Carwaddii Qanacsi ee ugu weyd Somaliland oo furmeysa Sabtida iYO Gudida Qabanqaabadda Carwadani oo kahadley.
 

 



Hargeysa (TNN)-Gudida qabanqaabada bandhiga carwadda ganacsiga Somaliland ayaa sh eegay in ay si weyn ugu rajo weyn yihiin in carwadda ganacsiga Somaliland ay si toos ah u furmi doonto Maalinta Sabtidda ee todobaadka danbe oo ay bishu Tahay 17_12_2011.

Sidaas waxay ay ku sheegeen Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxana ay sheegeen in ay shirkan ka qaybi gali doonaan Afar Boq ol oo shirkadood kuwaas oo iskaga iman doona daafaha kalla duwan ee Caalamka.

Gudoomiyaha Carwadda Ganacsiga Somaliland Mudane Cali Maxamed Yuusuf oo ugu hore yn ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa sheegay in hawshii qabanqaabada bandhiga carwada ganacsi ay gabogabo u marayso shirkadihii ka qeyb qadanayay carwaduna ay dhamaan tood diyaargaroobeen .

“Carwadani waxa ay si toos ah uga furmi doontaa 17 Desmabr oo ku began maalinta Sab tidda ah, ee todobaadka soo socda, waxayna socon doontaa ilaa 21 December, waxayna noqonyasaa carawadii ugu horeysay ee nooceedda ah, ee baaxadaas le’eg ee Somaliland lagu qabto” ayuu yidhi Gudoomiyaha Carwadda Ganacsiga Somaliland.

Gudoomiyuhu waxa uu sharacaad dheer ka bixiyay faa’iidda ay lee dahay carwadani, wax ana uu sheegay in faa’iidda ku jirtaa ay tahay in dad badan oo aan shaqayn jirin ay u noq on doonto fursad shaqo, waxa kale oo uu intaas ku daray in fursadda ku jirtaa ay tahay in ay dhalinyaradda ka caawin doonto siddii ay shaqo u abuuran lahaayeen.


Siciid Jaamac Iyo Amal Mohamed Ismaciil oo kamid ah gudidda qabanqaabdda carwadani , a yaa sidoo kallle faahfaahin kabixiyey carwadani iyo muddada ay socodoonto iyo Shirka daha kasoo qaybgalaaya.


Si kastaba ha ahaatee carwadan ayaa maalinta sabtidda ah lagu soo bandhigi doonaa ca asimadda Somaliland ee Hargeysa, gaar ahaan Hotel Maansoor, waxana ay noqon doonta a carwaddii ugu baaxadda weynayd ee abid lagu soo bandhigo Gudaha dalka, waxana si weyn looga dareemayaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa diyaar garowga loogu jirro ka qayb galka carwadan.


Axmed Maxamed Shaqalle