Culimada diinta sheegiyo
Nin caalinoo la yaqaaniba
Casharkayga maantiyo
Caqaartaa wuu ka gabyoo
Anna cawaan go’aygii
Calfanayaa hashaydii
*******
Caqaartu ninkay dullaysay
Ninkay cuntadii u diiday
Ninkay cilmigii ka saartay
Ninkay cududa dhamaysay
Caruurta nimay ka laysay
Cashuurta nimay ka leeftay
*******
Intuu cadho Alle shaqaystay
Cabbiroo bal qiyaasa heedhe
Cadaabta nimay u quudhay
Cawayskiyo fiidka gaaban
Cibaado nimay ku seegtay
Caqiido intuu ka booday
*******
Caafimaadka ninkii ku waayay
Calaamo intay ku reebtay
Carrabkiisa ninkaan ogaynba
Cay iyo aflagaadadiisa
Wuxuu carrabaabay saaka
Xaguu ku caaweeyay maanta
*******
Isagoo caqligii ka guuray
U yimi cawaduu lahaana
Cilaaq ula tagay hagoogan
Ku yidhi calalkaaga qaado
Markay cawo ay xanaaqday
Intay ciilkii la goohday
Maxay cadhadii ka guurtay
*******
Ninkii caynkaa ahaayoow
Canaanta adaan ku saari
Adaan ceebtaada taaban
Adaan camalkaaga sheegi
Adaa cissi iga halleeyay
Ciyaarta adaa I reebay
Adaa cokanaa dadkeena
*******
Adaa calfaday aduun dhan
Adaan islaaha codkiisa
Ku meel mara caymadkiisa
Culayska adaa I saaray
Ciqaabta adaa mutaystay
Cosobka adaa dhameeyay
Caleentiyo geed qadhaadhka
Caqaartu aday ku waashay
Adaa cadho Alle shaqaystay
*******
Markaad cuntayee dhamaysay
Markaad caantayn iska wayday
Markuu madixii cadaaday
Markay cirradii hadhbeeshay
Markuu cimrigii dhamaday
Calooshu markay istaagtay
Markuu canku baaxad yeeshay
Markuu cagkirmee halaagmay
Markuu cudurada xambaartay
Markay indhihii casaadeen
Calaacal maxaa ka yeedhay
Maxaa cabashana ka fooftay
*******
Ninkii caynkaa ahaayoow
Cadceeda qiyaame hooga
Aminta cagaaga qaawan
Maxaa camal kuu diyaara
Ciqaabtiyo aboorka maalin
Cadaabta xageed gurguuran
Caqaarta xageed ka doonan
*******
Cajabta waxaa layaab ah
Sigaarka intaad cabaysay
Cagaarka intaad hufaysay
dadkii cabdiyoow bal daawo
Cadaankii gaalka daawo
Cajuuska gaboobay daawo
Cifriidka hagoogan daawo
*******
Markuu liqay caanadaada
Markuu caawiyay lidkaaga
Markuu cakisay habkeena
Markuu cadawgii gargaaray
Markuu yidhi caalin baanay
Markuu yidhi caadil baanay
Maxaad cabdiyow cunaysay
*******
Markuu cidhib gooyay diintii
Markuu yidhi caalamkeenan
Anigaa taliyoo ka caana
Carshigiisa anaa hogaansha
Anaa citiraafa aadmi
Anaana codkooga sheega
Anaa Cilmi ugu sareeya
*******
Cunihii cunayoow dhagayso
Caqaartu habkeena maaha
Casiirkii waagan maaha
Cajiin iyo nafaqo maaha
Cashiyo habeen-cun maaha
Gasiin lagu ciidana maaha
*******
Casiiskii ina abuuray
Siduu yidhi caasi weeyi
Caaqnimo ku haleeshay weeyi
Intaad caban layd hadhowto
Haddaba iskadaa cunkiisa
Cantuugada waayaahaga
Culayskiyo aafadaada
Qadhaadhka calaashigiisa
|