Cali-Gurey oo sheegay in digniinta amni ee Ingiriisku tahay xaqiiq
jirta

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), oo ka mid ah hoggaanka
xisbiga mucaaradka ee UCID ....
Hargaysa (TNN) -Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), oo ka mid
ah hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay dhaliisha
dawladda Ingiriisku u jeedisay amniga Soma liland inay tahay mid
jirta, waxaanu sheegay inuu muddo dheer ka digayay xaaladda amni ee
Somaliland,
Md. Cali-Gurey, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska
Afrika, wuxuu si ba’an u dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Axmed
Maxamed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay hoggaamiye aragti leh balse ay
hirgelinteedu ku adagtahay. Waraysigaas oo uu Cali-Gurey arrimo
dhawr ah kaga hadlay wuxuu u dhacay sidan:
Cali muddooyinkan warbaahinta lamaad hadlin, dalkan isbedalo badan
ayaa ka dhacay oo doorashooyin ayaa laga soo baxay sideed u aragtaa
dalka haatan?
Waad ogaydeen oo baryahan anigu warbaahinta kumaan jirin, waayo
xaalada guud ee dalka ayaan u arkaa inay tahay mid aan ka hadal u
baahnayn ee ka tashi u baahan, nasiib daro ka tashigiina waxa uu u
baahan yahay hoggaan ku baraarugsan xaalada imika dalku ku jiro oo
badbaadadiisa iyo samato baxintiisa dalka u guntan, kiina iima
muuqdo.
Markaas hadday tahay arimha dibada, hadday tahay xaalada dalka
gudaheeda, xaalad aad u halis badan ayaan u arkaa in aynu ku jirno.
Waxa kale oo aynu ognahay waxii ka dhashay doorashadii anigu
doorasho ma yidhaahdee riwaayadii laynoo matalay ee ay inoo mataleen
kooxda aan anigu u bixiyay jilayaasha qaawan, waxii dalka ka
dhacayna waynu ogayn wakhtigaas doorashada gees ilaa gees, codkii
saxa ahaa ee dadku sida nabad galyada ah u baxiyay oo runtii ay u
qalmayeen in abaal gud looga dhigo in lagu kala baxo codkii ay dadku
baxiyeen, kuwii soo baabiiyay ee codka beenta ah iyo
boobka,kushibashada ku baabi’iyay ayaa riwaayadaas matalayay oo
kuwaas ayaa la yidhaahdaa jilayaasha qaawan, markaas xaaladeenu waa
mid aad u halis badan.
Dhawaaq ayaa ka soo baxay dalka Ingiriiska uu kaga dayrinaayo
ammaanka Somaliland, dhawaaqaasi siduu kuula muuqdaa ?
Malaa Ingiriiska cadaanka ayuun baa lagu maqlayaa oo waa dawlade
xaalada amniga ee Somaliland inagu in badan ayaan ka qaylinaayay,
waxan ay Ingiriisku sheegayaana waa xaqiiq jirta, waxaanay ka mid
tahay nabad galyo darooyinka laga dhex wado umadda, kuwa iyagu wadaa
waxay ku jiraan baarlamaanka, xukuumada, nabad galyo darada ay
xukuumadu wado mid ka halis badan oo dalka ku soo fool leh ma jirto,
marka ay dhinaca argagaxisa ka hadlayaan mudo waxaan ka mid ahaa
dadkii aadku isugu hawlay inay taageero caalamiya u helaan dib u
qaabaynta amniga Somaliland, inta shir caalamiya aan arinkaas soo
dhigayna aad ayay u badnayd, nasiib daro ciidamadii ugu horeeyay ee
loo tabo baray Somaliland in ay nabad galyada wax la qabtaan waxa
loo bedashay ciidanka dabar goynta dimuqraadiyada oo waa kuwii
shacbiga ku laynaayay Hargeysa ilaa hadda cid kale oo nabad galyo
daro dalka ku haysa oo ay wax yeeleen ma jirto, waxa loo isticmaalay
cabudhinta iyo dabar goynta dimuqraadiyada.
Marka ay sidaas ogyahiin Ingiriisku ee la baabi’iyay dhammaan
haayadii sirdoonka iyo amniga ee shaqayn jiray wakhtiyadii ay
xukuumadii hore jirtay waa ay jirtaa xaaladaasi oo lama dafiri karo
ayaan anigu leeyahay.
