C/hi Cukusow, Ummad aan is aqoon afka haysu gelin!!

Waxan kula talinayaa anigu kolleyba C/rashiid Maxamed Saciid oo ah OC-ga Shirkada Dahabshiil in aanu ka qayb gelin dhex-dhexaadinta Dahir Riyaale Kaahin iyo 2da gudoomiye ee Ahmed-siilaanyo iyo Faisal Cali waraabe. Waay?
Murti Carbeed baa tidhaahda "khayr cid samayn sharba kuuma yimaado e'

waxa meeshayaal waa waxaan qof xor ah oo daacad ahi qiyaasi karin oo qor-qori karin.
waxa meesha yaal dhac & dhiig dad mana aha wax C/rashiid Dahabshiil weligii ku fekerey
waxa meesha yaal siyaasad seeda go'an, sun iyo waabeeyona sambabada daloosheen
waxa meesha yaal boob iyo baahi, reer Dahabshiilna boobna Eebbaaba ka feydey oo ka fogeeyey, baahidana barqaday fuliyaanoo bogga u tiirshaan.
waxa meesha yaalla Cadaalad darro gaamurtey oo geeda goosatay, garawnshiiyona aqoon. Waxan uga dooray xubnaha kale qurbuhuu u badnaayoo waayo aragnimada ka muuqata shirkada Dahabshiil ee mudo kooban gaadhey ayuu dheeryahay .

Shirkada Dahabshiina halkaas waxay ku gaadhey Cadaalad, Nidaam & Naxariis, Habsami u socod, Hannaan wacan iyo Hawl karnimo.

Dahabshiil Waa shirkada keliya ee la odhan karo Somaliland sumcad iyo saadaal bay u samaysay, markaad soo gasho xafiisyadeeda 5 Gobol baan arkayoo baad moodaysaa Barclays Bank iyo xafiisyadii London inaad joogto.

Xagga Cadaalada waa shirkada keliya ee sanad walba sida la ogyahay Jaamacadaha wadanka ka qaadata tiro siman wiilal/gabdho oo qalin jebisey oo shaqaalaysa iyadoon qudh iyo qabiil ku qiyaas qaadan. Dahabshiil bilic iyo baaxad bay ka muujisay magaalooyinka Somaliland oo dhan.

Dahabshiil waxaan ka aaminsanahay waaxaa aad heshid wuxu ka jecel-yahay waxaa hore u-mari oo heer caalami ah gaadhsii.

Hadaan usoo noqdo dulucda qormada, waxan soo jeedin lahaa A/rashiid wuxuu kaga wanaagsanyahay 101 xubnood ee lagu dhextuuray iyadoo aynu is-weydiino C/lahi Cukusow saaxiib sidan soo socota.

Xeer-beegti 101 xubnood ah oo loogu horaysiiyey C/Rashiid Maxamed Saciid (Dahabshiil) ood naawilayso intay Riyaale hor fadhiistaan oy gar u sheegaan buu ka gurayaa. !!! Waa hal bacaad lagu lisay,waa laf iyo Toobin, waa hee arrin ma dhaleys ah. Islaan baa lagu yidhi Nebiga kusalli CSW, markaasay tidhi " WAAR MAANDHOW UMMAD AAN IS AQOON AFKA HAYSU GELIN" waar Riyaale iyo Rag magac leh oo aanu maqlayn madaxa haysu gelin.

Aan usoo noqdo tayda, waxan soo jeedin lahaa hadii laga deenwaayey calmashada C/rashiid Dahabshiil, wuxuu kaga manfac iyo milga roonyahay 101 xubnood ee lagu dhextuuray iyadoo aynu is-weydiino C/lahi Cukusow saaxiib, Dalkaba ma' u dhiibanaa in mudo ah? Dadkuba ha qadeeyee. Waxa u soo baxa haw tashiilee. Dhexdaas aan an u dhiibano 100 xubnoodna dhoorkaa hakala socdaan intaynu meel dhigayno.
 

 


Ammaano Alla,
Ahmed Yussuf Dualeh