CARTAN-REENKA
CABDIRASAAQ CATOOSH-III
“DUSHA MIDABKA SOOMAALIBAAD DUGULKA MOODAAYE
MISNA LAGUMA DIIRSANE QALBIGA WAA DIRKII KARALE’’-
Qaasim
Quruumihii hore waxay odhan jireen, “Magac
bilaash uma baxo!” Halkaa inagoo ka shidaal qaadan ayna,
aynu yara iftiimino in abaartu noocyo badantahay, kuna koobnayn tan
marka biyaha iyo baadku yaraadaan dadka iyo xooluhuba le’daan.
Aadamuhu markuu xagga caqiidada ka abaarsa do, Ilaahay wuxu ku
salidaa duulkii Nebi Muxamed, Sallaahu Calayhi wasalam, ku tilmaamay
sheyd aan geeso leh oo waa kuwa hadda koonfur maaruqaya ee ku
andacoonaya in ay Soomaali dib u musliminayaan, iyana waa abaar
diineed; dulmiga iyo xaq darrada markay ummad Islaam ku abtir
sataa daawatana waa abaar dadnimo, iyana waxay ka mid tahay
waxyaabaha koonfur ka aloos an oon hore Soomaali u soo marin.
Cabdirasaaq muddooyinkan dambe wuxuu aad u galaa bixinaa warbaahinta
gaar ahaan Idaacad da BBCda laanta
AfSoomaaliga. Odaygu wuxu liqi la’ayahay kana degi la’ in
adduunyaddii macaa nkeeda hore loogu mamay maanta mur iyo
deybaaq isu rogtay; hadday shalay malab ahayd saa ka waxay
dhandhamaysaa dacar qadhaadh. Taariikhdu waa keyd ma guurto ah oo
toos uga war amaya taxane la xidhiidhiidha dhacdooyinka ummad
kasta soo mara, ha noqdaan kuwa nololeed, siyaasadeed, dhaqaale,
bulsho. Taariikhduna sideedaba ma ah hanti gaar ah oo shakhsi ama
koo xo dano gaar lihi hadba sidii la qumanaata u fasiraan;
taariikhdu been ma sheegto mana bukooto, duqu budhka ha ka daayo.
Waxaan cidina u dulqaadanayn in maanta raggii Soomaalinimada godka
madow ku riday, hadana isla soo mutuxaan taariikh dhinac ka raran.
Duqa iyo inta fikradaha noo caas kula halmaasha waxan u
sheegeyaa in majaajilada wareejinayaan tahay mid aan cuntamayn oo
anshaxii iyo asluubtiiba ka arradan.
Qushi hadalka Ina Catoosh iyo kuwan
Idaacaddii B.B.C-da u bedelay Xisbigii
Dabka, midna soo no olaynmayso ta aynu ognay halkii iyo sidii loo
buddhigay. Siduu yidhi gabayaagi Carbeed: “ WA
ID AL-MANIYATU ANSHABAT ADFAARAHA/ ALFAITA KULLA TAMIIMATIN LA
TANFACU= MAR HADDII MOWDKU HOOMAAYO QARDHAASI MA BAAJISO.”
Labadii qeybood ee hore waxaynu kaga warranay majar habowgii ku
dhacay rajadii laga qabay in ay dhabowdo aragtidii ku wajahnayd
“Somalilweyn” iyo sidii loogu hungoobay. Halkii laga hawl
g elilahaa sidii seddexdii gobol ee maqnaa loo soo xero gelinlahaa,
ayaa aragtidii siyaasiyiintii koonf ureed ee taladii dalka ku
keliyeystay awoodoodii oo dhammi waxay ku koobantay kursi iyo
mans ab la kala riixdo iyo Beelo awood qeybsi ku hirdama oon
Soomaali midowdaa iyaga qorshahaba ugu may jirin.
Cabdirasaaqna wuxu kow ka ahaa ragii
soof daranhabaabshay midnimo Soomaaliyeeed oo lagu soo hirto,
labadii dal ee xoroobayna ee midoobi lahaana in ay kala dhaqaaqaan
isaga iyo intii xilka haysey todobadii sanno ee u horeeyey ayaa loo
geedsaaro oo dhibta Soomaali oo dhan maanta heysata cid kale lama
wadaagi karto oo sidaa ayaa taariikhda lagu duugi doona.
Dhaqan Soomaaligii hore ee miyiga ayaa waxa la odhan jirey: “WAA
CIYI WAA KA BERYEY!” Waa marka reer wada yaal qoys neef qasho
ee sidii caadada ahayd ciyigii jaarka xiligii laga filayey dib u
dhac ku yimaado. Markii bender iyo magaalo la degeyna hal hayskii
wuxu noqoday: “ SHAYGAASI WAA SAAMBUUSE LAGA
EEDAAMAY!” Sidoo kale Naxwaha Afka Carabiga ayaa waxa jira
ereyo xarafka u dambeeya sugidaa higgaadu, sida kor dhow [fatxa],
hoos dhow [kisra], godan [dumma], iyo korjoogsi [sukuun], ayey
qaacidadda u dejisan ka duwantahay. Waana kuwa Af-Carbeedka la yidha,
“ Munica min duhuurihaa al-thiqal ama “Munica min duhuurihaa al-tacadur”=
CULAYSIYO CUDUR-DAAR DARTOOD ayey u sugnaan waayeen. Waxa sidaa ka
dhigan ninkan raad goobaya MIDNIMO SOOMAALIYEED oon waxba hadda ka
duwanayn ciyigaa waagu ka beryey, saambuusahaa laga eedaamay, iyo
higgaadaa sugmi weydey.
