Calankeena ayeynaan ku cadaab mudan

 


Walaalayaan waxaan naftayda iyo nafihiinaba aan la jeclaaday, in aan idiin soo bandhigo arin aniga shakhsi ahaan aad iiga yaabisay oo aan is odhan karo waa arin of kasta oo muwaadin somalilander ahiba uu ka jidhiidhicoon doono.

Waxa aan daah inaga saarnayn in wadankastaa uu leeyahay calan iyo astaan u gaar ah isaga, inagana wadankeenu waxa uu leeyahay calan uu ku xardhan yahay tawxiidku, Waajibna inagu ah in aynu cisayno,ilaalino,ixtiraamo oo aynu kor yeelo kana ilaalino wax kasta oo wax u  dhima aya haday tahay nijaas iyo in la geeyo goobo aan munaasib ku ahayn.


Hadaba walaalayaal waxaynu aad uga wada dharagsanahay in kumanaan xabo oo calamo ah la qaato maalmaha munaasibadaha sida:

18 May, 26 june iyo munaasibado kale oo loo dabaal dagaba, hadaba maalmahaa munaasibada ah shacbi weynaha somaliland waxay ku dabaal dagaan kumanaan calamo ah oo ay ku xardhan tahay Tawxiidka Alle (Subxaanahuu wa tacalaa).

Oo laga in uu ku dhex lumo meesha, ama intuu dhaco lagu joogsado, amaba dadka xaflada  joo gaa ay meelo kala duwan ku xidhaan oo aan munaasib ku ahayn, iyada oo laga yaabo in aanay qaarkood daahir ahayn, amaba aanay fahamsanayn muhiimada uu leeyahay kuraalkan  tawxii dka ee ku xardhan calankan uu sito.


Waxa kale oo iyaguna jira sida calanka oo kale, oo iyagan uu ku yaalo tawxiidku (kaadhadhka) ay bixiyeen koomishanka doorashooyinku kuwii hore iyo kuman dhawaan lagu badalayeyba, kuwaasi oo iyaguna si sahal ah loola gali karo meelo aan munaasib ahayn sida Makhsulaha or Suuliyada, taasoo laga yaabo qofka sitaa in aanu fahamsanayn oo aanu waxbaba akhriyin  da mbina ugu sugan yahay.

Dhanka kale waxa jira waraaqo ka soo baxa goobaha dawlada sida wasaaradaha oo kale oo ay loogadooda iyo calanka oo uu tawxiidku ku dhex xardhan yahay ku yaalo oo laga yaabo in aan meelo aan munaasib ku ahayn lagu tuuro sida Dhasbiinada, gudaafadaha iyo meelo kale oo  ba naan dambinaga uu inooga sugan yahay.

Hadaba waxaan ku talinayaa anigu rayi ahaan in laga waantoobo in la soo qaato calan, ama  a staan kale oo uu ku xardhan yahay tawxiidku maalmaha munasidaba ah, iyada oo aan halkana baaq uga diraayo goobaha calamada lagu sameeyo in ay ka daayaan tawxiidka wixii aan laga taagayn meel biri ku taalo sida wasaaradaha dawlada iyo wixii la mid ah.

Hadaba akhriste adiga oo uu Ilaahay ajar iyo xasanaad kaa siinaayo u dig dadka aan aqoonta lahayn ee aad ku aragto iyagoo sida calan ama astaan kale oo uu tawxiidku ku qoran yahay sita.

Wa salaamu calaykum waraxamatulaahi wa barakaatu

 

 

 

 

Qalinkii :Cabdi Cabdilaahi Cilmooge
Cilmooge21@hotmail.com
Hargeisa somaliland