Cali Khaliif Galaydh Oo
Firxad Ku Galay Magaalada Wardheer Ee Kililka Shanaad, Laguna Soo
Dhaweeyey Jigjiga

Hargeysa (TNN) – Hogaamiyihii shirkii fashilka ku dhamaaday ee
Taleex Mr. Cali Khaliif Galaydh oo ka firdhaday dagaal 26-kii bishan
Magaalada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo
Maleeshiyo beeleed halkaas joogtay, isla markaana u baxday Magaalada
Wardh eer ee dawadda deegaanka Ethiopia ayaa la sheegay in shalay
lagu soo dhaweeyey xarunta dawlad deegaanka Ethiopia ee Jigjiga.
Ilo Wareedo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaaladda Jigjiga ayaa
Haatuf u sheegay in C iidamada Liyuu Booliska ee Kililka Shanaad ee
Ethiopia ay ka soo kaxeeyeen Cali Khaliif Galaydh Magaalada Wardheer
uu u fakaday markii Ciidan isaga taabacsan oo ku sugnaa Magaaladda
Buuhoodle ay Ciidamada Qaranka Somaliland huwiyeen Dhirbaaxo kulul
26-kii bishan.
Ilo wareedyada sheegay in Cali Khaliif uu ku sugan yahay Magaalada
Jigjiga ayaa tibaaxay in uu maanta la kulmi doono Madaxwaynaha
Maamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia, kuwaas oo la filayo inay ka
wada hadlaan arimo ku saabsan shirkii Fashilmay ee Taleex uu ugu
qabtay Cali Khaliif xubno ka mid ah qurbo jooga beesha Dhulbahante,
kaas oo aakhirkii lagu kala kacay.
Dhinaca kale Maamulka Kililka Shanaad ee Ethiopia ayaa u muuqday tan
iyo intii xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku guulaysatay talada
dalka maamul faro galin qaawan ku haya arim aha daakhiliga ee
Somaliland, kaas oo aan waxba ka soo qaadin kulanadii ay Madaxda
Maamul kaas kula yeesheen Magaalada Jigjiga Wafti uu hogaaminayey
Wasiirkii hore ee Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, halkaas oo
ay ku soo kala saxeexdeen heshiis wada shaqayneed oo ku taxaluqa
dhinacyada amniga iyo isku socodka labada bulsho.
source:Haatuf
|