Cali Guray Oo Sheegay Inay Dhiig Ka Xigaan Midow Dambe oo Soomaaliyeed



 

Cali guray waxa uu shaki galiyey in Madaxwayne Siilaanyo Urur Diimeed ku Jiro ..............


Hargeysa (TNN) – Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa meel adag iska taagay hadalkii ka soo yeedhay Madaxwaynaha Somaliya ee ahaa inay madaxda Somaliland is-dhaafsadeen qoraalo.

Cali Guray, waxa kale oo uu sheegay inay dagaal iyo dhiig ka xigaan midnimo Somaliland iyo Somaliya ah oo ku timaada in shacabka reer Somaliland tallada laga fara-maroojiyo, waxaanu tilmaamay in xukuumadda Somaliland masuuliyiin ku jiraa qayb ka yihiin dedaalada madaxda Somaliya ku doonayaan inay Somaliland kula mideeyaan Somaliya, kuwaasi oo uu sheegay inay xidhiidh la leeyihiin urur diimeedyo ka jira Somaliya.

Cali Guray oo shalay la hadlay Waaheen iyo Telefiishanka HCTV, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya hadalkii Madaxwaynaha Somaliya waxa uu yidhi “Hadalka ka soo yeedhay Madaxwaynaha Somaliya waxa uu u muuqdaa mid ay ku weheliyeen dad xilal ka haya qaranka Somaliland, wayna muuqataa in ragga Wasiirrada ah ee xukuumadda ku jira qaarkood ay Somaliya meel wax u wada wadaan, laakiin dhibaato waxay ka jirtaa inaga xukuumaddeena ayaan dadka runta u sheegayn”

Mujaahid Cali Guray, waxa uu sheegay in Madaxwaynaha Somaliya uu dalka Qatar u tagay si uu caawimo ugu helo Somaliya oo ay Somaliland-na ku jrto isla-markaana arintaasi ay la wadaan masuuliyiin xukuumadda Somaliland ah oo aan shacabkii ay u dhaarteen aan runta u sheegayn “Maanta Madaxwaynaha Somaliya wuxuu joogaa dalka Qatar, waxaanu ka hadlayaa sidii loo caawin lahaa Somaliya oo ay Somaliland ku jirto, waxaana lagu caawiyay lacag gaadhaysa $ 170 Milyan, madaxda dawladdeena qaarbaa la wada oo la og, laakiin dhibaatada ugu weyni waxay ka taagan tahay dadka runta loo sheegi maayo, wada-hadaladan beesha caalamku wado siiba Ingiriisku dhibaatooyinkii ay keeneen taasaa ka mid ah” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya sida uu u arko hadalka Madaxwaynaha Somaliya ku celceliyo ee ah inaan Somaliland iyo Soamliya marnaba kala maarmayn “taa anigu waxaan u arkaa riyo, waayo anigu qiimaha ay ku kacayso in Somaliland ay mar kale la midowdo Somaliya waxaan qabbaan in aanay goynba karayn (somaliya), cida ay ka go’daana maaha Al-ictisaam iyo Al-islaax, oo labaduba awood badan ku yeesheen xukuumadda iyo dawladda Somaliland, Madaxwaynaha Somaliyana ah cidda garbaha u ah, labadaa urur oo xaruumahoodu ku yaalaan Muqdisho, laakiin dhinaca kale Madaxwayanaha Somaliya haddii shacabka Somaliland afti laga qaado oo ay u bataan inay Somaliya ku biiraan….haa haddii uu sidaa u jeedo ma kala go’ayaan (Somaliland/Somaliya), waayo shacabka Somaliland go’aankooda cidi ma diidi karto, laakiin mabda’a kale oo kooxo ah ama siyaasiyiin ah ama dawladdo iyo kooxaha wadaaddada ah ee kale haddii la isku dayo in tallada laga faro-maroojiyo shacabka reer Somaliland dhiig-baanu ku difaacaynaa.

Mujaahid Cali oo la waydiiyey caddaymaha uu u hayo in xukuumadda ay ku jiraan shakhsiyaad ka mid ah urur diimeedyada xidhiidhka la leh madaxda Somaliya ayaa waxa uu ku jawaabay “anigu waxaan ogahay ayaan sheegaa, imika mucaarad-baaban ahay, laakiin 2006-dii ayaan u sheegay Madaxwayne Siilaanyo in dad ka mid ah bulshada caalamku iyagu yidhaahdeen saddexda xisbi qaran ee Somaliland ka jira siiba Kulmiye inay wadaado ku jiraan, shirkii Burco-na iyagu awooda la wareegeen, ayaan u sheegay, imikana in badan oo xukuumadda ka mid ahi way og-yihiin, weliba in labadaii xisbi ee dalka ka jiray ay haab-haabanayaan oo ay doonayaan inay la wareegaan waala og-yahay, xukuumaddana ay awoodeeda gacanta ku hayaan, nimankaa reer Somaliland ee xukuumadda ku jira ururradaana ku jiraana waxay u dhaarteen midnimada Somaliya, haddana shacabka Somaliland ayay u dhaarteen, inkasta oo ragga ururradaasi ugu waaweyni daaha dabadiisa ku jiraan, haddana waa la wada ogyahay in rag xukuumadda ku jiraa ay midnimada Somaliya ka shaqeynayaan, anigunase ma fahmayo sida ay isku waafaqayaan diin ahaan dhaartaa iyo qorshahay wataan.

