Caways
loogu Magacdaray u Hiilinta Afka hooyo oo Xalay lagu Qabtay
Magaalada Hargeisa:-
Caways xiiso badan oo loogu magac daray U hiilinta Afka hooyo ayaa
xalay lagu qabtay Hotel Emperial ee magaalada Hargeisa, Xafladaasi
oo ay soo Qaban qaabiyeen Naadiga Akhriska hargeisa, Waxaa
Daadihinayay Qoraaga Caanka ah ee C/raxmaan C/laahi (Ina Guri
Barwaaqo).
Munaasibadaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka
soo qayb galay Masuuliyiin ka kala socota Jaamacada Hargeysa,
Qorayaasha Caanka ah ee reer Somaliland oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan
Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Xasan Cabdi Madar, Abwaan Yuusuf Cismaan
Cabdille (Shaacir) iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Barnaamijkaasi oo loogu magac daray Habeenka Aqoon-yahanka iyo
Naadiga Akhriska ee Hargeisa Waxaa uu ka mid ahaa barnaamijyada ugu
Xiisaha badan ee soo mara magaalada Hargaysa baryahaa iyo baryahaa,
Barnaamijkaasi oo ku saabsanaa isla markaana loogu talo galay sidii
aan horaba u sheegnay in loogu hiiliyo afkeena hooyo(Af
soomaaliga),oo dhamaanba ay aqoonyahanadii iyo abwaanadii halkaa ka
qayb galay ay isku raaceen inuu ku dhaw yahay dhimasho Af Soomaaligu
sida afafkii hore ee dabar-go’ay oo bari dhaw la waayi doono hadii
aan la helin Dawlada Adag oo illaalisa.
Madashaasi oo xiiso gaar ah lahayd waxaa ugu horayn hadal kooban ka
jeediyay isu-duwaha NaadigaAkhriska Hargeisa Maxamed Dahir, waxaanu
aad ugu mahadnaqay dadwaynihii ka soo qayb galay madashaasi iyo sida
ay usoo ajiibeen ka soo qaybkeeda,
Maxamed daahir waxa uu Xusay in Dadwaynuhu ka dharagsanyihiin
Asaaska naadiga iyo waxyaabaha uu ka shaqeeyo balse waxaa uu si qoto
dheer ugu hadlay Sidii dhalin yarada wakhtigani ugu Hamiyi lahaayeen
inay Badalaan jiilka ka horeeyay oo iyagu wakhtigoodii u huray
Horumarinta Bulshada.waxaana uu ku booriyay Dadaalka iyo karti in
looga baahanyahay Dhalinyaradda sanadkan Cusub kaalin wax ku ool
ahna ka qaadano.
Waxaa isaguna Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay Qoraaga Caanka ah
ee Xasan Cabdi Madar waxaanu uga Mahad Naqay Qoraagu sida Fiican ee
Dharka somalida ugu labisanyahay iyo sida uu ugu heelanyahay
illaalinta iyo kor uqaadida Afka Somaliga.
Xasan Cabdi Madar Waxaa uu si gaar ah ugu Nuuxnuuxsada Kaalinta ay
Buugta Qoraagu kaga jiraan Bulshada iyo u hiilinta Afka hooyo waxaa
Tusaale usoo Qaatay oo uu tilmaamay in Dadku ay waydiiyaan Magac ay
Caruurtooda u bixiyaan. Waxaanu kor u taagay Buug uu qoray Guri
Barwaaqo oo magaciisu yahay (Magac Bilaash uma Baxo) kaasi oo uu
tilmaamay inuu ka helo Magac kasta oo loo bixinayo Caruurta
somaliyeed
Boobe Yuusuf Dacaale oo isagu hadal kooban halkaasi ka jeediyay
isaga oo ugu Mahad naqay Naadiga akhriska Hargeisa Buugaagta Bil
walba ay u soo bandhigaan bulshada Waxaa uu tilmaamay in ay laba
arimood ugu Naxdin badan yihiin marka uu arko kuwaasi oo kala ah,
Baabuurta Dhuxusha magaalada Dhex deeda sida ee soo jarta dhirta oo
qoyan, iyo Magacyada Meheradaha oo qof waliba ula boxo Magaca uu
doono kuwaasi oo u badan Magacyo Qalaad.Waxaana uu Dusha ka saaray
Masuuliyada Arintaasi Dawlada hoose oo aan Xil iska saarin.
