Chief Of Cabinet-Ku Waa Masuul Qaran Ee Xag -Xagashada Ha Laga Daayo
 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud {Siillaanyo}wuxuu bishii July Chief of cabinet-ka madatooyada u magcaabay Md. Xirsi Cali X. Xasan, ujeedda loo magcaabay xirsi ayaa ahayd in uu maamulo hawlaha ka soconaya madaxtooyada mar haddii aanu jirin wasiir m adaxtooyo iyo agaasime guud oo madaxtooyo midna.

Waxayna ahayd magcaabista xirsi mid uu madaxweynuhu awood sharci u lahaa in uu xilkan u  m agcaabo, sidoo kalena guddidii ka soo talo bixisay qaab-dhismeedka xukuumadda ayaa soo  jee disey in madaxweynuhu magcaabo Chief of cabinet ay madaxtooyadu yeelatay.

Hadaba tan iyo markii la magcaabay Md. Xirsi Cali X. Xasan, waxaa si khaldan wax uga qorayey dad cunsuriyiin ah oo Md. Xirsi ku diidan reernimo, aqoontiisa, firfircoonidiisa, waayo-aragnima ddiisa, hufnaantiisa iyo dadnimadiisa, dadka noocaas ah ayaa warbaahinta qaar ka mid ah in  b adan ku qorayey waxyaabo liita oo ay ka keentay aqoon darro.

Hadaba manta maqaalkaygan doono maayo in aan kaga jawaabo waxyaabihii hore, balse  waxa an maqaalkaygtan kaga jawaabayaa hadal shalay ka soo yeedhay laba mudane oo ka tirsan  b aarlamaanka Somaliland, kuwaasoo kala ahaa Md. Axmed Barkhad Obsiiye iyo Xildhibaan Gabile, kuwaasoo wargeyska Haatuf ku sheegay in Chief Of Cabinet-ku uu hayo shaqadii madaxweyne ku-xigeenka iyo in aanu Chief distoorka ku ool.

Runtii hadalka labada xildhibaan oo isku af ahaa ayaad waxaad moodaysey ama ay u hadleen sidii laba qof oo aan masuul ahayn sharcigana aan waxba ka garanayn.

Horta waxaan odhan lahaa labada xildhibaan fahma in madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland uu awood sharci u leeyahay in uu magcaabo masuuliyiin distoorka ku qoran iyo kuwo aan ku  qo rnayn labadaba, Md. Xirsina uu ka mid yahya masuuliyiinta uu madaxweynuhu magcaabay  awo odana uu u leeyahay magcaabistiisa, waxaana haboon in aad kala barataan masuuliyiinta  disto orka ku yaal ee madaxweynuhu magcaabi karo iyo kuwa aan ku ool ee uu madaxweynuhu  awo odda u leeyahay, sidoo kalena waxaa haboon in aad fahamtaan in awoodda madaxweyne ku-xigeenku ay ku taallo distoorka cid ka qaadi karta ama kala wareegi kartaa aanay jirin awoodd isa sharci.

Hadaba arrintan laba xildhibaan ayaa ah mid la iskaga hor keenayo masuuliyiinta xukuumadda ayna ku jirto qof necbayse.

Hadaba waxaan odhan lahaa labada xildhibaan ama aan u soo qaadanayaa maansaddii Ina Mag an Gaabaw ee ahayd.

Mansaw aabay iyo waxaan magan ka soo gaadhay.

Rag waxaan ku maamuli aqaan kama ku maamuusi.

Maso in aannu nahay oo tolnimo meerto noo tahay.

Masalaha nimaan ii dhigayn midig masaaraayoo.

Ninka aniga iga maarmi kara uma muraadyeesho.



Ugu dambayntii waxaan odhan lahaa labada xildhibaan garta waajibaadkiina xildhibaanimo iyo masuuliyada idin saaraan indhuhuna aanay arag uun shaqsi la magcaabay, idinka oo u eegaya qabiil

Xirsi Cali X. Xasan, waa nin aqoonyahan oo uu qalma xilka loo magcaabay dalka iyo dadkuna w ay u baahan yihiin.

HA KARAAMO SEEGINA HABAAR LAYGU KARI WAAYE
 

 

 

 

C/laahi Axmed Caarshe
Hargeysa Somaliland
Tell: 4112109 or daauus70@hotmail.com