Cali Guray, oo wax laga waydiiyay suurto-galnimada in awoodii dalku gacanta u gasho cid ahaan la soo dooran ama ururo diimeed, iyadda oo uu joogo Madaxwaynihii hogaaminta dalka loo doortay oo uu xaadir yahay, waxa uu ku jawaabay “Axmed-siilaanyo laftiisa ayaan hubin inuu ururradaa ku jiro iyo in kale, inkastoo la igu yidhi barigii dhawayd ee uu Xajka tagay ayuu ku biiray kooxahaa biicoodu halkaa gaadhsiisan yahay (inay Somaliland la miideeyaan Somaliya), laakiin waxa xaq-qiiqo ah in talladii laga fara-maroojiyey oo wax allaale iyo wax gacantiisa ku jiraa aanay jirin”

Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbigga UCID waxa kale oo uu ka hadlay iscasilaada xildhibaanadii beesha Ciise “Inay iscasilaan xaqbay u leeyihiin, iscasilaaduna maaha mid shakhsi ah ee waa mid wadareed, oo beeshi dhamayd ee Cise ayaa meesha ka baxday, markii arintu dhacdayna sida madaxda xukuumaddu sheegeen waxa la keenayaa bedalkii xildhibaanada Saylac, 17 nin oo beesha Madaxwayne ku xigeenka ka soo jeeda inay Saylac golle deegaan ka noqdaan wax suurto-gal ah maaha, Lughaya lafteeda haddii ay dhacdo in xildhibaanadii iscasilay bedalkooda la keeno waxa taraxaya beesha Madaxwayne ku xigeenka hal xildhibaan oo beesha Ciise ka soo jeeda, 12-ka kalena waxay noqonayaan isku beel, markaa 30-kii xildhibaan ee Saylac iyo Lughaya, in 29 xildhibaan inay beesha Madaxwayne ku xigeenka noqdaan ayuu Saylici sax u arkaa, waana ninka ka talinaya arinkaas, markaa anigu ku soco ayaan leeyahay haddii ay ku shaqeynayso oo ay kuu suurto-galayso”

Cali Guray, ayaa sidoo kale masuuliyiinta xukuumadda ku tilmaamay dad aan caqligoodu shaqeynayn oo madax adayg siyaasadeed iyo musuqmaasuq caadeystay “nimankan meesha joogaa niman caqligoodu shaqeynayo maaha, waa niman inay lacag helaan ku buuxa oo London inay guryo ka dhistaan wada doonaya, malaha qoladii UDUB dalka ayayba gashan jireen haddii ay wax helaane, musuqmaasuqa haddii aan inyar kaga daro imika waad ogtihiin oo gaadiidkii dadwaynuhu wuu taagan yahay, warshadihii way fadhiisteen, shidaal la’aanbaa dalka ka taagan TOTAL wixii loo eryayna waxay ahayd lacag badan-bay naga qaadaa, lacagtii TOTAL qaadan jirtay, Siilaanyo markii mucaaradka ahaa wuxuu ku khudbadayn jiray Daahir Rayaale lacag buu dekeda iyo TOTAL ka qaataa oo Madaxtooyada gasha, , haddana maanta waxbuu kamuu qabban oo lacagtii TOTAL laga qaadi jiray waala qaadaa, tii guriga Daahir Rayaale la geyn jirayna guriga Siilaanyo ayaa la geeyaa, labadii lacagiwba Madaxtooyad aayaa la geeyaa, markaa Madaxtooyadani waa mid tii hore ka cir weyn, musuqmaasuqiina sidii ayuu u shaqeeyaa, qandaraasyadiina qaab ehelnimo ayaa la isku siiyaa, waad aragteen shaambadii Baasaaboorka waxa la siiyay qandaraaskeeda la siiyay niman xildhibaano ah oo Cali Mareexaan ka mid yahay oo ah ehelkii Madaxwaynaha, markaa meeshan wax tallo ah oo yaalaa ma jiraan”
 

Source: Waaheen