Boobe waxaa uu aad ugu Dheeraada Qaladaadka Saxaadu ka samayso
Qoraalka Afsomaliga isaga oo Xusay inaan Xil wayn la iska saarin
Sixitaanka Afka hooyo,Boobe waxaa uu sheegay in ay tahay markii ugu
horaysay ee uu Arko Qoraa C/laahi Guri barwaaqo oo in badan ku
maqnaa wadamada Qurbaha.
Intaa ka dib waxa Hadalka la wareegay Qoraaga C/raxmaan C/laahi
Faarax( Ina Guri Barwaaqo) oo ahaa Shaqsiga Xallay Martida loo ahaa.
Waxaa uu si Qoto dheer u gudo galay Mawduuc Balaadhan oo ugu Talo
galay in uu ku dhiiri galiyo Dhalinyarada Reer Somaliland ee Xalay
Madashaasi isugu timi. Waxaa uu Sheegay in Hargeisa oo ahayd Hoygii
Fanka iyo Suugaanta la Dhaxal wareejiyay oo ay Noqotay Hoygii
Aqoonta.
Waxaa uu ku dheeraaday oo uu sharaxaad ka bixiyay Ereyga AF: oo uu
tilmaamay Baaq Codeed oo u jeedo Qeexan leh, waxaa uu tilmaamay in
Af-ku dadka gaar u yahay, kana mid yahay Nimcooyinka illaahay ku
manaystay Noolaha, waxaa uu xusay in noolaha kale ay hadlaan balse
aanay isku af garan, Waxa kale oo uu sheegay Carabka oo ah saldhiga
dhawaaqa hadalka oo inta xaraf ee aad ku hadlayso carabka ayaa
suurtagelinaya in dhawaaqoodu soo baxo.Waxa uu aad u sharxay Ereyada
Somaliga iyo kala duwanaanshahadooda. Waxa uu si kooban uga waramay
Af ka Somaliga iyo Ilbaxnimadeena.Waxa uu Ereyada Afsomaliga u kala
Qaybiyay laba Qaybood oo kala ah,Eray dhaqameedyo iyo erey Saleedyo.
Waxaa ka mid ahaa Hadaladiisii “ Qolo waliba ilbaxnimadeeda iyada
ayaa iska leh. Ilbaxnimadeeni Miyi ayay taalaa. Inta taalaana waa
inagu filan tahay oo inaa le’eg tahay. Dhibaatadu halka ay inaga
haysaana waa ilbaxnimada wadamada galbeedka iyo Carabta” ayuu yidhi
Qoraagu.
Ina Guri barwaaqo Waxa uu Si faahfaasan usharay Daawooyinka iyo
Cudurada aynu iska Dawayn jiray wakhtiyadii hore isaga oo Arintaa ka
hadlayana Waxa uu yidhi
“Daawada iyo Cudurada aynu iska dawayn jirnay. Dadkeenu waxa ay
yaqaaneen Cudurada la iska dhaxlo o imika lagu barto Jaamacada
Caalamka (Cudurada la iska dhaxlo). Dadkeenuna ay yaqaaneen cudurada
ili ma qabatayga ah ee ay ka mid yihin indho Xanuunka. Sida Cuntada
loo kaydsado.Hilibkeenu waa inagu filnaa, Hadhuudhka waa la qaadan
jiray cuntadiisa ka sokaw Waa lagu safri jiray. Xanjada waan lahaan
jirnay oo laga samayn jiray dhir ay ka mid ahaayeen Xangeeyada,
Gacayrada, kidiga Xabagtiisa, Dhiig joojinta dhirta ayaynu ka
samaysan jirnay (Homor, shan bogsiiye) ”.
