CalaF baa i siiyey calafkiina suga. Shirka beesha Sacad Muuse ma dhab libaax baa, ma dhogor libaaxbaa mise dhogortii dayo


 



Beesha Sacad Muuse oo beel ahaan u shirtay haddana ku baaqday in aan beelaha kale shirin karin (Fan aka Accuudu Bilaah tolowyaa casuumey),
Inj. Hamud Duale
 


Waa yaab iyo lama arag beel reernimo u shirtay oo cuqaal iyo suldaan u kala hadhin haddana beelo qayr kood ah iyo deegaamo dawladoodii hoose iridaha loo laabay ku baaqaysa in la joojiyo shir beeleedyada. Tolow maxay ka hinaaseen ma Suldaanka Jibriil Yoonis ee Boorama lagu Caleemo saarayo mise in caante en bay hadlayaan oo xildhibaano gaar ah iyo badhsaabyo gaar oo weli ka duulaaya habkii lagu hoogey e e lagu ba'ay ee musuqa iyo qabyaalada, iyagu ku liibaani jirey, islamarkaana dadweynuhu ku eedaadi jir ey ee ku adeeg beeli jirey. Caqli ma aha aniga beel ahaan ayaan u shirayaa kuwa kalana waan ka joojina yaayaa.


Shirkan hal qodob oo ka hadlaya adeeg caafimaad, waxbarasho iyo dheri midna kuma jiro. Waxaad mood aa in la yidhi sidaa dhaha iyaguna aanay hareerahoodaba eegin. Waan hubaayoo guriga madaxtooyadu shirkan kuma shaqo lah, ee waa laba iyo sedex damacooda qaladka ah dawladu ku raaci weydey oo bees ha buruurd ka raadinaya.


Markaan maqlay Shirkan ay ku kulmeen Sacad Muuse, waxaan Moodey in ay taageerayaan waxqabadkii wasaarada maaliyada ee uu warbixinteedii soo bandhigay wasiirka ma yeedhaanka, maxaysatada iyo re er miyigu abkuu doono ha sheegtee Maxamed Xaashi Cilmi. Laakiin markaan sii gudagalay waxaan arkay beel afkii dawladdu ku hadli lahayd ee aan maalmahanba ka sugayey ku hadlaysa, oo shir beeleed u fadhi da kuwa kalana mamnuucaysa. Adiga oo tuur leh toosin iyo qaalo tu kaleeto in aad toosisaa waa tu' aan jirin. Adiga beelnimo u shiray sideed mid kakle ugu diidi kartaa.


Berigii hore waxaan maqli jirey beel dhab libaax sheegta laakiin immika ayaa iigu horaysa beel afka dawla da sheegta, Oo dawladiiba iskala buruud saraysa oo hadalkii dawlada looga fadhiyey iyadu ka boobeysa.

Weli waxaan isweydiinayaa kuwa odayaashii iyo beeshii sharaftii ka qaaday ee lacagtii dadweynaha shir kaa in ay qabtaan ku kharashagareeyey oo qodobadaa soo saaraan ku kelifey ma dad baa ma dunqaara a. Labad midna ha u maalaynina laakiin kolayba waa lixdan jirey ku dooda Calaf baa i siiyaye Calafkiina su ga oo adeeg iyo calaf dadweyne afkiisa laga maqal.
 

 

 

 

 

Inj. Hamud Duale