JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND

 



Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka {UCID} Justice and Welfare Party

Ref/UCID/0020/2014 Date: 25/09/2014

WAR _SAXAAFADEED

HARGEYSA

Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan Xadhiga Ex Xildh Ibraahim Axmed Xasan(SANGAL )

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu War_Saxaafadeedkan Si Aan La Soo Koobi Karin Ugu Canbaareynaynaa Xadhiga Sharci_Jabinta,Dulmiga,Awood Sheegashada Iyo Xaq darada Ah Ee Loo Geystey Ex Xildh Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) Oo Ahaa Xildhibaanadii Hore Ee Golaha Deegaanka iyo Waliba Musharaxiintii Golaha Deegaanka Gobolka Gabiley Ee Danbe isla Markaana Ahaa Wakhti Xaadirkan Ku Simaha Gudoomiyaha Gobolka Ee Xisbiga UC ID

Ayaa Isaga Oo Qaban Qaabinaya Xaflad Taageerayaal Cusub Oo Ku Soo Biiraya Xisbiga UCID ayaa Awood Ciidan ay Kaga Hor istaageen Xaley Mayorka Iyo Badhasaabka Gobolka Gabiley isla Markaana Xadhig Loogu Darey Loona Dhaadhiciyey Station Policeka Magaalada Gabiley

Hadaba Xisbiyadii Mucaaradka JSL Ku Biiristoodii iyo Taageeristoodiiba Ma Waxay Noqotey K a Mid Noqoshadii Ururka S.N.M Ee Taliskii Maxamed Siyaad Bare Xaaraantimeeyey Dhaqamad a Noocan Ahina iyo Qaar Kale Oo Badaniba Waa Dhaxalka siyaasadeed Ay Soo Kordhisay Xuk uumadeenu Intii Ay Talada Haysey Waana Lagu Xasuusan Doona Mustaqbalka Insha,Alah

Xisbiga Ucidna Uma Dulqaadan Doono, Dibna U Daawan Maayo In Masuuliyiintooda Iyo Taage rayaashoodaba Lagu Xidho SiFo Sharci_Daro Ah

Waxaanaanu Ugu Baaqeynaa In Si Deg Deg Ah Xoriyadiisii Loogu Soo Celiyo Ex Xildhiban Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) Isla Markaana Raali Galin Ka Bixiso Xukuumadu

XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID

Md: YUUSUF KAYSE CABDI LAAHI