“CIDA WAKIILO
U JOOGAAN MUQDISHO WAA XISBIGA MUCAARIDKA AH EE KULMIYE”
Ibrahim Ducale Suleman
Waxaan doonayaa inaan ka hadlo
arrin uu maalin dhaweyd ka hadlayay nin xildhibaan ah oo ka tirsan
xisbiga Kulmiye, taasoo ahayd hadal gaaban oo Madaxweyne ku xigeenku
ka jeediyay goob la isugu yimi oo uu ku dhaleeceyay xildhibaanku in
Madaxweyne ku xigeenka iyo Xukuumadu u janjeedhaan sidii wax u niyad
furan in mar danbe Soomaali-weyn lagu noqdo.
Hase ahaatee, annigu waxaan doonayaa inaan iftiimiyo inaan shacbiga
reer Somaliland Jaha-wareer lagu ridin. Shacabkani dastuurbuu u
codeeyay, kaasoo qiraya jiritaanka Somaliland shakhsi meel joogaana
waxba kama bedeli karro ama Madaxweyne ha noqdo ama xildhibaan ha
ahaadee. Balse waxay taasi muujinaysaa ninkaa Xildhibaanka
sheeganaya iyo qaar badan oo la mid ahi inaanay aqoonin sharciga ay
ku fadhiyaan. Dastuurku waxa uu qorayaa Jamhuuriyada Somaliland
xuduudaheeda Cir, Dhul, Bad iyo Bari waa lama taabtaan. Shacabka
ayaa u codeeyay isaga ayaana wax ka badeli karra cid kale oo wax ka
badeli kartaana ma jirto.
Waxaana wax lala yaabo ah in xisbiyada mucaaradka ah qaarkood ay
wakiillo ku leeyihiin Muqdisho, haday noqon lahayd Dawladii Mbeghati
oo xubno xilal ka hayay oo ka tirsanaa xisbiyada mucaaradka ah ee
Somaliland ay xilal ka qabteen, meel lagu deedafeeyay oo lagu
dhaleeceeyay oo xisbiyadaa iyaga ah lagaga saareyna aanay jirin.
Shirkii ugu danbeeyay ee dhawaan Jabuuti lagu qabtayna rag mansabyo
sare ka haya xisbiyada mucaaradka ah qaarkood ayaa ka qayb-galay
iyaga oo ka socda dhinaca kooxda Shariifka ninka la yidhaahdo.
Markaa, waxaan la yaabanahay ninka wakiillo ku sii sameystay
Muqdisho inuu ninka Somaliland jooga ku dhaleeceeyo waxaas ayuu
sameynayaa, aqoontiisuna ay siiso in qof keli ahi wax ka bedali
karro Dastuurka Somaliland, waxay illa tahay waa siday iyagu ku
hindisoonayaan haday talada dalka yimaadaan inay iyaga oo ashkhaas
ah wax ka bedalaan Dastuurka Somaliland, waayo horeba waa ay u
sheegeen inay wax ka bedalayaan dastuurka oo waa kuwa Bixiyay
Raysal-wasaaraha. Markaa waxaan leeyahay dastuurka ummad ayaa u
codaysay iyadaana wax ka bedali karta. Qaran-nimada Somaliland-na
waa lama taabtaan cid wax ka badeli kartaana ma jirto.
Waxa kale oo aan doonayaa inaan yara iftiimiyo, waxyaabo badan oo
dalkan ka qabsoomay, waxaad moodaa in mucaaradku indhaha shacabka
baabacada ka saarayaan oo uga dhigayaan inaan dalkan waxba laga
qaban. Horta, cid shaqo haysa oo aan waxba qabanin ma jirto. cid
shaqo haysa oo aan dhaliil lahaynina ma jirto..wax kasta oo la qabto
hadana waxbaa qabyo ah.
Maalin dhaweyd waxaan booqday dugsigii aan wax ku bartay ee Sheekh,
Dugsiga xanaanada xoolaha, dugsigaasi maanta sida aan ku soo arkay
ee wax looga qabtay aad ayay u heer sareysaa waana wax weyn oo
Somaliland u soo kordhay, waxa kale oo aan soo maray magaalada
Berbera oo aan ku soo arkay Maxjarka laga hirgeliyay.
Dad badan ayaa waxay yidhaahdaan Maxjarku ma jiroba waa wax lala
yaabo. Maxjar aad u weyn ayaan ku soo arkay, Dhakhaatiirtii
Masaarida ahayd oo joogta ayaan ku soo arkay iyo qalabkii Baadhista.
Waxyabahaasi oo dhami waxay ka mid-yihiin waxyaabaha ay qabtay
xukuumadani. Waxaana aan aad ugu amaanayaa gaar ahaan wasiirka
xanaanada xoolaha hawshaa baaxada leh ee uu dalka ka qabtay.
Waxaan labadan tusaale ee Maxjarka iyo dugsiga xanaanada xoolaha ee
Sheekh u soo qaatay, waxaan doonayaa inaan iftiimiyo inaan shacbiga
jahawareer lagu ridin, beena laga sheegin ama loo sheegin dadka,
doorashooyinkana si xalaal ah loo galo waayo umadani iyadaa tashatay,
talladeedana mid jooga iyo mid soo socdaa toona
Ibraahim Ducaale Saleebaan (Tallaabo)
|