Cashadii sedex turublayaasha ee huteelka Nomad
Hamud Duale

 


Caawa oo ah habeen Jimce ah oo kheyr leh, rammadaan oo 27 ah, habeenada ugu bilan ee ugu mudan bisha Rammadaan, laguna xantu leylatul qadriga , aniga iyo koox ay ka mid aha ayeen, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, marwadiisa Amina weris Jirde, wasiirka waxbarashada ee Somaliland Samsam Cabdi adan, waxaanu Huteelka Nomad ee ku yaal gal beedka London kula qaadanay, afur kheyr iyo ijaabo leh iyo casho sharaf sedexda siyaasi ee waaweyn, tirarka ay ku taagan tahay Somaliland, sabanka lagu jiro. Sedexdaas oo kala ah Maxamed Ibrahim qabo, Keyse Gurey iyo talaabo.


Marka shubaalayaasha tebinta, daadihinta warbaahinta dawladda laga tago, waxaa xaflad a aayada quraan ah ku furay sheekh dhallinyara, kadibna raaciyey wacdi iyo waana diiniy a, islamarkaana ku dardaarmay in lagu jiro habeenadii bilaa ee bisha Rammaadaan, kheyrk a ugu weynina ee ku jiro in la is wada cafiyo. Hadalka sheekha waa loo wada guuxa, waana lagu dhaqmay, marka laga reebo nin dantiisa gaabani wado.


Ducadaa sheekh ka dib waxaa hadalka badankiisii qaatay, sedex siyaasi ee saaxada KULMI YE ku cusub. Siyaasiyiinta sedex kaclaynaysa oo hadalka, waxay noogu sheekeeyeen, wax aan gobi ku haasaawin. Giir bay iska kiciyeen, aan loo fadhiyin. Waxay geleen weerar iyo difaac siyaasadeed oo ku kala waajahan dawlada iyo xusbiyada mucaaridka ah. Inkasta oo hadaladoodu burinayeen, kuwii hore looga bartay, ee la isku maandhaafay, haddana sacab ku taageeray. Inhasta oo dood laga celin karayey, haddana teeda sharaf iyo ayaamal kheyrka eegnay.


Waxse lagaga tegey oo lagu ilaabay, madaxweynaha oo hadal kooban oo aan turxaan lah ayn, isaga oo aan ku hawshoon, ku soo xidha Xafladdii., Islamarkaana hadalkiisii wuxuu ku soo gabeeyey ku Sheekhu ku furay ee ahaa cafis iyo musaamax. Dadweynihii hoos waxay iskugu sheegsheegeen, nin dantiisa gaabani wadaa dood ma uu gayo, waa sedx turublay aal, sharci ahaan dawlada waxay ka qoran yihiin denbiilayaal.
 


Hamud Duale