sinaanshaha iyo horumar shacabku u simanyahay iyo qaar hays u yeela Wax qabadko oda oo aad moodid inaanay gobolada qaar ka mid ah aanay hoos iman dalka ay ka taliyaan.

Hadaba Madaxweyne Axmed-siiraanyo waxa uu ka tirsanyahay madaxda aan danayn Gobolada qaarkood.Weliba dhaqankaa wuu ku adagyahay.Waana ta maanta keentay Cadaalad-darrada ka jirta dalka,sinaansho la’aanta baahday,eexda aan gabashada Lahayn,cabudhinta iyo caga-juglaynta saxaafada hadheeyay,distoorka qurub-ba meel Lagu tuuray,dimuqraadiyad la malda hay oo afka laga sheego uurkana keli talisnimo lagu guntay,kala qaybi oo xukan aan gabasho lahayn iyo mashaariicda dawladaha shisheeye bixiyaan oo eex iyo xigto lagu qaybiyo.Arrimaha n aan ka hadlayaa maaha eedayn aan sal lahayn,waa xog aan qarsoonayn. Tusaale: dhacdooyinkii xeebta saylac
ee ciidamada dhami dhex mareen dalkeena,dagaalkana ka rideen etoobiya gudaheeda, dhacd adooyinii deegaanka gabiley,dhacdooyinkii Kalshaale,dilaacii siyaasadeed ee Taleex,dhacdadii saaxil ee warshada iyo tan ugu danbaysa ee loo gashay shaadhka Quruxda sannadka ee mada arka hargeysa!

Dhinaca siyaasada arrimaha dibada oo iyada laguba riday jawaan uu garabka ku sido Sheekh Shariifka Soomaaliya kuna fashilantay shirarkii London iyo Istanbuul.Weliba Axmed-siiraanyo wuu ku sii indho adagyahay inuu shacabka dhegaha ugu shubo rumaynta aqoonsiga laga raad inayo mashruuca loo bixiyay wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya,waa taa uu yidhi “ Sifir ayaa iiga wakiil ah!” Haatana sii horaysiiyay wasiirkii arrimaha arrimaha dibada.

Ugu danbayn mashruucan loola baxay qorxinta dhismaha madaarka Cigaal ee Hargeysa laysku ma hayo qorxinta dhismaha ee waxa dhuunta mari waayay nanka uu adeerka u yahay ee aan awooda u lahayn hawshaa balse gacanta aga saaray! Waxa taa sii yaab badan sheekada muu saysan ee la yidhi shirkad Chinese ah ayaa ku guulaysatay tartankii! Cajiib! Waxa aan ka soo horjeedaa oo aan kaw ka ahay eexda aan gabashada lahayn,xaqna waan u leeyahay inaan wa x ii mashaariic ah ee deegaankayga laga fulinaayo taladeeda wax ku yeesho, fulinteedana ugu horeeyo.Maxaa lagu haystaa Maxamed Xaji Cabdiraxmaan? Muwaadinkaasi iyo cidda deegaan kaas ku nooliba xaq ayay u leeyihiin inay ugu horeeyaan horumarka laga fulinaayo Cigaal Airp ort ee hargeysa. Cidna laga yeeli maayo aan kugu dul-socdo axna ha odhan.

Cigaal Airport oo noqday meel lagu maalo dawladaha carbeed oo hadana laga dhigay guri laga hayaamay!
 

 

 

 

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/Jamhuuriyada Somaliland