Maxaa looga fadhiyaa wakhtigan madaxweyne Axmed Siilaanyo?
Madaxweyneha waxa looga fadhiyaa wax aan hubo in aanay ka iman
doonin, madaxweynaha waxa looga fadhiyaa waa la doortay, lamana
dooran shaqsiyaadkan wadanka xukuma maanta, isagay masuuliyadu
saaran tahay oo ay tahay inuu dalka hoggaamiyo, laakiin wax dhacaaya
maaha, waxa uu bari ( khudbadda maanta ee Madaxweynuhu u jeedin
doono labada gole ) la iman doonaana waxay noqonaysaa wax ay u soo
mal-maluuqeen oo loo soo qoray lana yidhi sidaas dheh, ee inuu xal
rasmiya oo dalka lagu samato bixiyo uu keena kama soo baxayso.
Madaxweyne Siilaanyo wakhti dheer ayaad isku dhawaydeen ama
wakhtigii Kulmiye ha ahaato ama dib u xorayntiiye, bal
hoggaamintiisa maxaad ku sifayn lahayd ?
Horta rakaab xumada waligii wuu lahaa, aniguna waligay rakaabkiisa
kama mid noqon, rakaabkiisana waxaan ugu jeedaa dadkan uu xilka u
magacowdo, oo soddonkaas sano ee dhaw dhaw ee aan is naqaano xil uu
ii magacaabay ma jiro.
Haddaan isaga u soo noqdo wakhtigaas waxa uu ahaa qof aragti leh,
aragtidiisaana hirgalinteeda kumuu fiicnayn, laakiin wakhtigaas waxa
uu ahaa qof daacad ah oo aragti leh.
Haddii aynu isku tagno reer Somaliland oo dhan oo dhawrka qof ee
qaldan kuna hareeraysan aynu ku nidhaahno waa ay ku fashilinayaan
ilaa ay fashiliyaan inaga qabali maayo in aynu run sheegayno, waa
madaxweyne nasiib daran maanta waynu ognahay sideetan jir ayuu ku
dhaw yahay intaas oo dhana dad ayay soo wada shaqaynayeen oo uu
baranaayay, waxay ahayd maanta hadduu madaxweyne noqday inuu
garanaayo ninkii ay dugsiga sare ee Sheekh ku wada jireen ee wax ka
taraaya dawladiisa, ciddii la soo halgantay inta wax ka taraysa inuu
u yeedhan karo, dadkii xisbigiisa Kulmiye ku jiray ee uu garanaayo
inuu cid uga yeedhan karo, laakiin haddii uu maanta intan la
shaqaysa oo dhan badalo inta qof ee uu soo magacaabayo hal qof oo uu
isagu dooranayaa ma jiro, cidbaa u soo dooraysa, cidaasina cid ay
danaheeda ku muraad qumisto ayuunbay u soo dooraysaa,markaas rajo
malaha.
Ugu danbayntii waraysigan kooban ee aan kula yeelanay maxaad ku soo
gabogabayn lahayd?
Cali Saleebaan Bide alle hawnaxariistee ayaa tiriyay hees la odhan
jirtay “ Haddaan daayo heestaba, haysto ereyadaydaba ama aan hubkaba
dhigo, miyaa lay hud hudiyoo hadal layga yeedhsiin”
Cida wax biinaysaa labaatan qof ma dhama dawladeenaas dhan waana
koox daneed, shacbiga fariintaan u gudbinayaa waxa weeyaan raga
meesha marayaa danahooda ayay u heelan yahiin, nin danta umadda iyo
shacbigaas u heelan meesha inagama joogo,nin tiisa u heelana waxa ka
warantay Maansada la yidhaahdo Hargaysaay ma toostay ee uu tiriyay
abwaan Hadraawi “ Ujeediyo haatan, nin tiisa u heelan halyay
nimadiisa hashiisa ku maalay, inuu hantidayda hidaha sharaftayda
dhismaha hodankayga horseed ka ahaado, waxa ka hagaagsan inaan ka
habaaro ka haari yidhaahdo.”
Source: Geeska
Afirka
|