Cimrigeed adduunyada
Caalamiinta wada yaal
Qofba wuxuu calmanayaa
Carradduu ku noolyahay
Ee caadil ku alkumay
******
Uunka cidhifyadiisii
Ruuxii cilmi u tagey
Ama cuud kasoo helay
Caawiyey dadkiisii
Ceebna aan la soo noqon
Waa curad la mahadshoo
La canaanan maayee
Kiise caydh yaboohsaday
Ama cadhadu qaadee
Hadba gees u cararaa
Marka uu cidla u baxo
Qoomkii cajabiyaba
La qabsada cayaaraha
Cidhib yeelan maayee
******
Ciidaada hooyaa
Cissi iyo wanaag iyo
Cawo kuugu idhishaye
Caashaqa dhulkiinoo
Calankiinna haybsada
******
Cido kale dhulkoodii
Oo cadaadis kugu helay
Inta aad u cabanlayd
Ama caga juglayn daran
Ciidan iyo bilays kale
Uu kugu cabsiin laa
Ama ciyaw sidiisii
Cawdhiidhka iyo boodh
Aad ka soo dhex ciyilayd
Ama sida cajaladii
Casharada qalaad iyo
Caado iyo dhaqan kale
Casar lagugu shubi laa
Haddii aanad caaridin
Ku canaadi maayoo
Ciiddiyo dhulkaagaa
Cawo kuugu idhishaye
Caashaqa dhulkiinnoo
Calankiinna haybsada
******
Adoo caafimaad qaba
Curcurradu fayawyiin
Intaad ciidda qodotaan
Oo canab la miiriyo
Canbaha iyo liintiyo
Cambaruud bislaadiyo
Yaamistii la cunayaba
Caynba cayn ku beertaan
Biyahana u celisaan
Gaajo waydun cidhib tiri
Ciilna waad ka koraysaan
******
Cuudka iyo xoolaha
Haddii geel caroofiya
Lo,da tii casayd iyo
Ceesaamo dhaqataan
Banka cidhifyadiisana
Caynta aad ku raacdaan
Caano iyo hilib iyo
Subag aad ka cuurtaan
Gaajo waydun cidhib tiri
Ciilna waad ka koraysaan
******
Ciiddaada hooyaa
Cissi iyo wanaaag iyo
Cawo kuugu idishaye
Caashaqa dhulkiinnoo
Calankiinna haybsada
******
Kalluunkaa cadceedsaday
Ceegaaga badahaa
Haddaad shabag la carartaan
Canbarka iyo libaaxii
Doonyaha camirataan
Macdantaa cuddoonee
Dhulka caaradiisiyo
Calooshiisa jiiftana
Ceelasheeda jabisaan
Oo dahab casaaniyo
Dheeman soo cantoobtaan
Gaajo waydun cidhib tiri
Ciilna waad ka koraysaan
******
Ciiddaada hooyaa
Cissi iyo wanaag iyo
Cawo kuugu idishaye
Caashaqa dhulkiinnoo
Calankiina haybsada
******
Cilmi haddaydun barataan
Carqaladaha dhaqaaliyo
Cudurada dilaaga ah
Siyaasada cakirantiyo
Ciladaha bulshada dhiba
Dhammaan waydun cidhib tiri
Ciilna waad ka koraysaan
******
Ciiddaada hooyaa
Cissi iyo wanaag iyo
Cawo kuugu idishaye
Caashaqa dhulkiinnoo
Calankiinna haybsada
******
Ciidan haddaydun qorataan
Cadka aydun leediin
Gumeystaha cartamayiyo
Cadaw aad ka eegtaan
Cadligana aad dhawrtaan
Gaajo waydun cidhibtiri
Ciilna waad ka koraysaan
******
Carri kale ninkii tegay
Ee cashuurta bixiyaa
Caqlibow siyaadoo
Allow yaa ku celiyuu
Hoos ugu calaacalay
******
Ciiddaada hooyaa
Cissi iyo wanaag iyo
Cawo kuugu idhishaye
Caashaqa dhulkiinnoo
Calankiinna haybsada
******
Coomaadda duuliyo
Diinkii curyaan ahi
Calaf way u siman yiin
Ninka carab u tacabiray
Ama yurub cagaha dhigay
Iyo caynta hawdka ah
Kii halo ku celiyaa
Calaf way u siman yiin
Cadceeddii timaadaba
Tuu casiisku kuu qoray
Lagaa caydhin maayoo
Aduunbaa cunaaya’e
Caashaqa dhulkiinnoo
Calankiinna haybsada
******
Caaqilkaa wadaniga ah
Calaamado uu leeyahay
In yar aan ka curiyee
Carri kale wixii jira
U caal taagi maayoo
Caloolyoobi maayee
Waxa uu cuganayaa
Kuwa caynka ugu jira
Ceesh aan wadaag jirin
Ama cid gaari leedahay
Caynaanin maayee
Codka wuxuu ugu hiishaa
Waa danaha caamka ah
Caaqilkii waddani ahi
Wuxuu ceelalyo u yahay
Cadrad iyo doob iyo
Carruur iyo waayeel
Cuddudii dadkiisiyo
Carrabkooda hadalkiyo
Caqliga inay mideeyaan
Dadyowgaa car-ceeree
Cirka iyo dayaxa tagey
Haddii ay cantarayaan
Cuurkaa ay haystaan
Sidii nibiri caariday
Ciyi looma siininee
Camal bay qabteenoo
Caajis bay iska diideen
******
Ciiddaada hooyaa
Cissi iyo wanaag iyo
Cawo kuugu idhishaye
Caashaqa dhulkiinnoo
Calankiinna haybsada
******
Cirroolihii horaa yidhi
Caleentii guyaad iyo
Waxaad cagaarka daaqdaba
Marka cirirku guuree
Jiilaal cargaagtamo
Huri maysid cawskee
Anna waxaan cabbirayaa
Dubay iyo ciraaq iyo
Cimaaradaha reer yurub
Waxaad kula cawaysaba
Huri maysid cawda’e
******
Ciiddaada hooyaa
Cissi iyo wanaag iyo
Cawo kuugu idishaye
Caashaqa dhulkiinno
Calankiinna haybsada.
Allaa mahad
leh
|