Cambaareyn falkii lagu Weeraray Mujaahid
Maxamed Kaahin

 


 

Anaga oo ah Dhammaan Bahweynta Xisbiga KULMIYE Gaar ahaan laanta Magaalada Bristol Uk . waxaanu halkan ka cambaraynaynaa falka argagaxa lahaa ee lagu qaaday Gudoomiye Kuxig eenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kahin Axmed . waxaanu leenahey arint an waa mid ugub ah oo argagax leh waa mid Mujaahidka meelka dhac ku ah, iska daa qori loo qaato ee magayo in sixun loo eego Mujaahid Maxamed Kaahin waa taariikhda Somaliland ninka taabtaana waxa uu nooga dhigan jahey nin Somaliland Jirintaankeeda ka hor yimid. hadaba ha daanu nahey Bahweynta KULMIYE ee laanta Magaalada Bristol Uk . aad iyo aad baan uga xuna hay Falkaas xun ee waxash nimada ah ee lagu soo qaadey Gudoomiya ku xigeena koowaad wa xa kale oo aanu taageersanahay war saxaafadeedkii uu maanta soo saarey Xisbiga Kulmiye.

Waxaanu war-saxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:

Shalay (09/11/2013) waxa Huteel ku yaala magaalda Hargeysa ugu soo galay Mujaahid Max amed Kaahin Axmed. isagoo ka shaahaynaya saddex nin oo walaalo ah kuna qabtay qori. Max amed kaahin waa astaan qaran ee maaha qof caadiya. Xisbiga KULMIYE ma cambaraynayo oo keliya falkaa ee wuxuu kaga hortagayaa gacan bir ah. Maxamed Kaahin oo ka mid ah saddex dii mujaahid ee ugu hortalaabay 1982kii ilaa maantana halgan naf hur ah ugu jiray xorayntii, dhismaha iyo horumarinta Qaranka Somaliland.

Maxamed Kaahin intii aannu tallaabin wuxuu ahaa Gaashaanle Sare, isagoo ahaa madaxii sah anka ee qaybtii 26aad, waxaannu ahaa cidda qudha ee ay u cabato ciddii dhibaataysani, uga na hiilaya daalimkii Siyaad Barre isagoo gudaha jooga.Waa taliyihii ciidankii buuraha barga (M iriye) galay 1984kii, markii Dhagawayne sheekh galay, Cabdilllaahi Askarna buuraha galbeed ka.Waa taliyihii ciidankii galay Burco 1988kii isaga iyo Axmed Mire, kuna dhaawacmay ee ay madaxa kaga dhacday ilaa haatana ka muuqato.Maxamed Kaahin 30kaa sanno danguud mooy ee tu gaara ma qabsan, waxa la hubaa inaanu Maxamed Kaahin ku lahayn jago iyo guri midna dalka, waayo maba haleelo tiisa gaarka ah.Daaraha dhaadheer ee dalka ka dhisan iyo maalqabeenada, jaamacadaha iyo ardayda ka bax day ee dunida ku faaftay iyo horumarka la gaadhay waa tacabkii Maxamed Kaahin iyo kuwii la midka ahaa ee SNM.Bal aan iswaydiino ninka qoriga ku qabtayna waa kuma.Waxa xannuun ba dan in ninka mujaahid Kaahin maanta qoriga ula baxay uu yahay kii marxuum Cabdillaahi Askar qoriga ku qabtay 1983kii.Waxa kasii daran in kuwa la socday markii uu Maxamed Kaahin maanta qoriga ku qabanayey ay ahaaye en kuwii maalintaa Gaani Tiyaatarka Hargeysa uga heesayay ee lahaa waxaannu soo qabanay qudhmistii ugu waynayd.

 


Bristol Uk