"Sidaan Warka Ku Hayo Amarka Laygu Xidhayo Waxa Bixisay Madaxtooyada Oo Maamulka Gobolka Hargeysa Soo Martay.”

Cali Maarshaal

 

Cali Maxamed Guuleed (Cali-Maarshaal), oo ka tirsan Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa la sheegay in ay Ciidamo ku daba-jooga an illaa iyo maanta sidii ay u qaban lahaayeen, isla markaana Xabsiga u dhigi lahaayeen, ka dib markii Amar lagu bixiyay in Sarkaalkaasi ay soo qabtaan Ciidamada Boolisku.

hase ahaatee, Ka dib markii ay maanta soo baxeen wararka sheegaya in Cali-Maarshaal oo ah Siyaasi Dhaqaalaha ku-xeel-dheer ay Ciidamo ku raad-joogaan sidii ay u soo qaban lahaayeen, ayaan goordhawayd oo goor-sheegtu dul-taagnayd 3:00-dii Galabnimo wakhtiga Hargeysa, Khadka Taleefanka kula xidhiidhay Cali Maarshaal, isla markaana waxaan wax ka waydiiyay jiritaanka wararka sheegaya in xadhig lala maagan yahay amaba ay Ciidamo ku raad-joogaan, waxaanu Cali ii xaqiijiyay jiritaanka warkaas.


“Haa Arrintaasi way jirtaa Adeer, inkastoo aan weli imika cidi ii imaan Anniga, way jirtaa in la yidhi Cali Maarshaal soo xidha.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed Guuleed (Cali-Maarshaal).

Hase ahaatee, Cali Maarshaal, waxaan sii waydiiyay, waxa uu ku caddayn ayo in Xadhig lala maagan yahay, in uu waaran helay iyo inkale oo warka uun la gaadhsiiyay. Cali oo su’aashaa ka jawaabayayna waxa uu yidhi, “Waaran laysoo jaray maan arag, laakiin waa la soo xaqiijiyay arrintaas.”


Cali Maxamed Guuleed oo ka jawaabayay su’aal aan ka waydiiyay sababta xadhigiisa lagu xidhiidhin karo iyo waxa ay tahay, waxa uu yidhi, “Wuxuunbaan u fili karaa, in loola jeedo, dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE ee aanka midka ahay iyo abaabul soo socda oo aanu Nuux Ismaaciil ahaan ku taageerayno KULMIYE.”

Waxa jiray warar tibaaxayay in aanay dawladdu soo dhawayn falanqayn dheer oo uu Cali Maarshaal ku iftiimiyay galdaloolooyin badan oo ka muuqday Odoroskii shaxda Miisaaniyad-sanadeedka 2009-ka oo dhawaan Golaha Wakiilladu ansixiyay. Sidaa daraadeed-na mar aan Cali Maarshaal waydiiyay in sababta dabagalkiisa ay arrintaas Miisaaniyadda oo uu ku talaxtagay tahay, waxa uu ku jawaabay, “Maya arrintaa Maaliyadda shaqo kuma laha.”


Sidoo kale, Cali Maarshal mar aan sii waydiiyay, cidda amarka lagu xidhayo bixisay cidda ay tahay, waxa uu yidhi, “Sidaan warka ku hayo amarka laygu xidhayo waxa bixisay Madaxtooyada oo Maamulka Gobolka Hargeysa soo maartay.”

Cid kasta oo ay u qastiyaan in ay soo xidhaan, isla markaana gacanta ku soo dhigaan, Sharci iyo sharci-darro, way karaan Ciidamadu. Sidaa daraadeed, Cali Maxamed Guuleed (Maarshaal) waxaan waydiiyay maadaama tan iyo maanta oo dhan warka xadhigiisu suuqa ku jiray, sababta aanay illaa weli Ciidamadu gacanta ugu dhigin, in uu is-qariyay oo ay Ciidanku waayeen iyo sababta aanay weli qabashadiisa ugu guulaysan, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi Cali, “Maya..Maya. Adeer ismaan qarin, meelna maan tagin ee Hargeysa ayaan joogaa, welina imay waayin Anniga Ciidanku, ee waxa laygu yidhi, Ninkii loo diray qabashadayda, ayaa yidhi ‘arrintaa yaan lagu deg-degin ee annigu aan baadho. Midda kale, waxa la yidhi ama loo arkay in aan dhalasho Maraykan ah haysto, taasina qayb ayay ka noqon kartaa dib-u-dhaca aad I waydiisay.” Ayuu yidhi Cali Maarshaal.

 

 


Hadhwanaagnews