Cali Khaliif oo ku dhawaaqay Shirka Taleex inuu yahay mid Somaliyeed

 

 


Nin kasta oo talo soomali iyo mid Dhulbahante in wax lagu doonto jecel way u furantahay

Taleex(TNN)-Waxa magaalada Taleex soo gaadhay Ergo isimo ah oo ka soo kicitimay Magaa lada Buuhoodle oo ku biiray Shirka ka socda magaaladaasi ee Khaatumo2, kuwaasoo ay hor kacayeen Garaad C/lahi Garaad Soofe iyo Garaad Saleban Aw-aadan.

Isimaddan oo ah Ergadii ugu horaysay ee Madax dhaqameedka Reer Buuhoodle ah ee shirk aasi gaadha, waxa Magaalada Taleex ku soo dhaweeyay Siyaasiyiinta shirkaasi soo abaabu shay ee halkaasi ku sugan, kuwaasoo ku qaabilay hadalo soo jiidasho ka muuqata oo ay ug u gacan haadinayaan dhamaanba dadka beelaha Dhulbahante ee aan wali shirkaasi ka soo xaadirin.

“halkan Ninkii Talo Dhulbahante doonayaw ku soo dhawoow oo kaalay waa lagaaga baahan yahaye, Nin kasta oo talo soomali iyo mid Dhulbahante in wax lagu doonto jecel way u fura ntahay”sidaasi waxa yidhi Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ahaa siyaasiyiintii Taleex ku soo dh aweysay Ergada Reer Buuhoodle ee ku Biiray Shirka Khaatumo2.

Dhinaca kale Isimada Hogaaminayay Wufuuda Reer Buuhoodle ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb galka shirkaasi, isla markaana mawqif midaysan kaga soo kicitimeen Deegaa mada Buuhoodle ee ay ka soo jeedaan.

Reer Buuhoodle ayaa hore rajo aan wanaagsanayn ka qabay shirkan, isla markaana madax dhaqameedyadoodu ka cago-jiidayeen inay tagaan taleex, balse talaabadan hada ayaa u muuqata mid wax weyn ka bedeshay Mawqifkii hore ee Reer Buuhoodle ka aaminsanaaye en Shirkaasi.
 

source:waaheen