Press release

 



Ujeedo :- cambaareyn xadhiga Marwo Luul Xasan Mataan.

(Waa ayaan daro in kuwii Mucaawinooyinka Agoonta iyo Masaakiinta loogu talo cunay ay wad anka xillal ka hayaan, in kuwii Agoonta korinayana Jeelka lagu tuuro)

Waan aqaanaa Marwo. Luul Xasan Mataan,waxaan marar badan kula kulmay Xafiiskeeda Xar unta Aqoonta Hargeysa ee ay Agaasimaha ka ahayd.Waxay i soo wada tustay dhamaan qay aha ay ay ku jiraan Caruurta kala duwan ee Aqoonta iyo Rajada isugu jira.Waxaan hubaa in Marwo Luul Xasan Mataan ay tahay « Hooyo ilaa 500 oo Caruur ah dhabta ku haysa oo Hooy o iyo Aabe ba u tahay.

Somaliland dhaqan iyo xeer midna uma ahayn in sidaa loola dhaqmo guud ahaan Haweenka ,g aar ahaan Marwo Luul Xasan Mataan oo ah Hooyadii iyo Abihii Xarunta Agoonta ee Hargeysa ugu weyn,waa gef iyo meel ka dhac aan la qaadan karin.


Waxaa la gudboon Shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba, dhamaan Haween weynah a reer Somaliland gudaha iyo dibadaba ,Hayadaha Xuquuqul insaanka in ay sida ugu dhaqsaha badan uga jawaabaan dhibta iyo gefka loo geystay Marwo Luul Xasan Mataan.

Waa wax laga xishoodo,wax laga yaqyaqsoodo ah in iyadoo kuwii Mucaawinada Agoonta iyo danyarta cunay iyo kuwii Xoolaha Ummadda jeebabka ka buuxsaday ay dalka xilal ka hayaan ,in Hooyadii Agoota iyo Rajada korinaysay ay Jeelka ku jirto.Waxay ayaan daro iyo ceeb ku tahay shacabka reer Somaliland .
 



ALLAA MAHAD LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.
Xisbiga UCID
abdi_saleiman@hotmail.com.
Facebook : abdi saleiman.
SKype : Abdisaaleiman1
twitter : @_saleiman