Carwada 2-Aad Ee Ganacsiga Somaliland Oo Maanta Si Ras miya Loo
Furay Iyo Nidaam Qurxoon Oo Loo Diyaariyey

Xaflada furitaanka Carwadan oo ay ka soo abaabuleen AOA..............
Daawo Sawiradda
Hargeysa (TNN)- Carwada ganacsiga
Somaliland oo ay ganacsato kala duwan oo ka kala socota geeska
afrika ku soo bandhigaan ganacsigooda ayaa maanta si rasmiya looga
furay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Carwadan oo ah tii labaad ee dalka lagu qabto ayaa waxa soo
abaabulay dhalinyaro reer Somaliland ah, waxaana bandhiga carwadan
ku soo bandhigaya alaabahooda ganacsi badi ganacsatada waaweyn iyo
kuwa dhexe ee Somaliland, iyada oo ay sidoo kale ku jiraan ganacsato
ka socota dalka Jabuuti oo iyaguna ku soo bandhigaya alaabahooda
ganacsi.
Xaflada furitaanka Carwadan oo ay ka soo abaabuleen AOA ayaa waxa ka
soo qayb galay masuuliyiin badan oo ka socota xukuumadda Somaliland,
Masuuliyiinta shirkadaha ganacsi ee ganacsigooda ku soo bandhigayey
carwadan iyo marti sharaf kale, waxaana khudbado kala duwan oo
madashaasi laga soo jeediyey ay dhamaan masuuliyiintii khudbaha ka
soo jeediyey madashaasi ku dheeraadeen muhiimada ay leedahay
Carwadan ganacsi iyo dadka reer Somaliland meel kaliya ku soo
bandhigaan ganacsigooda.
Guddoomiyaha Guddida Qabanqaabada Carwadan Cali Maxamed Yuusuf oo
madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay furitaanka
carwada labaad ee ganacsiga Somaliland.
Masuuliyiin ka kala socotay shirkadaha Al-nuur, Dahabshiil, Telesom
iyo Toyota Maril oo halkaasi ka hadlay ayaa iyaguna dhamaantood
sheegay in ay soo dhaweynayaan carwada labaad ee ganacsiga
Somaliland, iyaga oo ku dheeraaday muhiimada ay ka ganacsato ahaan u
leedahay.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed oo isna
halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay bulshaweynta
Somaliland u leedahay Carwadan Ganacsi isaga oo sheegay in Carwadani
aanay ahayn carwadii labaad ee dalka lagu qabto balse carwooyin
badan oo kala duwan hore loo qabtay, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya
wasiirkuna waxa uu yidhi “Marka loo eego carwada noocan oo kale ah
ee ay dhalinyaradu soo abaabushay waa carwadii labaad, balse maaha
carwadii labaad ee ganacsi ee dalka lagu qabto waxaana la qabtay
carwooyin badan oo ganacsi, waxaanan soo dhaweynaynaa cid kasta oo
ganacsigeeda ku soo bandhiganaysa carwooyinkan oo kale anaga oo u
fududayn doona carwooyinka hawlaha ay ka dawlad ahaan nooga baahan
yihiin, mabnuucna maaha in shirkad kaliya ay kaligeed soo bandhigto
carwo noocan oo kale ah, balse cid kasta oo bulshada u soo
bandhigaysa ganacsigeeda waanu soo dhaweynaynaa”
Wasiirka Maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo ugu
dambayn halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada uu ganacsigu
leeyahay isaga oo sheegay in uu ganacsigu kaalin mug leh kaga jiro
dhaqaalaha soo gala dadyawga aduunka , waxaanu yidhi wasiirku isaga
oo arrimahaasi ka hadlaya “Caalamka waxa la yidhaahdaa waa 10% inta
qoysaska ka soo gasha dawladdo ama meelo kale, balse meelaha xorta
ah sida ganacsiga ayaa biilasha qoysaska aduunka ka ah 90%, markaa
waxaan idinku dhiirigelinayaa in aad ku dedaashaan sidii ganacsiga
loo horumarin lahaa oo imika markaad caalamka eegto waa wakhtigii
aaminaada iyo tiknoolajiyada oo fursado badan ayaa jira, markaa waa
inaynu cilmi ahaan kaga faa’iidaynaa sidii aynu ganacsigeena u
horumarin lahayn”
Wasiirka Maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo
ganacsatada ku dhiirigalinaya in ay cashuurta bixiyaan waxa uu yidhi
“Ganacsatada waxaan ku dhiirigalinayaa in ay cashuurta bixiyaan oo
waxaan halkan ka amaaanayaa in kasta oo aan dadka ku waaniyo in ay
iska daayaan bahalkaa qaadka la yidhaahdo qolada jaadlayda, waayo
waa qolada kaliya ee dhaqaalaha ka soo baxaa ee dhinaca cashuurtu uu
kor u kac sameeyey anaga oo aan intuu ahaa ka kordhin, waxaanan
ganacsatada ku waaninayaa in ay wax kasta oo ay la soo degayaan
ogolaadaan cashuurteeda oo aanay odhan iyaga oo Koombuyuutaro soo
dejinaya waa caano boodhe”.
Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland
|