Cawil Oo Ka
Hadlay Eedaha Uu Gudomiye-xigeenka KULMIYE U Jeediyay Madaxweyne
Siilaanyo Iyo Aragtidiisa Magacabista Daakhiliga Ee Wasiir Duur
Hargeysa (TNN)-Wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii UDUB Md. Xuseen
Cali Ducaale (Cawil), ayaa ka hadlay eeddo kala duwan oo uu
guddoomiye xigeenka KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir u jeediyay
Madaxweyne Siilaanyo.
Md. Cawil, wuxuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ay isku reer hoose ka
soo jeedaan ku tilmaamay inaanay isaga iyo dhawr nin oo kale oo isku
beel ahiba xisbiga KULMIYE ugu jirin mabda’ ahaan balse ay ugu
jireen nacayb uu sheegay inay isaga u qabaan. Waxaanu hadalada
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ku tilmaamay kuwo aan laga filayn nin
siyaasiya, isagoo sheegay inaanay weedhihii uu ku hadlay oo adkaa
wax dareen ah ka dhex abuuri doonin Beesha Muuse Carre ee ay ka soo
wada jeedaan. Cawil oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska
Geeska Afrikaisagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, waxa
kale oo uu ka hadlay sida uu u arko magacaabista uu Madaxweyne
Siilaanyo u xushay Maxamed Caraale Nuur (Duur) inuu noqdo Wasiirka
daakhiliga. Waraysigii uu Geeska Afrikala yeeshay Md. Cawil, wuxuu u
dhacay sidan:
Guddoomiye-xigeenka KULMIYE, wuxuu si ba’an u
weeraray Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumad iisa. Dhinac wuxuu
kaga hadlay in masuuliyiintii sar sare ee Beesha aad ka soo wada
jeedaan ee Muse Carre xukuumadda laga
sifeeyay, dhinacna wuxuu naqdiyay xukuumadda oo uu ku tilmaam ay mid
is wada haysata. Sideed arrimahaas u aragtaa?
Horta dhawrkan shaqsi ee uu magacaabay ee beesha ka soo jeeda [Sudani,
Gabose, Cadaani iyo Isaga oo ah Cabdiraxmaan Cabdiqadir]
mabda’ ahaan umay galin xisbiga Kulmiye,
waxayse u gal een colaad iyo xintan ay
Cawil u qabeen, waxa la yaab leh
waxa ay hadda u qaylinayaan oo ay u dhabar adaygi waayeen ileen
ninkii ay necbaayeen meeshii kaba bxaye, sababta ay u dhabar adaygi
waayeen ee ay u qaylinayaan ayaan la yaabanahay, beesha [Muse Carre]
uu u hadlayay waa beel taariikh ku leh Somaliland, afar iyo shan
shaqaale ah oo la’erayay wax saamayn ah ha bayaraate ay ku yeelan
doonto beesha gudaheeda ma jirto, shaqaale badan ayay dawlada Kulm
iye eriday, shaqsiyan beesha gudaheeda wax dareena oo ay arintaasi
yeelanaysaa ma jiro oo anigaa taa kuu huba. Dee wasiir way lahayd
beeshu shalayto, halkii aan joogayna waxa loogu bedelay wasiirkii
daakhiliga oo ka culus maaliyada oo nabadgalyada iyo umada oo dhan
gacanta ku haysay, isagaa is casilay oo ka tagay meesha, Beesha inay
la tashadaan bay’ ahayd oo ay yidhaahdaan jagadii waanu dhiibaynaaye
maxaanu yeelnaa. Laakiin taasi waxay ku tusaysaa qodabka ay isku
hayeenba waxa uu ahaa sidaa aan kuu sheegayo, xintankaa iyo
nacaybkaa ay aniga ii qabeen, xisbiga hadaanad xisbi ahaan ugu jirin
oo aanad mabda ahaa u aaminsanayan oo aanad ugu jirin wax nuxura oo
cusub oo ka soo baxayaa ma jiraan, markaa xaqiiqda aan kuu sheegayaa
sidaa weeyaan.
Markaas hadalkaas Guddoomiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir maxaa kaaga
baxay?
Anigu waan saluugay sida uu u hadlay oo nin la leeyahay waa siyaasi
oo bisili si uu u hadali lahaa umuu hadlin, beeshayadan xaqiiqdii
meel ayuu kaga dhacay oo sumcadoodii ayuu dhaawacay oo meelo badan
oo dunida ah ayaa laygala soo hadlay iyadoo laga cadhaysan yahay
hadaladiisii. Ninka siyaasiga ahina sidaas uma hadalo, siyaasadu
waxa weeyaan(In politics there are many unsaid wards) oo noqonaysa
siyaasadda hadalo badan oo aan la odhan baa jira. Markaas waxaan
qabaa hadaladiisii in aanay hadalo aad u fiican ahayn .
Dhawaan wuxuu Madaxweynuhu wasiirka daakhiliga u magacaabay
Xildhibaan Duur oo ka soo jeeday xisbiga UDUB. Sidee ayaad taas u
aragtaa?
