Cali Khaliif Galeydh oo Sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Somaliland u Aqoonsaday Dowlad Ka Go’day Soomaaliya

 

 


Isagoo ka hor hadlayay barlamanka Soomaaliya Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh waxaaa uu sheegay in shirkii Turkiga ka dhacay ee .....

 

Muqdisho (TNN)- xildhibaan ka tirsan barlamanka Soomaaliya kana soo jeeda deegaanada Somalila nd Oo Lagu Magacaabo Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh eekh Maxamuud uu Somaliland u aqoonsaday dal ka madax banaan Soomaaliya kadib shirkii ka dhacay caasimada dalka Turkiga ee Ankara.

Isagoo ka hor hadlayay barlamanka Soomaaliya Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh waxaaa uu sheegay in shirkii Turkiga ka dhacay ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia uu u dhacay sida labo dal oo kale arintaasina uu aad uga soo horjeedo Isgoo barlamanka ugu baaqay in uu kulan deg deg ah ka yeesho.

Waxaa uu sheegay Cali Kahliif Galaydh in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku cambaarey nayo kagana soo horjeedo in shirkii ka dhacay Ankara uu la galay Somaliland uu ahaa mid sida dal la siman Soomaaliya oo kale waa sida uu sheegaye isla markaana heshiiska ay kala saxeexdeen laba wasiir oo labo dal kala matalaya.

Isagoo hadalkiisa sii wato kana hor hadlayay barlamanka Soomaaliya ayuu sheegay hadii si wanaa gsan loo qeexo heshiiskii ka dhacay Turkiga uu u egyahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Somalil and ugu aqoonsano dal ka go’ay Soomaaliya ama madaxbanaani uu siiyay.

Si kastaba ha ahaa qab qable Cali Khaliif Galeyr ayaa barlamanka Soomaaliya ugu baaqay in arinka ani ay ka yeeshaan kulan deg deg ah si looga hortago in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Somalilan d u aqoonsado dal ka go’ay Soomaali weyn sida waa uu sheegaye.
 

 


Timacade News Desk
Muqdisho,Somalia