Cawil Ducaale: Waxaan Dalka U Joogaa Intaan Noolahay Inuusan
Siilaanyo Madaxweyne Ka Noqon Somaliland!

Cinkawaanka xagga sare ku qoran
wuxuu ka midyahay hadalladii naxliga ahaa ee qabyaaladay snaa
ee ummadda lagu kala faqooqi jiray ee uu ku hadaaqi jiray Wasiirkii
Maaliyadda ee xukuu maddii dhacday ee
Udubtu horboodi jirtay ,waxaana la yidhi afkaaga oo ku xidhay
oo ku furi wa ayay waa Alle kaa goo, waxay kaloo Soomaalidu
tidhaahdaa afxumo nabadna way kaa ka xay saa colaadna wax
kaagama tarto, ee Cawil Ducaale miyuu ku guulaystay mise waa uu ku
guul dar aystay hadalkii ahaa “waxaan
dalka u imid inuusan Siilaanyo madaxweyne ka noqon Somali land oo
ragbaa igu ballamiyey”.
Waxaa kaloo
Cawil Ducaale laga hayaa hadalkan kale ee deelqaafka ah oo
aan looga baahnayn nin siyaasiya inay afkiisa ka soo baxdo wuxuuna
yidhi “ Kuwan lala ma murmo
lalamana doodo dhagahana waa laga furaystaa talada dalkana waa laga
ilaaliyaa oo markay u soo dhawaadaa nba si dhibyar baa looga hoos
qaadaa” waxaana benisay go’aankii sh acab weynuhu codkooda ku
siiyeen Md. Axmed Siilaanyo.
Akhristow hadalladii deelqaafka ahaa ee wasiirkii horee maaliyaddu
ku hadli jiray ,waxay noqd een hal-bacaad lagu lisay iyo riyo ku
beenooday oo ka dhigay ri’ isfaanisay aanse tabarteeda lahayn ,wuxuuna
ahaa nin ka shaqeeya burburinta midnimada iyo nabad kuwada
noolaanshaha beelaha Somaliland wada daga. Nasiib daradii haysatay
dawladdii Madaxweyne Daahir Rayaale waxay ahayd iyadoo aan aqoon
mugleh u lahayn rag badan oo ka mid ahaa kuwii ka ag-dhawa an jiray
madaxtooyada, sababayna inay Udub
burburto dalkiina la dayacay oo la iska halmaama y waajibaadkii
qaranka ka saarnaa iyo dardar galinta hawlaha dawladda ee loo
igmaday.
Waxaa la yidhi ayax tag eelna reeb ,taas waxaa la mida inay Udub tagtay laakiin ay eel badan
reebtay hana beensanina inay wali Udub dalka qas iyo iska horkeen ka
wado iyadoo soo gasha tay shaadhkii awalba lagu yaqaanay ee Qabyaaladda. Waxaa ka mida shaadhka ay
immika soo xidheen inay suuqa la meereysanayaan dawladda cusubi
waxay wadaa waa aargoosi, maxaa annaga kaliya naloo baarayaa oo
hanti-dhawrkii qaranka na tusay sawtii xoolaha ummada la w ada
boobayay. Hadalladaasi waa kuwo ay ku beer laxawsanayaan dadkii ay
dayaceen oo ay lun sadeen xoolahoodii. Waxaad eegtaan gobollada
bariga Somaliland siiba qaybta Cawil
reerkoodu ka dagaan waa meelaha ugu hormar liita dalkoo dhan ee ma
maantuu tol yeeshay. Kuwa u cala acalaya Cawil
Ducaale ha ogaadeen inuu Muuse Carre ka xaaraantinimeeyey
xuquuqdoodii oo aysan xubin qudha ku lahayn baarlamaanka iyo golaha
guurtida isagaana u sababa guuldarada siyaasadeed ee beeshiisa ku
habsatay ee HY dib isugu noqda intaad looma ooyaanka u ooyays aan!!!
Hanti-dhawrku ninna duulimaad kuma ahan dawladduna wax aargoosi la
yidhaahdo mataqaan siyaasddeedana kuma jirto inay daba gal ku
sameyso wixii foosha xumaa ee reer Udub dalka ka sameyn jireen ee
waxay doonaysaa inay wax saxdo oo xoolihii ummadda laga lunsaday ay
hubs ato meesha ay galeen iyo cidda mas’uuliyadeeda iskaleh waana
mid ka go’an hanti-dhawrka qa ranku inuusan joojin doonin
baadhitaanka madaxa bannaan ee ay wadaan dadkana waxaan u sheegaynaa
inaan cid gaara loola jeedin ee ay wada saamayn doonto
mas’uuliyiintii lagu tuhun sanaa inay lunsadeen hantidii qaranka ee
yaan shaydaan harag idiin lulin kana digtoonaada er ayda qallafsan
ee ay isticmaalayaan kuwii xoolihii ummada dhacay waanad arkayseen
waraaq dii uu soo qoray Cawil Ducaale
isagoo madaxweyne Siilaanyo ka codsay inuu joojiyo qubuuraha la soo
fagayo taaso haddii la sii wado fagitaanka cidda ugu horreysa ee
ceebtiisu dibadda u s oo baxaysaa ay noqondoonto kuwa durba
madaxweyne Siilaanyo lugaha iyo gondaha qabsad ay oo leh
yaan nala qaawin.
Waxaa la yidhi inkastow durdur iyo dabaal-galo doofaar waligi ma
daahirmo ee madaxweyne ha u joojin nimaan dahirmayn hana aaminin
waraaqda uu kuu soo daraaf gareeyey ee ogow waa been abuurkii Udub.
Waxaad kalood ogaataa madaxweyne in maanta dhacdooyinka iyo oday dh
aqmeedyada soo dabo dhisanaya ay la soo shireen
Udubtii duntay oo shaqadeedii noqotay
sidii ay u curyaamin lahayd dawladda cusub.
Madaxweyne waxaad ka qaadaa tillaabo millatari cid k astoo isku
dayda inay majaro habaabiyaan himilooyinkii laguu soo doortay iyo
midnimada Soma liland. Gacmo bira ku qabo oday-dhaqmeedyada aan
garanayn waajibaadka ka saaran nabad g alayda iyo walaalaynta
beelaha Somaliland waana kuwo markay waayeen
malabsigii xaaraanta ahaa ee Daahir
Rayaale baray ,caradii kugula soo dhacay ee u danee
dadweynihii ku soo doort ay hantidoona u ilaali oo yaysan ku
bixin meelaysan ku habboonayn.
Gabagabadii waxaan leeyahay maanta Somaliland way ka gudubtay inuu
oday jaahilihi u hanja bo dawladdii shacabku soo doortay markaa si
loo helo kala danbayntii iyo nidaamkii dawladnimo ood xilligii
ololaha aad madaxweyne ballanqaaday waa in oday-dhaqmeeyadu ku
ekaadaan xay ndaabkooda odaynimo oo aan marnaba fursad loo
siin inay dawladda ku dirqiyaan waxay doona yaan iyo ninkan baan
wadanaaye madaxweyne noo meelee. Madaxweyne nin siyaasiya oo
aqo onyahana oo khibrad dheer u leh hoggaaminta (leadership) ayaad
tahay ee yaysan koofiyad-bacadlayaasha la soo Udubeeyey jar kaa
tuurin ee ku qadee intaysan kugu cashaynin!!!
Wa Billaahi Tawfiiq
Qalinkii:
Shueib A. Yusuf
Abu
Dhabi/UAE
gabose55@hotmail.com |
|