Caddaatay buu yidhi guda baqas.Maayaarada degmooyinku Gebiley waa in
aanay cashuur danbe ku hoyn Xarunta

Cidna baalagaare kuma ihi lab, dhidig iyo beeltoona. Cid aan gaar u
buun buuninayaana ma jirto. Taasi wa a iga afeef oo waxaan leeyahay
qof xil qaaday eed qaad yaan la is aqlaalin haddaan maanta wax ka
idhaa Shir bileedkii u danbeeyey ee hogaamiyayaasha gobolka Gebiley.
Cadaadtay buu yidhi guda baqas soo
jireenkii markuu wax ka dednaa ogaadey. Dad badan ayaa ku doodi
jirey Beesha Gebiley degta waa af yar unuunatoo waxay heshaba
asaabta, waxaan ku doodi jirey xaash a kalaa beel keligeed inna
afduubtaa kuma noola Gebiley, qaarbaa ku doodi jirey waa jilibka
gebiley shee gtee kuligayo ma ah. Labadaa doodood wax isma dhaamaan
waa dameer iyo labadiisii deen.
In badan ayaan maqlayey Gebiley baa wax kasta qaadata oo aan ku
doodayey ma qaadato ee hogaamiy ayaasha ayaa qaatay abkuu doono ha
sheegtee. Weligee ma arag mana maqal horumar dheeraad ah oo xarunta
gobolka loo sameeyey. Waad ogtihiin in dadka gobolka in ay u qaxaan
Boorama iyo
Hargeysa si ay ubadkooda markay gebiley ka waayeen adeegii
waxbarasha heer hoose iyo heer saraba, kii caafima ad iyo kii
bulshabo. Markaad dhab ugu fiirsato tiro ahaan, dhaqaalo ahaan iyo
halkay ku taalaaba tii loo soo qixi lahaa ayay ahayd ee may ahayn
tii laga qixi lahaa. Haddii xarunta Gobolka horumar dheeraad ah lagu
arki lahaa allaybaday iyada ayay u soo
qixi lahayd, Wajaale iyada ayay ku soo
qixi lahayd, Arabsiyo intay bariga
eegeyso galbeedkay soo daymoon lahayd.
Waxba ayuu hadalku ilaa taraarine aan ku soo laabtaa dulucdii
aragtida. Shirkii hogaamiyaaysha ay dad weynuhu soo doorteen iyo
kuwii dawlada dhexe soo magacawday waxaa lagu murmay saami qaybsiga
d haqaalaha gobolka oo waxay maayarada
degmooyinku codsadeen in beerrsenti-eegka
kastama Kalabay dhka in wax laga soo gaadhsiiyo si baahiyaha
iyo horumarinta degmooyinka loogu kabo. Arinkaasi waxa an u arkaa in
uu xaq yahay oo gobolka dhaqaalaha soo
gala iyo ka baxaba la isla ogaado. Meeyarka
iyo badhsaabka
oo labadu qaflad dawladu dhexe ku magacawday , oo dadweynaha
reer Gabiley cod u qaad ini arrinta way ka goos qabsadeen sobobtiina
waxay ka dhigeen sakaaro ka biirsan oo waxaa cuskadeen in aan hore
loo soo qaadi jirin ee ay tahay ay ujeedo gaar ah dhidiga loola dan
leeyahay.
Haddaba, waxaan leeyahay meeyarka gobolka
dadkani waa kuwii iyo kuwa ku barbaaraya lab iyo dhidig ba guri
hooyo biilka ku fileysiiso oo ay suuf iyo xanjo isku nabnabto,
qaarbaa dhagax haweenku fariidni mo waxay ka qabaan markay wax kale
waayaan dhagax dabka u saari jirey ee ku maawaalin jirey wuu
karayaaye suga. Gobolka iyo degmooyinka u arag gurigaagii iyo
carruurtaadii iskana hubso labka badan ee kugu xeeran talooyinkooda.
Gurigan laguu magacaabay in aad horumar gaadhsiiso amma dhagax dab u
saarto waxaa hortaa ka soo taliyey boqortooyadii Xarla,
boqortooyadii Araweelo iyo dhuux buuni oo kale. Weligaa ha
ismartiyayn waa la ogyahay waana lagu abaalmarine, isku kalsoonaw.
Qiil kuu noqon ma yso dhidig baan ah waayo waxaa soo foole dhidig
kule oo kula tartama.
Badhasaabka waxaan leeyaha bi' waaye ha
noqn Buulle oo kale,
kala garo bad iyo webi biyahooda kala saar.
Gobolkani wuu ka dagaalamay
Buulle iyo Barre
isku il jabiya oo hablo
dhayla ah haddii hilibkooda loo waadho,
weel u soo qaadan jirey. Ma maqli karaan
fariin
Buulle ka keenay Bare.
Waxaan uga dan leeya hay awooda dawlada hoose ee gobolka iyo
degmooyinka ee dadku soo doortay ha wiiqin oo ha bah dilin.
Ha sheegan buruud aanad lahayn. Kala
miyo in aad dadweynaha gobolka u shaqaynayso, in aad adigu ka
shaqaysanayso magac iyo manfacaba, in qofkii ku magacaabay aad u
shaqaynayso iyo ma xumee in aad sedexdaba isku wadayso.
Shirista beelaha gobolka Gebiley qayrkeed bay
la qabtay, way xun yihiin iyo way san yihiina midna ma lihi.
Laakiin badhasaab yidhaa ma shiri kartaan
qayrkeed lama qabto,
waa Guul Wadeen aan macno weyn ku fadhiyin iyo niikiis
codbixintii ha lagu sii daro. Cid kastaa ha abaabushee in la takoor
ma ah. Badhasaabku wuxuu xaq u leeyahay in uu hubiyo hab shariciga
waafaqsan in ay soo maraan iyo in uu s ugo kuwa qabanqaabiya iyo
kuwa ka soo horjeedaba ammaankooda sugo. Haddii shiraka beelaha ay
xaa aantinimaysay shirarka beelaha kuwa
kalana way shireen lama maqleen.
Haddii shirarka ay qayrkood la qabaan iyaga
loo diido, waxaa xigi
madaharaad salmi ah amma qas wata oo ku xidhan hadba siday
ula tacaalaan dadka u xilsaaran ammaanku.
Malaha waad war la'dahaye
waxyi samada kaga soo dega iyo rasuul
loo soo dhiibo iyo dad wada rummaystay
maamulkii
Guul wadayaasha iyo Ciidamada
qalabka sida ayaa ugu danbeysey. Sidaa daraadeed, badhasaabku waa in
uu dhex u noq daa ka wax saluugaya, ka wax tabanaya, ka riyaaqsan
iyo kii isaga u bogayaba.
Meeyarada degmooyinkana hal baan leeyahay,
mar haddii la yidhi waxba kuma lihid hantidii gobolka ee kastamka
iyo hantidii dawladda dhexaysay in lagu horumariyo gobolka,
waxaa idiin banaan in
lacagta degmada aad joogtaan ka soo hoysan mar danbe ha u gudbin
xarunta gobolka ee dadkii lahaa u celiya oo baahiyaha degmadooda
kaga shaqeey.
|