Cadowga Gudaha Ayaa Ka Xun Ka Dibedda - Dr. Gaboose Waxa uu u yimid USA Baabi’inta Somaliland

 

Waxa nasiib darro ah in walaalkeen Dr. Gaboose oo lagu tilmaamo in uu ka mid yahay aqoonyahanada ugu waaweyn S/land ay maskaxdiisu siin weydo in uu kala saaro nacaybka shaqsi ahaaneed ee uu u qabo Madaxweyne Daahir Rayaale iyo danta qaranka Somaliland.
Waxa nasiib darro ah in markii uu la kulmay wasaarradda arrimaha dibedda ee dalkna Maraykanka (State Dept.) uu u sheegay waxyaabo kasoo horjeeda "Aqoonsi iyo dhaqaale u raadinta Somaliland". Waxa uu Dr. Gaboose si badheedh ah ugu sheegay Mr. Matthew Walsh oo ah ninka arrimahada Somaliya iyo Somaliland u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkan Maraykanka, bishan January 13keedii (13th Jan. 2009) in aqoonsiga S/land iyo taageeradda dhaqaale ee hadda lasiiyaaba ay halis ku tahay danta maraykanku ka leeyahay geeska Afrika.

Dr. Gaboose waxa uu sheegay in S/land ay tahay meel dadka lagu xasuuqo, ninkii ladoonanan jeelka la dhigo (isaga ayaa tusaale isku soo qaatay, iskana dhigay muxabis siyaasadeed), sidaa daraadeed ay haboon tahay in mucaawimadda yar ee Maraykanku siiyo S/land uu joojiyo ilaa inta dimuqraadiyad dhab ahi ka dhalanayso, waa sida uu u dhigay’e. Waxa uu Dr. Gaboose rumaysan yahay in dhaqaalaha Maraykanka iyo Europe ay siiyaan S/land ay ku hayaan madaxweyne Rayaale kursiga, sidaa awgeed ilaa doorashooyinka la dhaafayo laga joojiyo wax kasta oo caawimo ah oo la siiyo S/land.

Run ahaantii waa naxdin iyo murugo aad u weyn in Dr. Gaboose oo dayacay bukaansocodkii baahida weyn u qabay aqoonta uu ilaahay siiyay, isla markaana kala bakhaylay dalkiisa iyo dadkiisaba aqoonta gaarka ah ee ilaahay siiyay uu haddana usoo ambabaxo raadinta cuno qabataynta isla dadkii uu daayacay inta kasii nool.

Jaaliyadda S/land ee USA oo aad uga gilgiladday dhaawacan uu Dr. Gaboose ula badheedhay dhulkii hooyo ayaa waxa tusaale u ah goobaha uu tegay ee uu baroordiiqda beenta ah uu gaadhsiin rabay ay diidaan in ay kasoo qayb galaan. Tusaale ahaan saddexda meelood ee uu socdaalka ku tegay: Virginia/ Washington Area oo ay ku noolyihiin in ka badan 5000 qof oo S/landers ah waxaa shirkiisaas ka qayb galay 27 qof, oo weliba ilaa 9 kamid ahi ahaayeen asxaabtiisii reer koonfureed.

Gobolka Ohio oo ay degen yihiin ugu yaraan 8000 qof oo S/landers ahi waxaa shirkiisa kasoo qayb galay 32 qof. Ugu dambayn gobolka Minnesota oo aad loo buunbuuniyay imaatinkiisa, ahna gobolka ugu Somali iyo Somalilanders-ba badan waxaa kasoo qayb galay shirkaas tiro lagu qiyaasay ilaa 65 qof oo weliba ugu yaraan 20 qof oo ka mid ahi aanay u dhalan S/land ee ay ahaayeen qaraabadiisii iyo asxaabtiisii koonfureed.

Haddii ay run tahay in S/land dadka la iska xidhxidho ma aanay suurto gasheen in inta uu hadda dhaawaco S/land uu haddana haweysto in uu Hargeysa ka dego. Haddii loo xidhay tartan siyaasadeed waxa aan filayaa in ragga kuraasta waaweyn doonayaa ay ka horayn lahaayeen, sida gudoomiyayaasha laba xisbi mucaarid, iwm.
Haddii uu damac ka hayo walaalkey Dr. Gaboose kuraasta ka banaanaatay Koonfurta (Somaliya), uma baahna in uu isa sii hamba raaciyo inta yar ee kakabka ku dhisan ee uu isagu horeba u diiday in uu kaalintiisa ka geysto.

Mr. Philip Carter oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee USA, oo aanu la xidhiidhnay anaga oo daba socona kulankii uu la yeeshay Dr. Gaboose ayaa waxa uu noo sheegay in " Wasaaraddiisu la socoto wanaagyada tirada badan ee ay S/land ku kacday iyo sida ay iskugu tashatayba. Waxa uu yidhi: S/land inta nooga gudboon waxtar ahaan cidnaba kalama tashanayno, waxana naga dhexeeya xidhiidh nabadgelyo iyo dano badan oo kale.
Isaga oo sii wata hadalkiisana waxa uu yidhi Mr. Carter: Dr. Gaboosana waxa noo keenay dad Maraykan ah, kana soo jeeda S/land, marka waxa aanu u qaabilnay sidaas awgeed ee ma aanay hayn casumaad aanu u casunay S/lander ama Somali ahaan ee ballanta gudaha ayaa looga dhigay, qof kasta oo wadani Maraykan ahina wuu dhigan karaa ballan noocaas ah.

Sidaydoontaba ha ahaatee, aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga xaakimka ah ee UDUB, laantiisa USA, waxa aan ka codsanayaa Dr. Gaboose in uu nagala qayb galo toosinta iyo kabkabka dalkeena, uuna ka daayo shacabka reer S/land hagardaamada badheedhka ah ee uu usoo kicitimay.

 

 

 

 



Mohamoud Shukri

Gudoomiyaha Udub-Ohio