Cambaareyn ka qayb galka Somaliland ee Shirka Kooxaha Soomaaliya uga
furmay Nairobi-Kenya!
(waa niyad jab,bahdilka shacabka,waa keli talisnimo iyo burburin
Somaliland howlaha ka socda Nairo bi-Kenya)
Sida dad badani la socdaan waxaa maanta shir uga bilowday magaalada
Nairobi ee dalka Kenya ,inta badan kooxa isku haysta dalka
Soomaaliya,qaar ka mid ah, Dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya iyo
xafiiska UN-ka u qaabilsan arimaha Soomaaliya. Kooxaha Shirka ka
qayb gelaya waxaa ka mid ah, k oox uu hogaaminayo Sheekh
Shariif(TFG),koox uu hogaaminayo Shariif Xasan, koox ka socota
Puntl and,Galmudug,Xibin iyo Xeeb,Ehlu -Sunna –Wa –Jamaaca iwm.
Runtii waxaa wax laga xishoodo ah,wax laga naxo,wax aan la qaadan
Karin ah in Somaliland ay Shirk aas ka qayb gasho,kagana qayb gasho
meeqaam la mid ah kan Galmudug –Puntland –Xibin iyo Xeeb iyo
Ehlu-Sunna –Wa Jamaaca.
Waxaa la yaab,amakaag iyo Afkalaqaad ku noqotay Shacabka reer
Somaliland,gudaha iyo dibada in iyagoo weli ku guda jira dabaaldegii
20 guuradii ka soo wareegtay gooni isu taaga Somaliland,iyadoo weli
Wejiyada dhalinyarada aanu ka qalalin Sawirkii Calanka Somaliland in
Xukuumada Somaliland ay Shirka kala qayb gasho qaar ka mid ah
Kooxaha isku haysta Soomaaliya.
Ma aha markii ugu horeysay ee Xukuumada Somaliland,ka qayb gasho
Shirar gef iyo meel ka dhac k u ah sharafta iyo karaamada Ummadda
Somaliland,hore ayaa digniino loogu jeediyey Xukuumada So maliland in
ay joojiso Siyaasada waalan ee ay wado Xukuumada Somaliland.
Waxaa naxdin , niyad jab iyo bahdil ku ah shacabka reer Somaliland
meel kasta oo ay joogaanba ,w axaa kaaf iyo kala dheer ah halkii ay
gaadhay Somaliland iyo halka ay dib ugu celisay Xukuumada m aanta
xilka haysaa.
Anigoo aad iyo aad uga xun,la yaaban Siyaasada Indho la,aanta ah ee
Xukuumada Somaliland ,wax aa u soo jeedinayaa dhamaanba shacabka
xalaasha ah ee reer Somaliland, Bulshada caalamka ,Xisbiyada
Mucaaridka ah,Golayaasha Sharci dejinta qodobada hoos ku qoran:-
o Waxaan la socodsiinayaa Bulshada Caalamka in Somaliland aanay ka
mid ahayn Soomaaliya ,ka mid ahayn Kooxaha isku haysta
Soomaaliya,waxaanu cod dheer ugu sheegaynaa Bulshada Caalamka in
Somaliland aanay ka qayb qaadan Karin xaalada murugsan ee mudada
dheer ka jirtay Soomaaliya.Waxaa Bulshada Caalamku ka markhaati
tahay in anuu 18 May 2011 u dabaal degnay,u baanbaxnay,isugu soo
baxnay fagaarayaasha wadamo badan oo ka mid ah kuwa daneeya
Dimuqraatiyada iyo Xuquuqul Insaanka.
o Waxaan Shacabka reer Somaliland ka codsanayaa in ay ka
dhiidhiyaan,jawaab cadna ka bixiyaan Siyaasada indho la,aanta ah ee
ay ku dhaqmayso Xukuumada Somaliland xilligan.
o Waxaan aaminsanahay in Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland uu
fulinayo fariin iyo Siyaasada Soomaaliweyn ee Xukuumada uu ka tirsan
yahay,Shirarka uu ka qayb gelayaana ma aha qaar u gaar ah isaga iyo
inta la socota,balse waxay wadaa uun howl Xukuumada Somaliland u
igmatay.
o Waxaa ku waajib ah dhamaanba Hayadaha Sharci dejinta ee Somaliland
in ay Sharciga horkeenaan Xukuumada iyo Wasaaradaha caadeystay ku
tumashada Shuruucda wadanka u taala.Hayadaha Sharci dejintu iyagaa
uga masuul ah Ummadda Shuruucda wadan,waxaa ku haboon in aanay
dhayalsan,kana soo baxaan wixii Shacabku u igmaday.
o Waxaa ku haboon in labada Xisbi ee Mucaaridka ah ay jawaab deg deg
ah ka bixiyaan Siyaasada foosha xun ee ay xilligan wado Xukuumada
Somaliland,waxaa la gudboon labada Xisbi(UDUB iyo UCID) in ay gebi
ahaanba joojiyaan wixii wada shaqayn ah ee dhinaca Xukuumada ah,inta
laga helayo Siyaasad ka duwan tan maanta jirta.
o Waxaa ku haboon guud ahaan Saxaafada Somaliland in aanay qarinin
qorshayaasha qarsoon ee ay wado Xukuumada Somaliland balse ay kor u
qaado codka shacabka Somaliland.
o Waxaa la gudboon Aqoonyahanada ,Siyaasiyiinta ,Madaxdhaqameedyada
iyo dhamaan Urada Bushada reer Somaliland in ay si cad uga hadlaan
meel ka dhaca Siyaasadeed ay ku kacday Xukuumada xilligan ka jirta
Somaliland.
o Ugu dambeyntii haddii aanay Xukuumada Somaliland sida uga dhaqsaha
badan uga noqonin Siyaasada qalafsan ee ay xilligan ku dhaqmayso
gudaha iyo dibadaba,waxaan u sheegayaa in ay dhegeheedu maqli
doodaan warar aanay ku farxin,maalmaha soo socda,haddii ALLAHA
AWOODA LAHI YIDHAAHDO.
Mahadsanidin
|