Carwo Cusub oo lagu soo Badhigay Somaliland oo ay leeyihiin Ganacsato Reer Yameni ah

 



Hargeysa (TNN)-Agaasimaha Guud ee Wasarada Ganacsiga iyo Warshadaha ee Somaliland Md. C/laahi Cabdi Axmed ayaa maanta Xadhiga ka jaray Carwo Cusub oo ay leeyihiin Ganacsato reer Yamani ah, Carwadan oo lagu soo badhigay Allaab Casri ah, oo ay soo saran warshadaha D alka Yeman, waana markii ugu horeysay ee Somaliland laga dhexe furro Carwo ay leedahay Dalka Yemani, Xafladan xadhiga laga jarayey Carwadan ayaa lagu qabtay Magalada Hargeysa Gaar ah aan Hotel Emperil. Waxa ay socon doonta muddo Sagaal Cisho ah.

Waxana ka soo qaybgalay Furitaankii Xafladaasi Masuuliyiin Badan oo ka tirsan Xukumada  Somali land iyo Masuuliyiin ka socoday Xafiiska Dalka yamani uu ku leeyahay Somaliland.

Ugu horeyan waxa halkaasi hadal ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasarada Ganacsiga iyo War shadaha ee Somaliland Md.C/laahi Cabdi Axmed waxanu sheegay Waxyaabaha Carwada Lagu s oo Bandhigayo oo ay ka mid yihiin Caana Maraaciga ,Saabuunta dharka ,Saabuunta jidhka , Busk ud abu waladka, Cadarada, iyo qalabyo kala duwan oo ah kuwa guryaha.iyo dhamaanba noocya da Sharaabka ee ka soo baxa dalka Yeman .

Agaasimuhu waxa uu sheegay in dhamaanba Allabaatani inooga yimaadaan cabitaanada Sharaa bka iyaga oo halkana kule WaKiilo u fadhiya Dalka Soomaaliland

Waxa kalo Carwada Lagu soo bandhigay Caagaga dharka Lagu maydho, Kuwa Biyaha Lagu  shub to ,Madeebadaha, Boolaka, Saysarada ,Koobaka Shaaha iyo Kuwa Biyaha iyo dhamaanba noocya daadeegyada ee kala duwan soo badhigida Carwadan waxaan Ka maqnayn Malabka ay soo saar aan warshadaha Dalka Yeman Malabkaasi oo laba nooc ah, noocyada ay isticmaalaan Dadka Mac aan qab iyo Nooca kale ee Caadiga ah oo Boqolkiiba Boqol Malab Saafiya ah ,warshadaha wax soo saara ee Dalka yaman

Waxa Isaguna halkaasi ka hadlay Wakiilka ka socoday Dalka Yeman waxanu sheegay in Somalilan d iyo Dalka Yemani uu u dhexeyay Xidhiidh Ganacsi oo aad u dheer oo muddo dheer labada dal isweydaarsan jireen Ganasigooda, waxa kale oo uu xusay in Somaliland ay ka sameeysan doonan meelo ay gacasigooda ku sii liibin laaban isaga oo xusay in Ganacasto badan oo reer Somaliland ahi ay ku xidhan yihiin Warshadaha Dalka Yeman.

 

Source:Waaheen