Waxa uu aad ugu dheeraaday ereyada Afafka Qalaad ee aynu Adeegsano
iyada oo si cad aynu ubaal marno kuwii afsomaligu lahaa oo uu
tusaale usoo qaatay
Hadhimo: Qado
Casho: Xiraad
Suxuur: Hiraab
Qoraagu waxa kale oo uu tilmaamay in Afkeen ka wanaagsanyahay Afafka
Qalaad qaar badan oo ka mid oo uu tusaaleyaal badan usoo qaatay
waxaa kale oo uu ka waramay in Afku isaga qoran hadan dhinto, mar uu
ka hadlayay siyaabaha Afku u dhiman karo waxa uu yidhi
“Afafku iyada oo la qoray ayay hadana dhintaan, sida faraaciinta iyo
sumayrintaba qoraarlkoodii waa la hayaa waanay dhinteen, haday
ereyadu dhintaan oo aad halkoodii mid kale galiso waa dhimanayaa.
Hadii afafku ay walaalo yihiin dhibi ma jirt. Laakiin, ereyada oo
dhalan rog lagu sameeyo. Ilbaxnimooyinka oo la isk a moosi waayo.
Dadka lehi hadii ay wax u arki waayaan in afkoodu qiimo leeyahay.
Maamul jira hadii uu dar yeeli waayo. Dadka oo bara kaca kuna biira
qowmiyad kale,Badbaadadiisuna waxay noqonaysaa intaa caksigeed oo la
sameeyo”
Waxa uu si baaxad leh u sharxay Magacyada Somalidu ay la baxaan iyo
siyaabaha loogu bixiyo iyo sidoo kale,oo uu shegay in Wargeysyada
Somaliga wax ku qora in ay sameyaan Khaladaad tiro badan. Waxaanu
halkaasi ka sheegay war si khaldan ay u daabacday shabakada wararka
ee Hadhwanaagnews. Isaga oo tilmaamay in arintaasi ay salka ku hays.
“ laba wiil oo lagu wareeray DaLalka Baakistaan” halka ay ahayd inay
ka qoraan laba wiil oo lagu weeraray dalka baakistaan, waxaa kale oo
uu soo qaato war kale oo khaladaad badan lahaa oo Shabakadaasi
Hadhwanaag daabacday. Waxaa uu Tusaale kale u soo qaatay
Degelka Blog.com: Guriga Madaxwaynihii hore ee Somaliya Cabdi Qaasim
ayaa Maanta Fadhato ku sameeyay Ciidamada somaliyaaed” “ Xaalada
Magaalada Muqdisho oo Maanta Dagan markii ay maanta Dagaalo ka
dhaceen” “Inan yar oo la yidhaahdo twinkle oo marka ay indhaha dhig
ka daynayso “
Waxaa uu iyana meesha ka xusay Khaladaad ay sameeyeen Websityada
BBC-da iyo Ramaas News oo lagu daabacay,
Waxa uu si wayn u canaantay Nin qoray buug uu ku soo qaatay qaar ka
mid ah ereyada aalada Kombuyuutarka. Waxa u halkaasi ka sheegay in
todobada xaraf ee libin laabma uu ninkaasi ku daray todoba kale.
Waxaanu soo jeediyay In lagu daayo kaliya intii Guddida Af Somaligu
ay barigaa sameeyeen.
Ugu Danbayntii waxa uu halkaasi ka tiriyay Maanso ku saabsan Dhibta
haysata luuqada Somaliga oo uu sameeyay, waxaana lagu soo gabo
gabeeyay Su,aalo la waydiiyay qoraaga oo dhamaantood si cilmiyaysan
uu uga jawaabay.
Guri Barwaaaqo waa aqoon yahan ku takhasusay Luuqado badan, waxna ku
soo bartay Jaamacada Kaamil town, dugsiga Faarax Omar, Sheekh
Bashir, Qurbaawi in badan Scuudi ku qoray. Qoray ilaa 8 Buug. Waxaa
hadda soo saaraa Majalada Hal Aqoon. Waxa ka mid ah buugaagta ugu
caansan ee uu Qoray, Magac Bilaash uma baxo. Hal Bixinta Ereyada
Kombuyuutarka, waxaanu kaga tagay dardaaran iyo guubaabo guud oo
loogu hiilinayo Afkeena hooyo ee somaliga.
Mustafe Abdikariin Ali
Timacadde News Desk
Hargeisa/somaliland
mccfuture@hotmail.com
|