Chief Of Cabinet-ka Oo Eryay Shaqaale Madax
tooyada ka tirsan
 

Hargeysa (TNN)-Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaqadii ka eryay saddex muwaadin oo hawlo kala duwan ka hayay xarunta Madaxtooyada So maliland.

Saddexdan xubnood oo kala ah Yaasiin Nuur Mooge, oo ahaa agaasime ku xigeenka Xafiiska  A rkiifiyada Madaxtooyada, Axmed Cabdillaahi Maxamud oo ahaa xoghayaha wasiirka  madaxtoo yada iyo Xuseen Sheer, oo ahaa xoghayaha Golaha Wasiirada, waxa shalay xafiisyadooda loo dhigay qoraalo lagu amrayo in shaqadii laga joojiyay.


Sida ka muuqata qoraalka uu Xirsi Cali Xaaji Xasan, shaqada kaga joojiyay mid ka mid ah  sad dexda muwaadin, waxa uu u adeegsaday luuqad kakan, isagoo ujeedada qoraalka uu ku  soco dsiiyay ciwaan uga dhigay [ERIS] oo ah eray luuqad ahaan adag, marka loo eego nidaamka  m aamulka wanaagsan.


Waxa uu Chief of Cabinet-ka Madaxtooyadu ku wargeliyay in shaqadii lagala noqday. “Shaqadii aad u haysay madaxtooyada way kaala noqotay, waanad u madaxbanaantahay inaad shaqo kale raadsato.” ayuu Xirsi ku yidhi qoraalkiisa.


Dhinaca kale, sida ay Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, waxa uu gacan ka  h adal dhex maray Yaasiin Nuur Mooge oo ka mid ah saddexda nin ee shaqada laga joojiyay iyo Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada, kuwaas oo isku maandhaafay nidaamka shaqada looga  jo ojiyay, waxase markii dambe kala dhex galay laba nin oo goobtaas ku sugnaa. Yaasiin, ayaa la sheegay inuu dalbaday in haddii shaqada laga eryay la siiyo xuquuqdiisii, taas oo keentay in muran adagi dhex maro isaga iyo Xirsi. Qaar ka mid ah baraha Internetka Somaliland ayaa  qo ray in Xirsi Cali Xaaji Xasan, mindi yar oo la socota qalabka xafiisyada ula soo baxay Yaasiin Nuur Mooge, markii uu hadalku ka taagtaagmay, laakiin noomay suurtogelin inaanu Xirsi Cali Xaaji Xasan, dhinaciisa wax ka weydiino arrintan.


Ma jirto wax asbaab ah oo uu masuulkan madaxtooyada ka tirsani u adeegsaday shaqo ka  jo ojinta muwaadiniintan, lamana oga in arrintani salka ku hayso waxyaabo kale, maadaama oo aan si rasmi ah loo cadayn sababta ay saddexdan muwaadin shaqadooda ku waayeen.



Source: Geeska.net