Halkaa markaynu intaa ku dhaafno ayaa wxan dhegeystey
Prof. Axmed Ismaaciil
Samatar oo la wareystay oo leh
Somaliland waa dalkaygii hooyo waanan jecelahay oo haddiiba la iga
casuumo waan tegeyaa. Sheekadu
kasaa-kasaa iyo kibir hadal kay
doontaaba ha noqdee, muwaadin dalk iisu casumad u fidiyey
waxay ka tarjumaysaa heybadda, karaamada, sharafta, iyo qaderinta
sha khsigaa isaga ihi ummaddisa ka mudanyahay. Malaha
Axmed ereyga afkaa ka xadaye wuxu u
jee dey Somalia haddii kooxda wadaad
Shariif iga casumaan
waan tegidoona. Axmed iyo
Cabdi Ismaa ciil waa laba nin oo
maamulkii Cabdirasaaq-taarwale aad u
buun-buuniya, waana kuwa ku maam uusay ee huwiyey: “Taajka
kartida, hufnaanta, iyo maamul-wanaaga!!”
Prof. Axmed hadday
dhab ka tahay tegitaanka Somaliland
waxa jirtey maalin aanu casuumad u baahdeen oo maalintii uu
geeriyooday
abtigii
Maxamed Cabdillahi Kaahin “Xoogsade”
AHUN, iyo sidoo kale maalintay Xalimo
Cabdillaahi Kaahin AHUN oo Axmed
Hooyadiis ihi iyana
geeriyootay.
Hadduu maalintaa
Axmed uga baaqday
cidbaa kula garnaqsan, goob geeri la isugu yimid gar iyo wax la mid
ah laguma soo qaado oo dhaqankeena ayaan saamaxayn. Waxaynu
ogsoonahay in la bada Prof. Axmed iyo Cabdi
mudo shan iyo
Labaatan sannadood ah waxay hormood ka ahaayeen
halgan Somaliland iyo
dadkeeda ba lidi ku ah. Ma derbigii soomadaayey ayaa xaggiisa
dambe la s oo taabtay? Waa su’aale hawlihii noocaas ahaa hadda miyaa
laga seef dhigay? Mise midnimadii muqadaska ahayad ayaa tusbax go’ay
noqotay oo si kale ayaa loo tasbiixsan kariwaayey?” Iyaga oo og
intay jidgooyo goobkasta dhigeen, maxaa ku kalifay haddii casuumad
la ii fidiyo? Ma umma dda reer Somaliland aya labada Prof. ku
geftay oo casuumadu waa godob-reeb? Abtiyaal
horaa loo yidhi: “Ha
karaamo seegina habaar la igu kari waaye!!”
Gebi ahaan wadamadii Afrika ee xoroobay 1960kii ayaa waxa ku
habsatay nasiibdarradaa Qaasim tilmaamay oo laba qeybood ah:
Hadhaagii la soo shaqeeyey gumeysiga oo dhaqankiisii si fiican ugu
dheecaamay ayaa hoggaankii dal kastoo madaxbannaanaadayba gacanta ku
dhigay iyagoo markaa ahaa intii aqoon iyo waayo aragnimo la bidayey.
Halkii horumar iyo barwaaqo, caddaalad iyo sinaan, iyo maamul wanaag
laga sugayey, ayeyno aragnaa sida wadamadii Qaaradda Afrika
adduunyada inteedii kale uga gaabisay.
Maamuladii rayidka ahaa ee gobanimada hantiyey ayaa waxa aafeeyey
musuqmaasuq baahay oo dhaqaalihi ummadda wax loogu qaban lahaa ayaa
koox yari jeebadaha ku shubatay; caddaalad daro, eex, iyo
qaraabo-kiil, iyo qabyaaladdii oo wadaniyaddii bedeshey. Darxumada
labaad ee Af rika la kowsatay waxa ahayd in gobanimada wax yar
ka dib Askartii xeryihii wey ku ekaanweyd ay, ooda ayey soo
jebiyeen oo afgambi iyo xukun boob ku kacaan iyaga oo waayo aragnimo
siya asadeed iyo mid maamul toona lahayn. Askartiina taladoodii
waxay isugu soo aroortay in qorigi i ummadda lagu daafici lahaa in
xukunka lagu ilaashado; dhaqaalihii horumar lagu samayn lahaana in
saanad aan loo baahnayn lagu iibsado
Haddaynu Soomaaliyadii burburtay tusaalo usoo qaadano, waxa jirtay
in Gobolka Majeerteeniya dadka ka soo jeeda cashuuraha so dejinta
iyo dhoofintaba laga dhaafo iyadoo lagu sababeynayo in Gobolkaasi
mid aan dhaqaale lahayn. Sidoo kale markii gacan-ku-rimiskii
Embagathi la dhoob dh oobayey, ayaa koox Gobolkaas ka soo
jeedaa soo jeediyeen in Gobolada hodanka ihi dhaqaale celin siiyaan
Gobolada saboolka ah sida Majeerteeniya!! “Waxaad ku waaliftay oon
wad kaa helin ka waantoobay waa war loo noqon.” Ayaa hore loo yidhi.
Axmed Cali Ibrahim
Sabeyse
Scarborough,
ON. Canada
March 29TH,
2010 |
|