Xildhinbaan Duur waxa uu ahaa xildhibaan UDUB ah markii danbana
Kulmiye ku biiray madaxda guddii dhaqaalaha ee golaha wakiilada ee
dhawrka sannadood aanu wada shaqaynaynay ayuu ahaa, waxaanan anigu
qabaa waa nin hawshaa ka soo baxi kara oo khibradeeda yeelan kara oo
waliba nin dedaal badan oo maskax fiican baan urkayay mudadii aan
shaqaynaynay.
Eryidda shaqaalaha ee uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir taabtay, dad kale
oo badan ayaa la qaba. Maxaad ka odhan lahayd iyada maxaadse
Madaxweynaha kula talin lahayd?
Horta shaqaalaha Beelo badan ayaa shaqaalahii laga eryay, waxaan
anigu qabaa anagu dawlad baan ahaynoo waxaan iska ilaalin jirnay wax
alaale iyo wixii beel dareen galinaya, waxa dhacday in beel ka mid
ah beeluhu mar ay ugu badnayd agaasimyaasha guud oo ay ilaa dhawr
iyo toban agaasime guud lahaayeen, markaan dawlad ahaan shirnay
waxaanu nidhi miyaa nin looga qaadi karaa qabiil oo la odhan karaa
adiga waa lagaa qaadoo beeshaas ayaad tahoo waad ku badantahiin
meesha, waa nin muwaadani waa shaqaale dawladeed, siyaasi maaha,
hadday u bateen dee adduunkoo dhan dawlada raguun baa badan kara.
Waxaan markaa anigu qabaa in madaxwaynuhu bal arinta dib ugu noqdo
oo hadday jiraan shaqaale beel ahaan loo eryay wax ka qabto, anigu
jago aan magacaabo tii iigu cuslayd waxa ay ahayd xisaabiye guud, ku
xigeen ayuu u ahaa ninkii la odhan jiray Maxamuud Dhagaxtuur, markii
Maxamuud Dhagaxtuur laga wareejiyay xisaabiyahii guud waxaan u
yeedhay aniga iyo gudoomiyaha baanku Cabdiraxmaan Ducaale ninka la
yidhahdo Daahir Salaan, waanad waydiin kartaa waliba labadoodaba,
Daahir Salaan ayaan ka codsaday inuu jagadii qabto, Daahir Salaan
waa uu diiday oo waxa uu yidhi horaan u qabtay oo waa ay buuq
badantahay, ee waxaan kaa codsanayaa in aad iga dayso, markaa ninkan
Beesha ka soo jeeday ee ku xigeenka u ahaa Dhaxtuur ku meel gaadh
ayaan meesha u geeyay, maan soo qaadi jiran beel iyo siyaasad toona,
waan iska dhawri jiray oo maan aqoon xataa wasaaradayda shaqaalaha
ila shaqeeyaa beelaha ay yihiin walaahi baanan aqoonin, waayo
shaqaale dawladeed waa shaqale dawladeed, umadaanuu u shaqeeyaa,
adiga kuuma shaqeeyo, shaqaana isu kiin keentay intaas uun si fiican
u wada shaqeeya mooyee, lakiin beeshiisa iyo yuu yahay iskuma
mashquulin jirin. Markaas Madaxweynaha Waxaan odhan lahaa bal inuu
hoos u eego arintaas hadday jirto, waayo waxa igu maqaale ah beelo
badan ayuun baa shaqaale uun laga eryay, Cabdiraxmaan inuu u hadlay
aayd shaqaalihii la eryay oo dhan may ahayn inuu beesha soo qaado.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sannad iyo dhawr bilood ayay jirtay.
Maxaad ku qiimayn kartaa?
Anigu berigii hore waanigii idhi dawladi waxa ay ku sharaf
badantahay in laba sanno la siiyo sanad waa sanadkaa ay iyadu is
baranayso marka hore ee madaxwaynuhu uu wasiiradiisa kala baranaayo
waxa ay kala yihiin,shaqaalaha ay agasimyaasha guud baranayaan,
shaqaalaha hoose ay baranayaan sanadkaas waa sanadka tababarka ee ay
iyagu isbaranayaan horta.
Saandka labaad weeye sanadka wax qabadkooda la’eegayo, markaa waxan
qabaa oo aan horena u sheegay maalintii uu dawlada magacaabay
labadaa sano dawlada hala siiyo, labadaa sano ka bacdi aynu qiimayno,
qiimaynteeda mar walba wixii soo kordha iyo wixii ka dhacaba waan
qoraa anigu, dawlad laguma deg dego laba sano wax ka yarna laguma
qiimayn karo, berigii ay wasiiradu shireen iyagoon bil joogin
wanigii idhi masraxiyad ayay samaynayaan , waayo laba bilood ama
saddex bilood ayay joogeene maxay inoo sheegi karaan. Markaas waxaan
qabaa in laba sannadood la siiyo xukuumadda si markaas loo qiimeeyo.
Source:Geeska.net
|